Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo soo bandhigtay Meydka Askari Ugaandheys ah oo lagu dilay dagaaladii Xalay ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Saxaafadda gudaha iyo dibadda waxay usoo bandhigeen Meydka Askari Ugaandheys ah,kaasi oo habeenkii xalay ay toogteen Ciidamo ka tirsan Guutada Mustafa Abul Yaziid ee dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Ka gadaal dagaal Culus oo waqti kooban socday kadib oo habeenkii xalay ka dhacay Daarta Shaqaalaha ee ku teedsan Wadada Makka Al-Mukarama ayaa Ciidamada Kumaandooska ee Shabaabul Mujaahidiin,gaar  ahaan Guutada Asha-hiid Mustafa Abulyaziid waxaa usuuro gashay inay gudaha u daataan Saldhiggii daarta Shaqaalaha ay  ku dhex lahaayeen Ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Ugandha.

Dagaalkaasi Culus kadib Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay soo qaadeen Meydka Askari Ugaandheys ah oo ka mid ahaa Askartii lagu dilay dagaalkii xalay dhacay.  

Meydka Askarigan Ugandheyska ah ayaa waxaa ka muuqday Astaamo muujinaya inuu ka tirsan yahay Ciidamada Shisheeyaha ee magaalada Muqdisho ka howlgala.   Tusaale ahaan waxaa Saxaafadda loo soo bandhigay Teesarihiisa gaarka ah,qalab kala duwan oo isugu jiray Agabka Melliteriga sida Rasaas,Cuntooyinka fudud ee Ciidamada ay isticmaalaan,koofidayaha Xabadda celiya,Teleefonada gacanta lagu qaato iyo Agabyo kale.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa Saxaafadda kula hadaly halka lagu soo bandhigay  Meydka Askarigan ka tirsanaa Ciidaamada Shisheeyaha ee Xasuuqa ka wada magaalada Muqdisho.

Dhagayso Codka Sheekh Cali dheere
Sheekh Cali dheere ayaa ugu horeyn waxa uu mahad celin ballaan u jeediyay  Ciidamada Kumaandooska Shabaabul Mujaahidiin ee habeenkii xalay jiiray difaacyada wadada shaqaalaha ay ku lahaayeen Ciidamada Shisheeyaha,wuxuuna tibaaxay in Meydka Askarigan ay il qabowsan doonaan Kumanaan Soomaali Muslimiin ah oo u ciil qaba Ciidamada Shisheeyaah ee dalkooda dhibaaatada ku haya.

“Allah ayaa mahadsan,Ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin,waxay xalay ku daateen oo gudaha ay u galeen Saldhigyo ay wadada Makka Almukarama ku lahaayeen Saliibiyiinta nagu soo duushay,Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in dagaalkii xalay ay ku dileen Toboneeyo Gaalo Saliibiyiin ah,laakiin Allah waxa uu waafajiyay inay soo qaadaan ama Bulshada muslimiinta ah ay usoo bandhigaan Bakhtiga Salbiigan hortiina ka muuqda,waxaana u mahadcelinaynaa Ciidamada Kumaandooska ee Mujaahidiinta gaar ahaan Guutada Mustafa Abul yaziid ee Camalkan barakaysan fuliyay”.

Sidoo kale Boqolaal ruux oo kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howl wadaag,halkaasi oo loo dhigay Meydka Askariga Ugaandheyska ah ee xalay ay dileen Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Dadweynaha isku soo baxay ayaa waxay aad ugu riyaaqsanaayeen inay indhahooda ku daawadaan Meydka Askariga Ugaandheyska ah ee qeybta ka ahaa Ciidamada Shisheeyaha ee Xasuuqa ka wada magaalada Muqdisho,hasse yeeshee ku baxay gacanta Xoogga Mujaahidiinta.
Si kastaba ha ahaatee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin aya horey dhoor jeer sidan oo kale waxay magaalada Muqdisho ugu soo bandhigen Meydadka Askar Shisheeye ah oo lagu dilay dagaalada ka socda magaalad Muqdisho.

                                                 SAWIRO DHEERAAD





 

One Response

  1. asc wr wb mansha’ allaah aadban ugu farax sanahay mujahidinta waxan leyahay alaha iidin dowre haka dalina gudashada wajibadka ale waxan alaha idinkaga baryayaa nasri dagdag ah waxan idinleyahay sabra kuna sbara dhibatoyinka idinkaga yimado dhanka cadowga wlhi waxaa baqi ahan dono xaqa badilkana wuusuli dona waxan sigar ah ugu hambalyeynaya guutada mustaf abul yaziid xafidahulah ilaha haidila garabgalo gudashada wajibadka asc

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: