Zenawi: UWSLF Waxay Ahaan Jirey Argagaxiso Oo Hadda Nabadda Qaatay Markay Gobolka Ku Noolaan Kari Waayeen (Dhagayso SomaliTalk.com)

Zenawi waxa uu markale si qeexan u sheegay, shir jaraa’id oo uu August 11, 2010 ku qabtay Addis Ababa, in kooxaha heshiiska la gashay ay yihiin “hadda kuwa ugu taag daran” oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii “kooxahaasi ay ku badbaadi waayeen degaanka. 

 Zenawi oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Gobolka Soomaalida isbedelka ugu weyn waxa uu yimid markii dadka rabitaankooda nabadda ay difaacdeen, taas oo ah furaha, waxay dadweynahu isu diyaariyeen in ay difaacdaan nabadooda oo u dhintaan, taas ayaa waxay bedeshey miisaankii gobolka oo dhan, waxayna ka dhigtay mid aad ugu adag kooxahaasi in ay ku badbaadaan gobolka, taas weeye sababta ay hadda u yihiin markii ay ugu taagta darnaayeen. Dadweynaha ayaa dawladdu awoodeeda ku xoojisay si ay ula dagaalanto ONLF iyo (U)WSLF, arrimahaas awgeed nabada gobolka ayaa soo ifaysa, waxaan filayaa dhawr bilood gudahood waxaan ku gaari doonaa nabad gelyo raaxo leh ee gobolka. In aan heshiis la gallo kooxda ugu taagta daran su’aal aniga iitaal ma aha.

Zenawi waxa uu UWSLF ku eedeeyey in ay ahaan jireen Argagaxiso oo hadda nabadda qaateen, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Sidaad ogtihiin (U)WSLF waxaa markii hore loogu yeeri jirey Al-Itixaad, waadna ogtihiin wixii Al-tixaad ka samaynayeen halkan Addis Ababa, waxay ahaayeen argagaxiso wax xasuuqa, xilli dhexaad ah ayey waxay go’aansadeen in ay ka baxaan Al-Itixaadka Soomaaliya, markaas ayey bedeleen magacoodii. Hadda waxay raadinayaan nabbad, waxaana ku faraxsanahay taas mar haddii ay u soo gudbeen dhanka nabadda.” Eedaymahaas waxa uu soo jeediyey Agoosto 11, 2010 oo ah kaddib heshiiskii xukuumaddiisa iyo UWSLF ee July 29, 2010.

Zenawi oo adeegsanaya xirfadii gumaystayaashii reer Yurub ee “Qaybi oo Xukun” ayuu isku deyey in uu sharaxaad qabiil ka bixiyo laba garab oo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin ONLF oo garab kamid ah uu heshiis kula jiro, garabna uusan kula jirin. Waxana uu yiri: “Waxa kale oo wada hadal nagala dhexeeyaa garab ONLF, oo ah garabka ugu muhiimsan. Sidaad ogtihiin ONLF sida bulshada Soomaaliyeed oo dhan waa kuwo ku salaysan qabiil. Kooxda wada hadalku noo socdo waa jilibka labaad ee ugu weyn beesha Ogaadeen. Jilibka ugu weyn Ogaadeen weligood kama qayb qaadan ONLF. Garabka aan wada hadalku noosocon waxay ka tirsan yihiin jilib kale oo yar oo ah Ogaadeen. Kooxda wada hadalku noosocdo waa jilibka Reer Cabdille, kooxda aan wada hadalku noo socon waa jilibka Reer Isaaq.”

Hadalka Zenawi ee Augu 11, 2010 Dhegeyso ama soo rogo Warbixinta SomaliTalk.com oo dhamaystiran si aad u akhriso Halkaan Riix Ama Guji

Warbixintii SomaliTalk ka Diyaarisay Hishiiskii Meles Zanawi iyo Jamhadii Somali Galbeed ee  Cadowga Gacanta loo Galiyey si aad u akhri Halkaan Riix Ama Guji

Xuquuqda Qoraalka, Codka Meles Zanawi Masawirka Dhammaan
waxay u xafidan tahay Shabakada Caalamigaa ee WWW.somalitalk.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: