Heshiiskii Dullinimo ee UWSLF(Jabhadda Somaligalbed) ku aqbashay soo afjaridda halgankii xoreynta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka dhulka Soomaaligalbeed.

Hoos waxaa ku qoran turjumada heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray UWSLF iyo xukuumadda Itoobiya, qoraalkaas oo ka kooban 6 qodob oo kala ah (1) Soo Afjarid Xaaladdii Iskacaabinta, (2) Xuquuqda Dastuuriga ah, (3) Dib-u-dejin & Baxnaanin (rehabilitation), (4) Xuquuqda dib-u-soo laabashada, (5) Dar-dar gelinta horumarinta, (6) Dhaqan Gelin. 

Haddaba inta aynaan u gudbin qodobada xeeladaysan ee heshiiskaas caqabadda ku ah, aan marka hore ka boganno heshiiskaasi sidii uu u qornaa oo Af-Soomaali ku tarjuman, waa kan heshiiska oo dhan:

*****

Heshiis

Dhexmaray

Dawladda Federaalka Jamuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya

iyo

Midowga Jabhadda Xoreynta SoomaaliGalbeed (UWSLF) ee ku saabsan Soo-Afjaridda (Joojinta) Xaaladda Iskacaabinta (Muqaawamaada)

  • FG. Qoraalkan waxaa Tarjumey SomaliTalk.com, nuqulka asalka ahaa oo ku qoran English ka eeg halkan.

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo Midowga Jabhadda Xoreynta SoomaaliGalbeed (UWSLF) oo qoraalkan wixii halkan ka dambaya loogu yeeri doono “Qaybaha” (heshiisku dhexmaray):

Markay si xooggan ugu qanceen habka istaarijiyadeed iyo nabad sal-ballaaran ee gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya;

Markay marlabaad xaqiijiyeen qaybaha (heshiiskani dhexmaray) taageeradooda heshiiskii nabadda ee kulankii koowaad lagu gaaray Jabuuti iyo wada-xaajooyaadii ku xigey iyo kulamadii la qabtay wixii ka dambeeyey baqii xabbad-joojinta ee dhexmaray qaybaha markay taariikhdu ahayd March 2010;

Markay garwaaqsadeen in baaqii xabbad-joojinta uu ahaa taariikhi asaaska u dhigay nabad iyo xasilooni waarta, waxana uu u gogol-dhigayaa koboca iyo horumar dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha.

Markay sidoo kale ku qanceen xaqiiqada ah in xuquuqda bini-aadamka iyo midda dimoqraadiyaddu in ay ku lakaban yihiin (ama ku lammaansan yihiin) dhexda dastuurta Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya oo si xoog weyn ugu ballan qaadaya dadka Jamhuuriyaadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya in ay yeeshaan xuquuqda dastuuriga ah si nabad gelyo;

Markay garawsadeen in qodobka 39-aad ee Dastuurka Federaalka Jamhuuriyaadda Dimoqraadiga Itoobiya uu xuquuq buuxda siinayo in ay danahooda ka tashadaan oo ay ku jirto in ay go’i karaan dhammaan (الأمم والقوميات والشعوب) ummadaha, Qowmiyadaha, Shacabka Itoobita iyo in ay helaan is-maamul goboleed oo dhamaystiran oo laga hirgeliyo gobolka Soomaalida taas oo loo gogol dhigayo nidaam sharci iyo siyaasadeed oo kor loogu qaadayo si siman u horumarinta si nabad gelyo ah.

Markay muujinayeen in heshiiskan uu yahay fursad dahabi ah oo keenaya heshiis taariikhi ah oo dhex mara qaybaha (heshiiskani dhexmaray) kaas oo bud-dhigaya horumar mustqabalka oo ay gaaraan dadka aadka ugu baahan;

Waxay ku casumayaan qaybaha kale ee arrintu khusayso in ay ku soo biiraan geedi socodka nabadda ee bilaabatay oo ay sida xad-dhaafka ah u taageereen dadka jooga dalka iyo jaaliyadaha ku nool dibadda (qurbaha).

Waxay gaareen heshiiska soo socota:

Qodobka 1aad

Soo Afjarid Xaaladdii Iskacaabinta (muqaawamada)

1. Xaaladdii iska caabinta ee UWSLF ay ka wadeen gobolka Soomaalida ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa si xaqiiqo ahaan halkan loogu soo af-jaray, waxaana la unkay nabad.

2. Dawladda Federaalka Dimoqraadiga Itoobiya waxay aqbashay siidaynta xubnaha UWSLF ee ku jira xabsiyada.

3. Qaybaha heshiiskani dhexmaray waxay isku raaceen in Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya uu asaas u yahay dhammaan xuquuqda ay dalbadeen UWSLF.

4. Qaybaha heshiiskani dhexmaray waxay isku raaceen in labada dhinacba ay fuliyaan ballan-qaadkooda ee waafaqsan xabbad joojintii lagu heshiiyey kulankii lagu qabtay Jabuuti.

5. UWSLF waxay aqbashay in ay u hoggaansamayso Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo qawaaniinta kale ee dalka.

Qodobka 2aad

Xuquuqda Dastuuriga ah

Qaybaha (heshiiskani dhexmaaray) waxay isku raaceen in hoggaanka iyo xubnaha UWSLF ay helayaan xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan Dastuurka Federaalka  Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya, xuquuqdaas oo aay ka mid yihiin:

  • A. Xorriyada Diinta, wax qofku rumaysan yahay, iyo ra’yiga
  • B. Xuquuqda horumarinta
  • C. Xuquuda hab fikirka
  • D. Xuquuqda lahaanshada
  • F. Xuquuqda qowmiyadaha (الأمم والقوميات والشعوب), gaar ahaan xuquuqda ay u leeyihiin aayaa ka tashidoogda ilaa ay ka go’i karaan ayadoo la raacayo qorobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya.

Qodobka 3aad

Dib-u-dejin & Baxnaanin

1. Dawladda Federaalka Jamhuuriayada Dimoqraadiga Itoobiya waxay ogolaatay in ay qaado tallaabooyin ku haboon oo lagu agaasimayo soo dhaweynta xubnaha UWSLF ayadoo loo qoondeeyey imkaaniyaad (hanti) si loo siiyo dib-u-dejin iyo kaalmo iyo weliba in la dhaqan geliyo tallaabooyinka ku haboon ee xubnahaas ay uga mid noqonayaan bulshada.

2. Dhammaan xubnaha UWSLF waxay xuquuq u yeelanayaan inay ka qaybgalaan geeddi socodka horumarka ayagoo ku biiraya hay’adaha kala duwan ee heer goboleed ama heer federaal.

Qodobka 4aad

Xuquuqda dib-u-soo laabashada

Qaybaha (heshiiskani dhexmaray) waxay isku raaceen, isla markaasna uu dhigayo qodobka 32aad ee dastuurka Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya, in heshiiskani uu u baaqayo dhammaan dadkii ka baxay dalka, sabab la xiriirta dagaal hore ee ka dhexeeyey qaybaha heshiiskani dhexmaray, in ay ku soo laabtaan Jamhuuriayada Dimoqraadiga Federalka Itoobiya oo ay ka qayb qaataan horumarinta geedi socodkan socda.

Qodobka 5aad

Dar-dar gelinta horumarinta

Ayadoo la garwaaqsaday horumar la’aanta muddada jirtey oo ay qayb ka ahayd bururkii ka dhashay iskacaabinta iyo degganaansho la’aanta ee Gobolka Soomaalida, waxay qaybaha heshiiskani dhexmaray isku raaceen in ay si buuxda uga wada shaqeeyaan kobcinta dhammaan horumarinta gobolka Soomaalida.

Qodobka 6aad

Dhaqan Gelin

Heshiiskani waxa uu dhaqan geliyaa maalinta la saxiixo, islamarkaasna waxa uu jirayaa weligiis.

GOOB JOOGAYAAL; anagoo leh saxiixyada hoose; oo ay noo xil saarteen qaybaha ay kusheyso; waa saxiixnay heshiiskan.

Waxaa lagu saxiixay Addis Ababa, 29-kii bisha July ee sannadka 2010, waxaana la saxiixay laba nuqul oo ku qoran Luqadda Ingiriisiga oo labada qoraalka ku qorani isku mid yihiin.

(Waxaa saxiixay Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen oo ah Guddoomiyaha UWSLF iyo Dr.Shiferaw Teklemariam oo ah wasiirka arrimaha Federaalka Itoobiya).

*****

Laba qodob oo ka mid ah Dastuurka Itoobiya ayaa ku xusan heshiiska sare, waa Qodobka 32aad (oo ku saabsan Xorriyada Socdaalka) iyo 39aad (oo ku saabsan xuquuqda Shucuubta iyo Qowmiyadaha) – Tarjumadoodana hoos ayaan ku arki doonaa. Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim markii uu heshiiska saxiixay kaddib waxa uu xooggan uga hadlay Qodobka 39aad mar uu waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka (Dhegeyso ama soo rogo).

Qodobka 32aad waxa uu ku saabsan yahay Xorriyada Socdaalka, waan aqodob khuseeyo dadka shacabka ah iyo safaradooda, waxana uu qodobkaasi dhigayaa sidan:

  • Qof kasta oo Itoobiyaan ama ajnabi ah oo si sharci u jooga Itoobiya; waxa uu inta uu ku jiro dalka gudihiisa uu xuquuq u leeyahay in uu si xor ah u socon karo oo si xor ah u degi karo meesha uu doono, waxa sidoo kale uu xaq u leeyahay in uu ka bixi karo dalka markii uu doono.
  • Qof kasta oo Itoobiyaan ah waxa uu xaq u leehay in uu dalkiisa ku soo laabto.

Qodobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya iyo Shuruudaha ku xiran

Guddoomiyaha ururka UWSLF oo waraysiyo bixiyey kaddib heshiiska sare ee uu la saxiixday Itoobiya, waxa uu dadweynaha xusuusiyey in heshiiskaas uu ku jiro qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya. Haddaba aan eegno qodobkaas.

Qodobkaas 39-aad waxa uu qeexayaa xuquuqda ay leeyihin Shucuubka iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya oo dastuurka Itoobiya ku macneeyo“Nations, Nationalities, and Peoples” (الأمم والقوميات والشعوب). Qodobkaas oo aan tarjumadiisa hoos ku arki doono waxaa ka mid ah in uu qeexayo in “Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ay xuquuq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo uu ka mid yahay in ay xuquuq u leeyihiin ay goostaan.” Laakiin waxa uu qodobkaas qaybihiisa kale qeexayaan shuruuddaha ku xiran in arrintaasi dhaqan gasho, waxaana shuruudahaas ka mid ah:

  • Markii ay ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) xubnaha Golaha Sharci dejinta
  • Markii ay xukuumadda Itoobiya ay qaban qaabiso cod bixin
  • Markii lagu ansixyo aqlabiyadda codbixin la qaado
  • Markii ay xukuumadda Itoobiya ay awoodda ku wareejiyo guddiga Qowmiyadda
  • Markii qaybinta hantida loo maareeyo sida uu dhigayo sharcigu.

Ugu horayn waxaa xusid mudan Dastuurka ay ku dhaqanto Itoobiya waxaa la ansixiyey 8 December 1994 (oo si rasmi ah loo dhaqan geliyey August 22, 1995). Halkaas waxaa ka cad in dastuurkaas la dhaqan geliyey 2 sano kaddib markii ay jabhadda UWSLF hubka qaaday (1992) si ay u xorayso Soomaali Galbeed. Jabhaddu xilligaas ma aqbalin qodobkaas, waayo waxay dagaalka sii wadey 16 sano oo kale.

Halkaas waxaa kaaga soo bixi kara in caqligu ku siiyo sababta ay madaxdii ururku muddadaas dheer u aqbali waayeen qodobkaas (39aad) oo ay u arki karaan in uu yahay qodob caqabdo xoogweyn la hordhigay. Waa marka lagaba soo tago in markii horeba ee gumaysiga la hoos geynayey aan cidna dadka afti weydiin, sidaas daraadeedna aysan u baahnayn in la yiraahdo xornimo in aad rabtaan ayaan codbixin idin weydiinaynaa – taas oo qadaf ku ah Qowmiyadda Soomaaliyeed.

Su’uaasha la is waydiinayaa waxay tahay miyuu jiraa wadan Geeska Afrika kuyaal oo Dastuur ama waxay qortaan ku dhaqma, ama raaca marka laga reebo dowladihii rayidka ahaa oo Soomaaliya soo maray oo lagu tilmaamo kuwii ugu roonaa abid. Hadaan si kale u dhigno Itoobiya cusub miyaa dhalatay, goormaa Itoobiya Dastuur tix galin jirtay? goormayse dadka ay gumaysato wax xuquuqa u ogolayd?. Qodabkan 39-aad waxaa la dhaqan galiyey 1995 xilgaas ilaa hadana ma shaqayn, maxaa iska  badalay Itoobiya oo soo kordhay iyana waa su’aal kale. Marka laga yimaado dadka Soomaalida ee la gumaysto, miyeysan xabsiyada Itoobiya ku jirin kuwa Itoobiyaan ah, oo kaliya lagu haysto, kala duwanaanshaha fikirka ama mucaaridnimo afka ah?

Arimaha kale oo la is waydiinayaa waxay yihiin Jabhadaan Soomaaliya ayaa lagu aas aasay ilaa hadana jiritaankeeda waxaa sabab u ah ummadda Soomaaliyeed ee magaceeda ay wadato, hada Su’aashu waxay tahay; Itoobiyana xilligan hadda ah oo heshiisku dhacayo waxa ay Soomaaliyadii xorta ahayd ka samaynayso waa laga wada dharag sanyahay, gobola ay soo marayaan ama kasoo duulayaana waa gobolkii maqnaa ee loo baaba’ay dartiis, hadaba jabhadda muxuu noqonayaa dowr koodu? Ma shacab dowladooda iyo ciidan kooda  taageersan ayey noqon doonaan?, mise waa go’i doonaan oo Dowlad aan dowlad kale loosii marin ayey noqon doonaan?.

Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed oo ka hadlayey mowqifka ay qaateen waxa uu yiri “Qiimayntaasi waxay ku salaysan tahay: nin haddii uu 200 doolar kaa dhaco, oo aad 100 ka heleyso, oo 100 kaa maqantahay, ma waxaad leedahay 100-kaas ma qaadanayo ilaa 200-dii boqol aan helo, mase inta 100-ka qaadatid, ayaad 100-ka kale oo weliba loo jidbixiyey sidii aad ku raadsan lahayd ayaad ku raadsanaysaa, annaga jawaabtadu taas ayey ku salaysan tahay. Wixii naga maqnaa waxbaan helay, waxa kalena iyagoo weliba loo jidbixiyey oo si qaanuuni ah oo dastuuri ah loogu jidbixiyey in aan ummaddaas qoratay kamid noqonno taas ayaan annagu ku qanacnay. (Dhegeyso ama Soo rogo).

Qodobka qiilbixinta ee laga hadlayaa waa qodobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya.

Waakan qodobka 39-aad oo tarjuman:

*****

Qodobka 39aad (Article 39) ee Dastuurka Ethiopia .

Shucuubta iyo Qowmiyadaha

1. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ayadoo aan wax shuruud ah ku xirnayn waxay xuquuq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo uu ka mid yahay in ay xuquuq u leeyihiin ay goostaan.

2. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in ay ku hadlaan oo qoraan oo horumariyaan luqadda ay leeyihiin; si ay u muujiyaan, oo u kobciyaan, una horumariyaan dhaqankooda; isla markaasna ay xafitaan taariikhdooda.

3. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ee ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in ay si buuxda isu maamulaan, taas oo ay ku jirto xuquuqda ay u leeyihiin maamulidda dhulka ay deggan yihiin, iyo in ay wakiilo matala gobolkaas ku yeeshaan dawladda federaalka.

4. Shucuubta iyo Qowmiyadaha Xuquuqda ay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo ay ku jirto in ay go’aan (ama ka go’ayaan itoobiya), waxay dhaqan geleysaa:

(a) Markii ay arrintaas ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) ee xubnaha Golaha Sharci dejinta (Legislative Council) ee ay khusayso.

(b) Markii ay Dawladda Federaalku qaban qaabiso cod bixin taas oo ay shardi tahay in ay dhacdo saddex sano gudahood marka ay soo gaarto in guddiga ay khusayso ay gudbiyaan go’aanka (secession).

(c) Markii ay go’itaanka la dalbaday lagu ansixyo aqlabiyadda codbixin la qaado

(d) Markii ay dawladda Federaalku ay awoodda ku wareejiyo guddiga Shacabka iyo Qowmiyadda dalbatay in ay go’aan, iyo

(e) Markii qaybinta hantida loo maareeyo sida uu dhigayo sharcigu.

5. “Qowmiyadda ama Shacabka” uu dastuurku xusayaa waa dad ay si xoog leh uga dhaxayso dhaqan, isku mid ahaansho xagga luqadda, waxa ay rumaysan yihiin, oo ay ka dhaxayso qaab isku mi dah oo cilmi nafsi, oo deggan aag cayiman oo ay u badan yihiin oo dhul ah.

*****

Halkaas waxaa markale kaaga cad caqabadaha aan la mari karin ee Itoobiya hordhigtay waxa ay ugu yeertay Qowmiyadaha iyo Shucuubtu in ay xaq u leeyihiin in ay aayahdooda ka tashadaan oo haddii ay doonayaan Itoobiya ka go’aan. Waxaa caqliga fekerayaa ku siinayaa in haddii qodobka 39-aad ay Qowmiyad ku dhaqan Itoobiya adeegsan karto si ay u go’do, waxaan looga dheerayn lahayn Qowmiyadda Oromada oo laga soo bilaabo 1973 dagaal hubaysan kula jirtey xukuumadda Itoobiya si ay madax bannaani ugu helaan dhulkooda OROMIA.

Qowmiyadda Oromada ee ku dhaqan Itoobiya waxaa lagu qiyaasaa 27 million – waxay boqolkiiba 34.49% ka yihiin dadweynaha ku dhaqa dhulka hadda loogu yeero Itoobiya oo ay ku nool yihiin 79 million qiyaas la sameeyey 2008.

Tan kale qodobka 39-aad, sida aan soo aragnay, waxaa ku xusan in: Markii ay arrintaas ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) ee xubnaha Golaha Sharci dejinta (Legislative Council) ee ay khusayso.” Qowmiyadda Oromadu sababta ay taas ugu hirgeli la’dahay ayaa waxaa ka mid ah in golayaasha laga hadlayo ay yihiin kuwo fikir ahaan marka horeba raacsan xisbiga talada haya si ayba u soo galaan golaha.

Halkaas waxaa ka cad in marka aad SHACAB noqotid in lagu talo galay, caqabadaha qodobkaas la socda awgood, in aad ku jirtid gumaysi waligaa adigoo fahamsan ama is diidsiinaya.

Arrintaas waxa kale oo durbadii laga dheehan karaa qaabka ay u hadleen madaxda Itoobiya kaddib markii ay hubsadeen heshiiska lagu soo afjarayo Iskacaabintii ay wadey jabhaddii UWSLF oo aqbashay in ay Shacab noqotay.

Jees Jeeska Zenawi iyo xukuumaddiisa ee ku aadan cidda la heshiisay

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Bereket Simon ayaa April 9, 2010 sheegay in UWSLF ay aqbashay in gebi ahaan ay u hoggaan samaan dastuurka Itoobiya, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Jabhadda UWSLF waxay aqbaleen gebi ahaanba in ay u hoggaansamaan dastuurka Itoobiya oo si sharci ah u hawl galaan ayagoo ka tanaasulaya halgankii hubaysnaa,” Waxana uu intaas ku daray “Waxaan rajaynaynaa in madaxdoodu halkan (Addis Ababa) yimaadaan si ay u sharxaan qaabka ay ugu hawl geliyaan nidaam sharciyeedka Itoobiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in UWSLF iyo Itoobiya ay heshiis isla galeen kaddib markii UWSLF ay ka daashey dagaalkii. Hadalkaas waxa Zenawi yiri wax yar ka hor intii aan heshiiska la saxiixin. Sheikh Ibraahim markii taas la weydiiyey waxa uu kaga jawaabey “waxba hadaladaas warbaahinta laga sheegay macno nooma samaynayaan“. (Dhegeyso | soo rogo).

Zenawi oo hadalkaas mar labaad ku celiyey, oo sii xoojiyey:

Zenawi waxa uu markale si qeexan u sheegay, shir jaraa’id oo uu August 11, 2010 ku qabtay Addis Ababa, in kooxaha heshiiska la gala gashay ay yihiin “hadda kuwa ugu taagta daran” oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii “kooxahaasi ay ku badbaadi waayeen degaanka.”

C/Risaaq Xaaji Xuseen (2002): “Shantii ilaa lixdii sano ee aynu soo dhaafnay,taliska Meles Zenaawi ee Itoobiya marnaba ma qarsan sida uu ugu raad-joogo meel-marinta himilada haliilka joogtada ahi weheliyo ee muddada qarniyada ah uu dalkaasi ku soo taamaayey; taas oo ah isballaarinta iyo dhul-ka-gogashada dalalka deriska la ah sida soomaaliya…
Warqaddii C/risaaq Xaaji Xuseen..

Zenawi oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Gobolka Soomaalida isbedelka ugu weyn waxa uu yimid markii dadka rabitaankooda nabadda ay difaacdeen, taas oo ah furaha, waxay dadweynahu isu diyaariyeen in ay difaacdaan nabadooda oo u dhintaan, taas ayaa waxay bedeshey miisaankii gobolka oo dhan, waxayna ka dhigtay mid aad ugu adag kooxahaasi in ay ku badbaadaan gobolka, taas weeye sababta ay hadda u yihiin markii ay ugu taagta daraayeen. Dadweynaha ayaa dawladdu awoodeeda ku xoojisay si ay ula dagaalanto ONLF iyo (U)WSLF, arrimahaas awgeed nabad gobolka ayaa soo ifaysa, waxaan filayaa dhawr bilood gudahood waxaan ku gaari doonaa nabad gelyo raaxo leh ee gobolka. In aan heshiis la gallo kooxda ugu taagat adaran su’aal aniga iitaal ma aha.

Zenawi waxa uu UWSLF ku eedeeyey in ay ahaan jireen Argagaxiso oo hadda nabadda qaateen, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Sidaad ogtihiin (U)WSLF waxaa markii hore loogu yeeri jirey Al-Itixaad, waadna ogtihiin wixii Al-tixaad ka samaynayeen halkan Addis Ababa, waxay ahaayeen argagaxiso wax xasuuqa, xilli dhexaad ah ayey waxay go’aansadeen in ay ka baxaan Al-Itixaadka Soomaaliya, markaas ayey bedeleen magacoodii. Hadda waxay raadinayaan nabbad, waxaana ku faraxsanahay taas mar haddii ay u soo gudbeen dhanka nabadda.” Eedaymahaas waxa uu soo jeediyey Agoosto 11, 2010 oo ah kaddib heshiiskii xukuumaddiisa iyo UWSLF ee July 29, 2010.

Zenawi oo adeegsanaya xirfadii gumaystayaashii reer Yurub ee “Qaybi oo Xukun” ayuu isku deyey in uu sharaxaad qabiil ka bixiyo laba garab oo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin ONLF oo garab kamid ah uu heshiis kula jiro, garabna uusan kula jirin. Waxana uu yiri: “Waxa kale oo wada hadal nagala dhexeeyaa garab ONLF, oo ah garabka ugu muhiimsan. Sidaad ogtihiin ONLF sida bulshada Soomaaliyeed oo dhan waa kuwo ku salaysan qabiil. Kooxda wada hadalku noo socdo waa jilibka labaad ee ugu weyn beesha Ogaadeen. Jilibka ugu weyn Ogaadeen weligood kama qayb qaadan ONLF. Garabka aan wada hadalku noosocon waxay ka tirsan yihiin jilib kale oo yar oo ah Ogaadeen. Kooxda wada hadalku noosocdo waa jilibka Reer Cabdille, kooxda aan wada hadalku noo socon waa jilibka Reer Isaaq.”

Xiriir la sheegay in Khamiis August 12, 2010 ay yeesheen Meles Zenawi iyo Guddoomiyaha Ururka UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa Zenawi waxa uu si jees-jees ah ku yiri “Dawladda Federaalka Itoobiya waxaa ka go’an in ay horumariso nolosha SHACABKA Soomaaliyeed,” maalin ka horna (Aug 11, 2010) waxaa Zenawi sheegay in uu ciidamadiisa markale u dirayo Muqdisho “haddii laga fursan waayo.”

Culimada Soomaaliyeed hore ayey uga digeen in aan la aamini karin Itoobiya iyo qiyaamooyinkeeda, waxayna si kulul uga hadleen cidda raacda Itoobiya. Culimadaas hore uga hadlay waxaa ka mid ah: Sh. Maxamed Sh. Cusmaan oo Swden 1997 muxaadaro uu ka jeediyey yiri: “Waxaad ahaan jirtey ma rabno ee hadda maxaad tahay, hadda amxaar keene ayaad tahay iyo amxaaro soo hoggaamiye, ka soodare. Sheikh Aadam Maxamed Ciise (Sweden 1999) waxa uu yiri: “Jabhadaha aad arkeysaan waa mindidii xabashida iyo cadawga.” Sheikh Maxamed Rashaad (Swden 1997) waxa uu yiri: “Dalka Soomaaliya la yiraahdo in marka hore loo qaybiyo gobollo, oo gobol kasta loo sameeyo nin governatoore ah, oo ra’iisul qabiilo ah in loo sameeyo, goboladaas nimanka jooga ee qabqablayaasha dagaala ah waxaa laga saxiixay in aanu waxba ka qabinin ku hoos noolaadka dawladda Itoobiya. Tallaabada xigtaana waa in Soomaaliya la hoos keeno Itoobiya. Qaddiyadaas waxaa diidan ninkii mutacallim ah ee toosan, ninka wadaadka ah ee toosan iyo shacbiga toosan. Sh. C/laahi Cali Xaashi (Sweden 1997) ayaa sidoo kale ka hadlay dadka soo raaca Itoobiyaanka iyo xukunkooda. Sh. Cumar Faaruuq (Swden 1997) ayaa yiri “waxaa muuqda Amxaaradii dad ayaa la socda. Ninkii gaalada raaca ee hiil iyo hoo ku darsada, wixii qof muslim ahi lahaa qofkii gaalo siiyaa waa gaaloobayaa. Sheikh Maxamed Umal (Sweden 1995) waxa uu yiri “ninkii gaalo awliyo ka dhigta Ilaahay agtiisa waxa uu ka yahay ma jirto.”

Gabaygii Idinkaa dalkaba lehee, Dawlad maa u noqotaaan ee Seyid Maxamed

Taariikh-yahannada ayaan u dhaafaynyaa in ay ka hadlaan waxyaabihii ay gumaysiga ka yiraahdeen aqoonyahankii hore ee Soomaaliyeed ee Af-maalka iyo Aftahanka ahaa sida Xaaji Aaden Afqallooc (oo qiyaaskii sannadkii 1940-kii qeexay arrin uu ku macneeyey saddexdii dhardhaar ee Gumeysiga oo uu sheegay haddii saddexda dhardhaar laga hoos saaro in ay gumaystuhu dhulka kusoo dhacayo).

Balse waxaa xusid mudan  Gabay uu tiriyey halgamaagii Soomaaliyeed, Sayid Maxamed Cabdullaah Xasan oo mirihiisa ay ka mid ahaayeen:

  • Doodna waxaan u leeyahay …… Culima dafaarka ah
  • War ani idinma doocine ………… Idinkaygu diimayee
  • Dalkaad iibiseen baa ……………. Dacarta igu kiciyayee
  • Shan haloo idiin daran ………….. Dannigiin ka fiirsada
  • Mar waa inaad dayoowdeen …..Diirad haydin qabatee
  • Dadka aydin raacdeen ………….. Isna wuu idin diga gubi
  • Dillaalkii la siiyana ……………….. Dunna kama helaysaan
  • Ninkii idin darraabana ………….. Ajri iyo ducuu heli
  • Dibna deeqda Eebahay ………… Dibinta saari maysaan
  • Diin nimaan lahayni ……………… Dameer caynsan weeyee
  • War maxaa dufulayahoow ……..Cadaawaha ugu daranteen
  • Wanka doosha wayn iyo……….. Ma dagadaad u xilateen
  • Qandiga mayska duubtaan ……. Dawarsigu ma fiicnee
  • Awyaaloow ma diiddeen ……….. Jahaad maw dareertaan
  • Warma danana iyo seef ………… Darta maad ku qaaddaan
  • Darmaan haad la qooqdiyo ……. Doolaab maa u fuushaan
  • ……
  • Idinkaa dalkaba lehee ………….. Dawlad maa u noqotaaan
  • Illeen doqni calaf maleh ………… Dulbaax** maxaa ka baylahay.

Xigasho:Shabakadda caalamiga ah ee Somalitalk.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: