Dhamaan Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga wada Soomanyahay (Warbixin).

Waxaa maanta oo Arbaco ah isla markaana ah maalinkii koowaad Bisha Barakaysan ee Ramadaan Sanadka 1431 Hijrada, si buuxda looga wada Soomanyahay Dhamaan Degmooyinka iyo Deegaanada ay ka Jiraan Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee ka taliya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. 

Go’aan kasoo baxay Maktabka Garsoorka Guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Xalay fiidkii waxaa amar lagu siiyay Dhamaan Wilaayaat-ka Islaamiga ah inay dadka u sheegaan Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan Sanadka 1431 Hijrada, kadib markii Maktabku uu soo xaqiijiyay in dadka arkay bilashada Bisha Ramadaan ay Yihiin dad Muslimiin ah oo lagu kalsoonaan karo isla markaana Gobollo kala duwan laga arkay bilashada Ramadaan .

Wilaayaat-ka Sida Buuxa looga Soomanyahay Maanta oo Arbaco ah waxay kala yihiin : Wilaayada Jubooyinka ” Jubada hoose & Jubada Dhexe”, Wilaayada Gedo, Wilaayada Baay & Bakool, Wilaayada Shabellada Hoose, Wilaayada Banaadir, Wilaayada Shabellada Dhexe, Wilaayada Hiiraan iyo Wilaayada Galgaduud.

Waxaa Gabi ahaan xiran goobihii Maqaayadaha ahaa ee laga cuntayn jiray Xilliga Maalinkii ah, sidoo kale Goobigii Cabitaannada kala duwan lagu iibin jiray ayaa iyaguna Xiran, Mana jirto haba yaraatee Goob Cunto ama Cabitaan oo furan inta ay Mujaahidiintu ka taliyaan, Arintaas oo ah Fadli weyn oo uu Allaah Ummada Soomaaliyeed ku galladaystay maadaama hore loo arki jiray wadooyinka qaarkood dad si bareer ah oo aan Gabasho lahayn u jebin jiray Amarka Allaah iyo Rukniga Soonka iyaga oo aan wax cudur-daar ah lahayn.

Saamaynta Bilashada Bisha Ramadaan ee Sanadka 1431 Hijriyada ayaa si weyn looga dareemayaa dhulka Ballaaran ee ay Wilaayaat-ka Islaamiga ah ka taliyaan, iyadoo Saamaynta ugu weyn ay ka muuqato ” Masaajidda” oo durbadiiba ay soo buux-dhaafiyeen dadweyne fara badan oo Cibaadaysanaya, Qaarkoodna ay Duruus Diini ah ku qaadanayaan gudaha Masaajida.

Farxad ballaaran ayaa laga dareemayaa Bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan Wilaayaat-ka Islaamiga ah taas oo ku salaysan inuu meesha ka baxay is-qabqabsigii ka jiri jiray Bilashada Bisha Ramadaan ee dadka u dhaxayn jiray, Maadaama maamulka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya uu gacanta ugu jiro Hal maamul oo hal hoggaan ka wada dhaxeeyo.

Idaacadaha Islaamiga ah ee ka howl-gala Wilaayaat-ka Islaamiga ah ayaa iyaguna durbadiiba maanta Bilaabay Barnaamijyo Qiima badan oo ay ugu tala galeen inay ugu faa’iideeyaan Shacabka Muslimka ah ee ku jira Bisha Ramadaan ee Qiimaha leh.

Waxaa jira Deegaano kooban oo ay ku suganyihiin Kooxo Gaalo-Raacyo ah kuwaas oo aan sida Muslimiintu maanta u Soomeen looga Soomin, Isla markaana dadkii Muslimiinta ahaa ee halkaas ku dhaqnaana loo diiday inay Waajibka Allaah ee Soonka guda galaan, sida Deegaano kooban oo ka mid ah Galgaduud ayna ku suganyihiin Kooxo Mushrikiin ah iyo Degmada Dooloow ee ku taalla Xad-beenaadka.

One Response

  1. waxan usheegayaa qorayasha weba halgan online inay ilaah kabaqaan kana hadlan waaqica waayo maalin iyo habeen waxaan ka aqrinaa hadalo been abuur ah oo diinta islaamka meel kudhacyo ku ah hadaba waxaan ugu naseexaynayaa inay kawaan tooban una laabtaan kitaabka alle iyo sunada nabigeena muxamada naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: