Ciidamada Xisbada Degmada Jammaame oo ka taqalusay Hogaamiye Burcadnimo ku caan baxay..Ciidamada Xisbada Degmada Jammaame oo ka taqalusay Hogaamiye Burcadnimo ku caan baxay..

Ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ” Jubada Hoose & Jubada Dhexe” ayaa howl-gal burcad sifeyn ah oo ay shalay Duhurkii ka fuliyeen Deegaanno hoostaga Degmada ” Jammaame” waxay ku dileen mid ka mid ahaa Burcada ugu caansanaa Jubooyinka kaas oo in badan ay ku raad-joogeen Ciidamada Mujaahidiinta. 

Howl-galka ay fuliyeen Ciidamada Xisbada Wilaayada Jubooyinka ayaa ka dambeeyay kadib markii dadka deegaan ” Wirrkooy” ee u dhexeeya Tuulooyinka ” Sanguuni iyo Buulo-Guduud” oo Hoostaga Degmada Jammaame ay Ciidamada kusoo wargeliyeen in Ninka lagu magacaabo ” Xassan Khaldaan” iyo koox burcad ah oo uu wato ay ku suganyihiin Tuulada, iskuna diyaarinayaan inay falal dhac ah ka geystaan halkaas.

Ciidamada Xisbada ayaa durbadiiba Tuulada soo gaaray waxaana halkaas ka dhacay israsaasayn Kooban, taas oo sababtay inuu isla goobtii ku dhinto ” Xassan Khaldaan” oo ahaa Burcad si weyn looga yaqaanay deegaannada ay ka koobantahay Wilaayadu maadaama uu wax badan halkaas dadka Musaafirka ah ku dhibaatayn jiray.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka “Sh.Abuukar Cali Aadan” oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa Xaqiijiyay dhimashada ninkaas Burcadka ah, sidoo kale wuxuu sheegay inay firxadka kuwii kale ay weli sii baacsanayaan, wuxuuna u mahad-celiyay dadka ku dhaqan deegaanka ” Wirkooy” oo Ciidanka kusoo wargeliyay ninkaas in muddo ah ay raadinayeen Ciidamada Xisbada.

Sh.Abuukar Cali Aadan ayaa sidoo kale sheegay in Maydka ninkii Burcadka ahaa la keenay Tuulada ” Buulo-Guduud” halkaas oo lagu duugay, wuxuuna Ballan qaaday inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay carqaladayso Xaalada Nabadgelyo ee ka jirta Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka.

Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa inta aysan Mujaahidiintu gacanta ku dhigin waxay ka mid ahayd Gobollada Koonfurta Soomaaliya ugu badan ee lagu dhibaateeyo dadka Shacabka gaar ahaan kuwa Musaafirka ah, iyadoo si weyn loo wada xusuusto Isbaarooyinkii tixnaa wadooyinka Gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, halkaas oo ay hada ka jirto Wilaayado Islaami ah taas oo dhulka kusoo dabaashay Nabadgelyo iyo kala dambayn aan hore usoo marin Bulshada halkaas ku dhaqan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: