Dagaal ka bilowday Deegaanka ” Balliga BM-ka” ee duleedka Magaalada ” Yeed”.

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ee Baay & Bakool oo dhinac ah iyo Maleeshiyadii Kooxda Riddada ah ee laga eryay gobolladaas iyo kuwo Xabashi ah oo dhinac kale ah ayaa ka socda Deegaanka lagu magacaabo ” Balliga BM-ka” oo 12km u jira Magaalada “Yeed” ee ku taalla xad-beenaadka Bakool ay la wadaagto dhulka Xabashidu Gumaysato ee Soomaali Galbeed. 

Dagaalka ayaa bilowday saakay 6:00am kadib markii Maleeshiyaadka Xabashidu soo dirsatay ay weerar kusoo qaadeen Fariisimo ay Ciidanka Mujaahidiintu halkaas ku lahaayeen balse la jebiyay, kadibna mar labaad ay weerar soo qaadeen oo hadana la jebiyay, Waxaana weli dhulkii lagu dagaalamay ka socda dagaal goos goos ah kaas oo u dhexeeya firxadkii Maleeshiyada Riddada ah iyo Ciidamadii Mujaahidiinta oo sii baacsanaysa.

Dhanka kale waxaa gudaha Magaalada “Yeed” ka socda abaabul ay wadaan Ciidamada Xabashida ah ee dhawaan halkaas soo degay kaas oo ay ku doonayaan inay ugu soo gurmadaan Maleeshiyada ay soo dirsatay ee ku go’doonsan goobta Dagaalka, waxaana dhanka kale jira diyaar-garoow ay ku jiraan Ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ee Baay & Bakool kaas oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaa dhaq-dhaqaaqa ay wadaan Ciidanka Xabashida ee kusoo jawahan goobta Dagaalka.

One Response

  1. asc wr wbr bacda tahiya waxan leyahay walalha mujahidinta ah insha.alah nasriga alah wuu dhowyahay ee sabra lana sabrtama galada insha.alah galol waxey dalka iskaga bixidonta iyada oo niyada kadhimatey dadbadan kaga baabaeyn dalka somaliya tankale waxan udardarma ku naceyb mujahidinta kadigtonada wax afka kafudadeysaneysin aya alah agtisa waxd uga muteysan dontin cadb ale war kajoga inta aad adunka jogtin hadi kale waxda shaleyn dontan gor an shaley waxba idan tarin wxn leyahay munfaqinta crdina kudhinta golo alah idan duleyo aqiro iyo aduyo musharkiney dhulka alah idanla jaro .. Mujhdnta alah guuleyo aamin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: