Xisbul Islaami iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Dhawaan Midnimo Buuxda gaaraya.

Hogaamiyaha Ururka Xisbul islaami Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday in Midnimo ay gaaraan Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururkiisa ay soo dhawaatay islamarkaana la dhisi doono maamul midaysan. 

 

 Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Boqolaal qof kula hadlay degmada Tooratorow ayaa sheegay in ay soo gaba gaboobeen Dadaallo dheer oo ladoonayay in lagu mideeyo Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaami dhawaana war wanaagsan uu soo bixi doono.

 Hogaamiyaha Xisbul islaami oo jeediyay Hadal ka duwan Hadaladiisi hore ayaa Niyad wanaag ka muujiyay in ladhisi doono Dowlad islaami ah marka lays raaciyo Maleeshiyaadka DKMG ah iyo ciidanka shisheeye ee dhibaatada ka wado Muqdisho.

 Insha’alaah dhawana Mujaahidiinta Midnimo ayay gaarayaan ilaahey Kheyr hasiiyo walaalihii kasoo shaqeeyay midnimo ayaan sugaynaa, waxaan shacabka Shabeelaha Hoose ugu baaqayaa in ay Jihaadka wada galaan si gaalada iyo kuwa raacsan dalka looga saaro”ayuu yiri Sheekh Xasan.

 Sheekh Xasan ayaa horay ugu baaqi jiray in Midnimo lagaaro balse shalay wuxuu muujinayay in Midnimo gaaristii lasoo idleeyay oo ay dhimantahay in lagu dhawaaqo kaliya, warar ay warbaahinta qaar baahisay ayaa sheegayay in labada Xarako ay Midnimo ku Heshiiyeen balse la sugayo arrimo farsamo oo dhanka shabaabul Mujaahidiin ah.

 Dhinaca kale xoogaga Xisbul islaam ayaa Xukun Xad ah ka fuliyay deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeelaha Hoose, xukunkan oo ahaa Mid Rajmi ah ayaa lagu fuliyay wiil 25 sano jir ahaa oo kufsaday gabar aan qaan gaarin.

 Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in ay Midnimo ku dhawaaqaan Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaami oo dagaal kula jira ciidanks shisheeye iyo DKMG ah waloow Xisbigu uusan ku Firficoonayn dagaalada lagula jiro AMISOM

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: