Maamulka Yuhuuda oo kula taliyay Kenya inay xad-beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya ka dhisto darbi ka ilaaliya Mujaahidiinta.

Sida ay maanta baahiyeen inta badan wakaalada wararka ee dunida, wassiir ka tirsan Xukuumada Tal-abiib ee Yuhuuda ayaa kula taliyay Xukuumada Kenya inay dhisto darbi weyn oo ay iskaga xireyso xadka ay Kenya la wadaagto wadanka Soomaaliya, kaas oo la mid ah midka ay Yuhuudu ka dhistay xadka kala dhaxeeya Marinka Gazza ee dhulka Falastiin. 

Arinkan oo uu saxaafada u xaqiijiyay Cilmi-baare Yuhuudi ah oo ka howlgala Machadka ” Ben-Gurion” ee Diraasaatka Siyaasada ayaa yimid kadib markii Wasiirka Aminiga ee wadanka Kenya “George Saitoti ” uu horaantii sanadkan booqasho ku tegay dhulka ay Yuhuudu xooga ku haysato ee Falastiin, halkaasna uu kula kulmay dhigiisa Yuhuuda “Yitzhak Ohronovic” kaas oo uu u gudbiyay walwalka ay Kenya ka qabto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyagu si buuxda gacanta ugu haya xaduuda dheer ee ay Soomaaliya la wadaagto wadanka Kenya.

Masuulka Yuhuudiga ah ayaa isagoo sida uu sheegay wax ku dhisanaya khibrad uu sheegay inay ka kororsadeen la dagaalanka Xarakada Xamaas, wuxuu kula taliyay Saitoti in Xukuumada Kenya ay la gudboontahay dhismaha Darbi weyn oo adag, kaas oo ka hor istaaga Mujaahidiinta Al-Shabaab inay u gudbaan gudaha wadanka Kenya.

( Markii aynu dareenay halista ay Xamaas ku hayso xaduudeena ayaan dhisnay gidaar wayn, kaas oo ka hor istaagaya Maleeshiyadooda inay noosoo gudbaan, sidoo kalena hor istaagaya in hubku uu u gudbo gudaha marinka Gazza ) sidaas waxa yiri Yitzhak Ohronovic wasiirka amniga gudaha ee Yuhuuda.

Wasiirka Yuhuudiga ah ayaa sidoo kale u balan qaaday Kenya inay taageera dhaqaale u fidin doonaan oo ay howshaas ku fulinayso, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya dhismaha darbiga loo baahanyahay halkii Kilomiter uu yahay 2 Milyan oo Dollar sida uu sheegay Wasiirka Yuhuuda.

Arinkan loosoo bandhigay wadanka Kenya ayaa u muuqda mid aan suurta gal u ahayn marka laga fiiriyo dhanka dhaqaalaha ku baxaya oo aad u fara badan, iyadoo xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya lagu qiyaaso ku dhawaad 800km, halka shacabka ku dhaqan labada dhinac ee xad beenaadka ay yihiin dad wada Soomaali ah oo uu ka dhexeeyo xiriir dhan walba ah, waxaa kale oo jira guux Islaamnimo ku dhisan oo ka dhex jira dadka Muslimiinta ah ee ay Kenya gumaysato.

Wadan Kenya oo muhiim u ah Gaalada danaha gaarka ah ka leh geeska Afrika ayaa waxaa lasoo deristay cabsi aad u daran kadib markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo colaad ay kala dhaxayso wadamada gaalada ah la wareegeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana jiray bilihii lasoo dhaafay qaylo dhaan isdaba-joog ah oo kasoo baxaysay masuuliyiinta Nairobi, taas oo wadamo ay Mareykanka iyo Yuduuha ku jiraan uga codsanayeen in wax laga qabto dareenka dadka Muslimiinta ah ee soo laba-kacleeynaya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: