Ictisaam: Kalashinkoofka (Kalashnikov) Dhiga; Kubbadda Dheela!

Weynnu wada xasuusanaa in culumadeennu barisamaadkii la dagaali jireen bidcada iyo maalaa yacniga. Mey ogalayn xuska Mowliidka Nabiga (NNKHA). Xus awoow ama ayeeyo warkiis daa. Shaneemooyinkay hor istaagi jireen iyagoo dadka ka waaninaya. Waxay dhihi jireen kubbadda ciyaarteedu waa laqwi iyo waqti-dhumis. Waa hadallo run ah. 

Macruuf-fariddu waxay gayaansiiyey wadaaddada qaar ka mid ah markay dowladdii Kacaanku dhacday inay inta hub qaataan dhahaan waxaan soo celineynaa Khilaafadii Islaamka. Inkastoo intoodii badneyn qooq-fureen haddana dacwadaas miray dhashay ilaa hadda 10 gobol oo Soomaaliya ah baa la isku xukummaa Shareeco Islaam.

Ayaamahan markii la damco in dadka lagu dhiirrigesho in Shareeco la isku xukumo; dad baa soo boodaya oo dhahaya: wadaaddaad caayeysaan! Sheekh hebel baad u danleedahay? Bal hadda aynnu fiirinno Ictisaamka iyo Mujaahidiinta cidda Xaqa ku taagan. Bal aynnu fiirinno in Shareeco lagu soo celin karo kubbad ama AK 47! Ilaahay Fadligi, xabbad caaradeed waxaa lagu keenay Shareeco-isku-xukun ka jirta 10 gobol iyo nabad halkaas ka dhacday. Maqaasiddii Shareecada oo halkaas ka hirgashay. Bal sidaad sawirka ku arkeysaan aan ka hadalnno culumada Ictisaam ee caamada la fiirsanaya kubbadda.

Kamaba hadlayo dheelidda banooniga ee waxaa laga hadlayaa wadaad fiirsanaya wiilal qaar qaawan. Ileyn cowrada raggu waa inta u dhaxeysa xuddunta iyo lowyaha. Weynnu ognahay ciyaaraha gobollada dadka ciyaaraya waxay gashadaan dabogaab. Soow shaqada daaciga maaha inuu dadka xumaanta ka nahyiyo? Haddii sheekhu dadka xumaanta la qooshto ama kaga aamuso maxaa dhacaya?

لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُدَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ذَلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُون
كَانُوا لَا يَتَنَاهَوْنَ عَنْ مُنْكَرٍ فَعَلُوهُ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ

Waxaa jira Xaddiis la daciifiyey oo oranaya: meeshii u horreysay oo nuqsaanku reer Banii Israa’iil ka galay waxay ahayd marka ninku la kulmo walaalkiis (oo xumaan ku jira) wuxuu oranayey qofkaanoow iskaga tag waxaad sameyneysid, kuuma bannaana. Berri buu la kulmayaa (qofkii oo xumaantii ku jira) taasina kama reebeyso inuu wax iskala cuno oo iskala cabbo oo iskala fariisto, markay saas sameeyeen baa Ilaahay quluubtoodii isku garaacay kaddibna wuxuu Nabigu (NNKHA) akhriyey Aayadaha kore. Dad baa leh Xaddiisku shawaahid buu leeyahay oo wuxuu gaari karaa darajada Xasanka laakiin Albaani (RC) waa daciifiyey.

وقال صلى الله عليه وسلم: أول ما دخل النقص على بني إسرائيل كان الرجل يلقى أخاه فيقول: يا هذا اتق الله ودع ما تصنع؛ فإنه لا يحل لك. ثم يلقاه من الغد فلا يمنعه ذلك أن يكون أكيله وشريبه وقعيده، فلما فعلوا ذلك ضرب الله قلوب بعضهم ببعض. ثم قال:     لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُدَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ  إلى قوله:  وَلَكِنَّ كَثِيرًا مِنْهُمْ فَاسِقُونَ

هذا الحديث في سنده انقطاع، هو منقطع، رواه   أبو داود   -وذكر المحقق- في سننه،   والترمذي   في باب التفسير، وضعفه الشيخ   ناصر الدين الألباني   ورواه   ابن وضاح   في البدع والنهي عنها، لكن الحديث له شواهد يرتقي بها إلى درجة الحسن لغيره يكون حسنا، والآية كافية في هذا، وهي قول الله -عز وجل

Laakiin Xaddiiskan hoose baa saxiix ah. Nabigu (NNKHA) wuxuu leeyahay: Qofkiinnii arka munkar gacanta haku suuliyo; hadduusan awoodin carrabka haku suuliyo; hadduusan awoodin qalbiga haka naco, arrintaasi waa Iimaanka ugu yar. Imaamu Muslim baa wariyey Xaddiiska:

وفي الصحيح من طريق الأعمش عن إسماعيل بن رجاء عن أبيه عن أبي سعيد وعن قيس بن مسلم عن طارق بن شهاب عن أبي سعيد الخدري قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : من رأى منكم منكرا فليغيره بيده فإن لم يستطع فبلسانه فإن لم يستطع فبقلبه وذلك أضعف الإيمان ” رواه مسلم

Mar kastoo runta laga hadlo lama waayayo mid yiraahda sheekh hebel baad heysataa? Koox hebla baad u dan leedahay! Waxay rabaan inay wadaaddada ka dhigtaan isbaaro loo dhigto diinta.

Arrintaas darteed, Ilaah baa i lehe, ma simi karo sheekh Maxamed Saciid Atam oo qori u qaatay inuu Kitaabka Ilaahay kor noqdo iyo wadaaddo Ictisaam ah oo ku jira dowladda Faroole oo heysata dastuur qof dejiyey! Marka wadaaddo qeybinaya bilado iyo koobab kubadeed oo Ingiriisku bilaabay in laga sugo Shareeco-isku-xukun waa khalad. Marka wadaad marna bilad kubbadeed qeybinaya marna Mu’tamar Yurub ku yaal wax ka akhrinaya isma qabato! Marka aan kala dooranno in kubbad waqti lagu lunsho iyo in loo jihaado in diintu kor noqoto.

Marka dhallinyarada ku ganacsata Puntaland ha arkeen intay isu jiraan Mujaahid Atam iyo wadaaddada Ictisaam. Marka haddaad Xaqa taageeri weydaan waxaan shaki lahayn in bagaashkuna idin dhaafayo; aakhirana qof kasta la tagayo camalkiisa.

Cabdi Cabdulle
Qaahira
Somalimidnimo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: