Xukuno isugu jira Xad iyo Tacziir oo maanta lagu fuliyay Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir ayaa maanta Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho xukuno isugu jira Xad iyo Tacziir ka fulisay laba qofood oo ku eedeeysnaa inay galeen khaladaad Sharci ah taas oo ay ku mutaysteen in lagu fuliyo xukunada maanta lagu riday

Xukunka Koowaad ayaa waxaa lagu riday Gabar lagu magacaabo “Zaynab Yuusuf Faarax” oo 20 jir ah kadib markii lagu eedeeyay inay fal Zina ah ku kacday taas oo ay ka qiratay Maxkamada horteeda, waxaana lagu xukumay in lagu dhufto 100 karbaash maadaama aysan hore guur usoo marin iyo in mudo sanad ah laga musaafiriyo magaalada Muqdisho oo ah meesha ay khaladka Sharciga ah ku gashay.

Xukunka Labaad oo ahaa mid Tacziiir ah ayaa waxaa lagu riday nin lagu magacaabo “Cumar Murjaan Cumar” oo 33 jir ah, Ninkaas oo ku eedeeysnaa inuu gabadha hore loosoo sheegay ka Zinaystay balse wuu dafiray inuu arinkaas ku kacay, kadibna wax cadayn ama marqaati ah looma helin, sidaas daraadeed waxaa lagu xukumay 30 karbaash oo ah Tacziir uu ku mutaystay inuu gabadha la kali noqday “Khulwa” iyadoo aanay wax maxram u ah joogin.

Goobta Xukunka Sharciga ah lagu fuliyay oo ahayd Degmada Huriwaa gaar ahaan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal shacabka halkaas ku dhaqan ah si ay Marqaati uga noqdaan Xukunka Allaah ee la fulinayo isla markaana wajiyadooda ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsanyihiin xukunka Allah ee lafulinaayo.

Kadib markii ay Wilaayaat-ka Islaamiga ah ka hana-qaadeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa soo noolaaday Axkaamta Islaamiga ah ee sida cadaalada ah loogu dhaqayo dadka Muslimiinta ah iyadoo aan loo fiirinaynin Rag, Dumar, Masuul, Mujaahid, Shacab, mid awood leh iyo mid daciif ah, waana sababta Keentay Allaah Fadligiis in dhulku uu barwaaqo noqdo dadkuna ay helaan Nabadgelyo iyo kala dambayn aan weli hore usoo marin.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: