Warbixin goobihii dagaalka ee maanta iyo Mujaahidiinta oo dhul hor leh la wareegay.

Maanta barqanimadii ayay ciidamada kirishtaanku dhowr weerar ku soo qaadeen fariisimihii dhawaan laga qabsaday, ciidamada saliibiyiinta oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxay ka soo baxeen fariisimahooda iyaga oo marar badan isku dayay in ay dib u qabsadaan goobo muhiim ah oo ay Mujaahidiintu xoreeyeen.

Weeraradan ay soo qaadeen Saliibiyiintu ayaa waxaa looga gubay hal gaari oo kuwa gaashaaman ah, halka Taangina wax yeelo daran ka soo gaartay meeshana ka jiiteen, lixdii maalmood ee u danbaysay ayay waxay wadeen isku dayo ay ku rabaan in ay ku qabsadaan farisimihii laga qabsaday taas oo ay ku guul-daraysteen kadib markii Allah uu sugay Adoomadiisa Mujaahidiinta ah.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ka war bixiyay dagaaladii maanta oo Isniin ah ka dhacay deegaanada Boondheere ayaa waxa uu sheegay in ciidamada kirishtaanku ay jab lixaad leh la kulmeen.

“Dagaalkaa waxaa soo qaaday saaka barqadii Ciidanka Kirishtaanka ah oo Dabaabaadkiisa wata waxaanay ku soo qaadeen fariisimaha mujaahidiinta gaar ahaan waxay xooga aad u saarayeen dhismaha Wasaarada arimaha gudaha oo ay isku dayayeen in ay la wareegaan gacan ku haytiisa, natiijada dagaalkaa Allah Subxaana wa tacaalaa wuu sugay Mujaahidiinta weyna iska caabiyeen weyna ka hortageen weerarkoodii weyna fashiliyeen, halkaasna dhibaato badan ayaa ka soo gaartay Kirishtaankii bakhti badan ayaa meeshaa Mujaahidiinti ka dhigeen dhaawac badana wuu soo gaaray” ayuu yiri Sheekh C/caziiz Abu-Muscab.

Halkan ka dhagayso warbixinta dagaalka

Dhanka kale waxa uu sheegay khasaaraha ka soo gaaray dhanka gaadiidka isaga oo sheegay in laga gubay gaari Tow ah iyo gaari kale oo Taangi ah oo dhaawac soo gaaray meeshana ay ka jiiteen, dagaalkaasna waxa uu ku dhamaaday mujaahidiinta oo uu Allah sugay gaabtiina ay gacanta ku hayaan cadowguna uu ku laabtay fariisimihii uu ka soo duulay.

Waxa kale oo uu Sheikh Abu-Muscab ka waramay goobihii cusbaa ee ay galabta mujaahidiintu la wareegeen kuwaas oo ay hada gacanta ku hayaan, galabta markay saacadu ahayd 11:30 pm ayay Saryo ka tirsan Liwaaga Cali Binu Abu-Daalib waxay gabi ahaanba gacanta ku dhigeen Dakadii hore ee duqda aheyd, Saldhig bari, iyo Hotel Ciise Allah fadligii wakhti goobana gacanta ugu dhigeen gaabahaa Mujaahidiintu.

Mujaahidiintu waxay ka soo qaniimeysteen saanad military oo aad u fara badan taas oo ay ku soo kharash gareeyeen cadowga Maraykanka Murtadiinta, waxa kale oo ay meesha uga carareen bakhti aad u fara badan, Allah waxa uu mujaahidiinta u suurta galiyay inay deegaanadaa gacanta ku dhigaan soona yareeyaan Goobaha dagaalka ee ay cadowgu ku suganyihiin. Insha’Allaah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: