Qaraxyo geystay khasaarooyin kala duwan oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka banaadir.

Qaraxyo geystay khasaarooyin kala duwan ayaa habeenkii xalay waxay ka dhaceen degmooyinka wadajir iyo  Xamar jajab ee gobolka banaadir oo kamid ah degmooyinka ay gacanta ku hayso dowlada ridada ah. 

Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay meel udhow dekedda Magaalada Muqdisho iyadoona lala eegtay maleeshiyo ka tirsan xukuumada ridada ah,waxaana qaraxaas kadib maleeshiyaadkii ay fureen rasaas xoog leh oo sababtay geerida hal ruux oo rayid ah.

Goob jooge ku sugan degmada Xamar Ja jab ayaa warbaahinta u sheegay in qofka geeriyooday uu ka mid ahaa Xamaaliga dekedda,waxaana saaka degen Xaaladda degmada Xamar jajab mana jiraan wax baaritaano ah oo saaka halkaasi ka socda.

sidoo kale waxaa xalay qarax kale dhacay Xaafadda buulo xuubeey ee degmada wadajir ayaa sidoo kale wuxuu sababay dhaawaca maleeshiyo oo ka tirsan  dowlada ridada ah sida ay sheegeen goob joogayaal ku sugan degmada wadajir.

Habeen ka hor ayay ahayd markii qaraxyo sidan oo kale ah ay ka dhaceen degmada Xamar jajab ee gobolka banaadir oo kamid ah degmooyinka fara ku tiriska ah ee ay maamusho xukuumada ridada ah.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: