Maamulka Faroole oo si ka baxsan Dhaqanka Soomaalida ula dhaqmay Boqolaal Dhalinyara ah oo dhawaan Boosaaso lagasoo raafay.

Hogaamiyaha maamulka A Shahaadda ladirirka Puntland isku magacaabay Cabdi raxmaan Faroole ayaa si xun ula dhaqmay shacabka Muslimiin Soomaaliyeed ah oo ay kasoo tarxiileen Gobalada Bari. 

 

 Boqolaal qof oo lagasoo Eryaya magaalooyinka Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo ayaa soo gaaray magaalooyinka dhaca Koonfurta Soomaaliya waxaana dadkaasi ka muuqday Diif iyo Jirdil ay kala kulmeen raafkii uu ku sameeyay maamulka Faroole.

 Mid kamida dadkaasi oo soo gaaray magaalada B/weyne ayaa sheegay in sida loola dhaqmay ay ahayd mid ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaalida “aniga aroortii hore kasoo baxay gurigayga oo boosaaso ku yaal una socda goobta shaqada ayay Maleeshiyaad igu tuureen gaari shabaqle ah, caruurtii iyo xaaskii wax war ah kama hayo in mudda ah ayay nagu hayeen Garowe iyo Gaalkacyo runtii dhibaata xoogan ayay noo gaysteen qolyahaasi”ayuu yiri mid kamida dadkii ay Puntland soo qafaashay.

 Burcadda uu Faroole hogaamiyo ayaa isku dayaysa in ay Cuqdad ku dhax beerto shacabka Muslimiinta ah dhaqamada aadka loola yaabay oo ay Maleeshiyaadka Faroole ku keceen waxaa kamid ah Dadkii ay soo tarxiilayeen ayay madaxa si qaab daran uga xiireen kadibna ay madaxa Rinji Gaduud ah mariyeen.

 Dhaqankan xun ee uu ku kacay Maamulka Faroole waxaa si kulul u Cambaareeyay qaybaha kala gedisan ee shacabka Soomaalida oo maamulka Faroole u arko in uu isku darsaday Asha-haadda ladirirnimo iyo Cunsurinimo.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: