Dagaallo Culus oo saaka ka qarxay deegaanka Karin Duleedka Galgala iyo Gaadiid dagaal oo laga Gubay Maleeshiyada Ash-haado ladirirka Labaxay PIS-tsa Faroole (Faah Faahin).

Dagaalo Culus oo udhaxeeya maleeshiyaadka Ash-haado ladirirka loo yaqaano Pis-ta maaulka waqooyi bari iyo dadka deegaanka ayaa saaka aroortii waxay ka dhaceen buuraha degmada gal gala ee gobolka bari. 

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii maleeshiyada Ash-haado la dirirka Pis-ta ay isku dayeen inay gudaha usoo galaan degmada gal gala balse waxaa ka hor tagay dhalinyaro qaab deegaaneed u abaabulan kuwaasi oo iska hor imaad culus la galay maleeshiyada kadibna ku qasbay inay deegaanka dib ugu laabtaan.

Qasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkii saaka waabarigii halkaas ka dhacay,iyadoona warar kalena ay sheegayaan in gawaari dagaal iyo kuwa xumuul ahba lagala wareegay maleeshiyaadkii Ash-haado ladirirka Pist-ta faroole ee weerarka kusoo qaaday degmada gal gala.

Waxaa aad u adag in xog rasmi ah laga helo dagaalada saaka aroortii hore ka dhacay degmada gal gala oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari,inkasta oo xiriiro wararka ka imaanaya magaalada boosaaso ee xaruunta gobolka bari ay sheegayaan in dhalinyarada deegaanka ee dagaalka la galay maleeshiyada Ash-haado la dirirka la baxay Pist-a ay la wareegeen Xeradii saaka ay kasoo duulaan tageen Ciidamada Pis-ta.

Dagaaladan saaka ka dhacay degmada gal gala ayaa waxay kusoo aadayaan Xili dhawaan hogaamiyaha Ash-haado la dirirka maamulka waqoyi bari ee isku magacaabay maamul goboleedka Puntland C/raxmaan uu ka dhawaajiyay in degmada gal gala ay lawareegeen Xoogag taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: