Maamulka Kismaayo ” Cudurka Shubanka kama Dilaacin Kismaayo Idaacadda Shabelle ayaa Been ka sheegtay Caafimaadka Shacabka”.

Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa si kulul u cambaaraysay warar Been abuur ah oo ay Idaacadda Shabelle ee dowlada ridada ah iyo Saliibiyiinta  AMISOM la shaqaysa ka baahisay xaalada gobalada Jubbooyinka. 

 

 Mas’uulka dhanka caafimaadka ugu sareeya wilaayada Jubbooyinka Sheekh C/qani Gurxan ayaa sheegay in wax dhibaata caafimaad ah aysan ka jirin magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran.

 Shabelle ayaa shalay baahisay in cudurka Shuban biyoodka uu ka dilaacay magaalada Kismaayo islamarkaana uu soo ritay Carruur iyo Haweenka warkaasi oo ahaa mid been abuur ah oo looga been sheegay wadciga Kismaayo.

 Sheekh C/qani Gurxan wuxuu sheegay in Cudurka Shubanka uusan ka jirin Gobalada Jubbooyink taasina ay tahay Been ay qalabka warbaahinta cadawga u adeega ay ka baahinayaan magaalooyinka Nabdoon “Waxaan Beeninaynaa war shalay gelinkii hore ka baxay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ka jirta oo ahaa in Cudurka Shubanka uu ka dilaacay Kismaayo, warkaasi waa Been shuban biyood waxaa Kismaayo ugu dambaysay sanadii 2003-da wixii xiligaasi ka dambeeyay kama dilaacin Kismaayo, beenta warkooda waxaa u daliil ah waxay dheheen Dr, Jaabir oo Isbitaalka Kismaayo ka shaqeeya ayaa noo sheegay waana Been wax Dr, Jaabir la dhaho Isbitaalka Kismaayo kama shaqeeyo Umadda Muslimka ah sidaasi ha ogaadeen”ayuu yiri Sheekh C/qani.

 Magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee Jubbooyinka ayaa aad looga hagaajiyey dhanka nadaafadda taasi oo keentay in cuduro badani ay meesha ka baxaan markii wanaagaasi u bidhaamay shacabka Muslimiinta ah ayay Iclaamka cadawga weerar ku qaadeen horumarkaasi sida ay sheegeen saraakiisha wilaayada islaamiga Jubbooyinka.

 Shabelle oo sedax bil ka hor laga Iibiyay UNDP iyo AMISOM ayaa si joogta ah u baahisa warar ka dhan ah islaamiyiinta waxayse ku ceebowday warkii ay Kismaayo ka baahisay maadaama ay ka been sheegtay caafimaadka shacab dhan oo magaalo ku nool iyo magacyada dhaqaatiirta Isbitaalka Kismaayo oo kamid ah Isbitaalada ugu waaweyn dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: