Khasaaraha ka dhashay Tiro Madaafiic ah oo Xaly lagu garaacay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir oo sii kordhaya.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay  Tiro madaafiic  ah oo Saliibiyiinta AMISOM habeenadii xalay ay ku garaaceen qaar ka tirsan Xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir. 

Inta la ogyahay  7-ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymo xoogan oo Saliibiyiinta AMISOM habeenimadii xalay ay ugeysteen Xaafado ka tirsan degmooyinka yaaqshiid iyo kaaraan xili uusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada muqdisho.

Madfac kusoo dhacay Xaafadda Towfiiq ee degmada yaaqshiid ayaa waxa ku shahiiday Seddex ruux  oo kala ahaa Hooyo iyo labadeeda Cunug,waxaana madfacaas sidoo kale ku dhaawacmay labo ruux oo kale.

Sidoo kale labo ruux ayaa ku shahiiday isla Xaafadda Towfiiq kadib markii madfac habow ah uu kusoo dhacay  guri ay degenaayeen sida uu ku waramay goob jooge la hadlay idaacada islaamiga ee Alfurqaan.

Meelaha Madaafiicdu ay dadku ku waxyeeleeyeen ayaa waxaa sidoo  kale ka mid ah Xaafado ka tirsan degmada Karaan,waxaana qaar ka tirsan  deegaanka ay noo sheegeen in Tiro madaafiic ah oo degmadaas kusoo dhacday ay sababeen ugu yaraan geerida  labo ruux.

Degmooyinka yaaqshiid iyo  kaaraan ayaa waxay qeyb ka yihiin degmooyinka sida joogtada ay uduqeeyaan kufaarta Gafuurada waaweyn ee AMISOM ah ee Xasuuqa ka wada magaalada muqdisho.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: