Boosaaso Cabsi Soo Food Saartay Dadka Shaqaalaha U Ah Puntland Iyo Askar Lagu Dilay Boosaaso

Waxaa goordhaweyd lagu dilay suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso askari ka tirsanaa Dowladda hoose oo xiligaas canshuur ka qaadayey ganacsatada, sidoo kale waxaa dhaawac culus soo gaaray askari kale oo ka mida asna Dowladda hoose askarigaas ayaa rasaastu ka haleeshay caloosha. Tan iyo intii asbuucii nasoo dhaafay la raafay dadkii u dhashay gobolada koonfureed ayaan amaanka Boosaaso waxba iska badalin, halka dadweynaha Reer boosaaso ay raja weyn ku qabeen in ay wax is badalaan kadib markii Madaxda Golaha deegaanka Boosaaso iyo Madaxda Dowladda ugu saraysa ay idaacadaha waraysiyo siiyeen ay ku sheegayaan in ay soo afjareen qala laasihii iyo dilalkii qorshaysnaa ee ka dhici jiray Magaalada Boosaaso. 

Shacabka Reer Boosaaso ayaa dareenkoodu wuxuu yahay in aysan waxba layn jirin dadkii Reer koonfureed ee ay jiraan cid kale oo wali Boosaaso joogta oo u gaarsanaysa Ciidamada PIS ta, Booliiska, iyo shaqaalaha u shaqeeya Dowladda, waxaa ka jirta xaalad jahwareer Magaalada Boosaaso dadweynaha qaar ayaa tuhunsan saraakiisha Ciidama Puntland qaar ka mida, halka qaar kalana ay tuhunsanyihiin oo shaki weyn ka qabaan itoobiyaanka Magaalada ku sugan in ay yihiin kuwa amni xumada wada maadaama ay dhici karto in ay yihiin askar taba baran.

Dhowr qof oo itoobiyaan ah oo si khalad ah maamulka puntland u xiray ayaa waxaa soo daayey qunsulka u fadhiya Itoobiya Magaalada garoowe, Itoobiyaanka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin 10,000 kun oo qof, ku waas oo asbuuc kasta yimaada Magaalada Boosaaso mana jirto meel ay oga socdaan, waxaa lagu qiyaasaa asbuucii in ay yimaadaan Magaalada Boosaaso tira gaaraysa 50 qof oo itoobiyaana.

Ganacsiga ay haystaan ayaa ah Khamri iyo ganacsi aan ku haboonayn dhaqanka Islaamka, waxaana Magaaladu ku sheegaysataa in loo tumasha tago buulasha iyo goobaha ay ka dagan yihiin Magaalada Boosaaso dadka u qayilaad iyo dhakhla taga goobaha Itoobiyaanka ayaa u badan Ciidamada PIS ta, Booliiska, iyo Shaqaalaha

Sidoo kale waxaa warbixin ay soo saartay dhawaan Qaramada midoobay ay ku sheegtay in Cudurada xun xun sida HIV uu si xoog leh ugu faafayo Magaalada Boosaaso iyo Hargayso shacabka Reer Boosaaso oo qoraxdo meeshii ay ugu dhaqdo aan dhaafin oo xoriyad xumo iyo amni xumo soo foodsaartay ayaa hada dareemaya dhibaatada ka imaanaysa Itoobiyaanka jooga Boosaaso iyo Soomalidii la raafay oo falal kii lagu eedayn jiray wali taagan yihiin. 

C/laahi Shire
Boosaaso
SOMALIMIDNIMO.COM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: