Culumadii u Hambalyeysay Heshiiskii Dhexmaray Zenawi iyo Ibraahim-dheere (Dhegeysi)

Markaan soo daabacnay faalladii ahayd: maxaa sheekh Umual ugu kala hiilliyey sheekh Shariif markii Jabuuti lagu dooranayey iyo markii sheekh Ibraahin la heshiinayey Zenawi dabadeedna aan soo gudbinnay codkii sheekh Umal wax kaga sheegay shirkii Jabuuti ayaan dadweynaha u ballanqaadnay inaan u soo gudbin doonno codkii sheekh Ibraahimdheere markuu tirinayey culumadii usoo hambalyeysay! 

Waxaa dadka Soomaaliyeed ka yaabiyey haddii sheekh Umal dhalleeceeyey shirkii Jabuuti oo loo qabtay Soomaali dhexdeed inkastoo Maraykan, Yurub, Itoobiya, iyo waddamo kale ku lug lahaayeen muxuu u taageeray shir uu garwadeen ka yahay Zenawi oo dhexmaray Zenawi iyo sheekh Ibraahimdheere? Fatwadii sheekh Umal ee sheekh Shariif dad badan baa ku nacay Shariifka. Waxaa la yaab leh muxuu sheekhu ugu hambalyeeyey shirka Zenawi iyo sheekh Ibraahimdheere dhexmaray? Dadku waxay leeyihiin waa arrin qabiil maxaa yeelay dhulkaas baa sheekh Umal ka soo jeedaa! Haddaysan saas ahayn maxaa sheekh Umal ku mucaaraday shir loo qabtay Soomaali? Ma dastuurka Itoobiyaa Shareeco lagu saleeyey?

Runtii haddaan nahay Somalimidnimo kama aamusi karnno khaladkaaso kale. Haddii dadka caamada ama dagaaloogayaasha ah khaladkaas oo kale galaan waa loo cududaari karaa oo jahli baa jira laakiin nin sheekh ah sina looguma dhaafi karo. Waad ogtihiin ninkii reer baadiyaha ahaa ee masaajidka ku kaadshay Nabigu (NNKHA) waa u naxariistay laakiin markii Mucaad Binu Jabal (RC) Salaadda dadka ku dheereeyey; Nabigu (NNKHA) wuu canaantay isagoo leh:

AFATAANUN ANTA YAA MUCAAD?

Ogoow hadde waa Salaad-dheereyn waxaa Mucaad lagu heysto! Ka warran dadka qaarkiis qabyaalad ku eedeynayaan? Sidoo kale markii seddex saxaabi inta yaraysteen camalkooda marka loo fiirsho kan Nabiga (NNKHA) uu midkood yiri: habeenkii oo dhan Salaad baan u istaagayaa; midna yiri: maalin oo dhan waan soomayaa; midna yiri: dumar ma guursanayo waa la ogaa in inta Nabigu (NNKHA) minbirka fuulay yiri: qofkii ka taga sunadeyda iga mid maaha! Saxaabadan xitaa waxaa lagu heystaa kheyr-badsasho laakiin khayr-badsi bidco ah lama rabo. Halka ninkii reer baadiyaha ahaa ee Nabigoo (NNKHA) hurda inta seef ku qabtay yiri: yaa iga kaa celinaya? Dabadeedna Nabigu (NNKHA) yiri Allaah; waa tii seeftu ka dhacday reer baadiyihii dabadeedna Nabigu (NNKHA) qaatay oo markiisa yiri…, AlXaddiis. Nabigu (NNKHA) waa cafiyey reer baadiyahaas halka nimankii Bariira inta iska iibiyeen lahaa hanala siiyo Waleehda waa tii Nabigu (NNKHA) minbarka u fuulay ka hadlay in qofkii shardiya waxaan Ilaahay shardiyin uu shardigaas baadil yahay xitaa boqol shardi ha gaaro!

Tusaalayaasha Nabigu (NNKHA) ku xaarxaarin jiray saxaabada cilmiga leh; halka uu iska dhaafijiray kuwa aan aqoonta lahayn waa badan yihiin. Annagoo hadafkaas ka duuleyna waxaan ku leennahay wadaaddadaas aad hadda mooddid inay Jihaadka la dagaalayaan uma dulqaadaneynno khaladka noocaas ah oo labo nin aad ugu kala eexaneysaan. Marka ninkii cilmi leh ee la yimaada khalad noocaas oo kale ah wax baa laga qorayaa laakiin caamada waan u dulqaadaneynaa.

Ma jiro qof Soomaali ka necebtahay Zenawi. Marka haddaad u hambalyeyneysaan Zenawi iyo sheekh Ibraamindheere; maxaad ka rabtaan oo u dacaayadeyneysaa Mujaahidiinta?

Halkan guji/riix si aad u dhageysato hadalka sheekh Ibraahimdheere

Cabdi Cabdulle
Qaahira
Somalimidnimo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: