Howl-galo looga saarayo Suuqyada waxyaala dhacay oo ka socda Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka.

Waaxda Fayadhowrka ee ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa maalimihii lasoo dhaafay waxay wadeen howl galo lagu baarayo raashinka iyo waxyaabo kale oo dhacay ee lagu iibinayo suuqyada kala duwan ee Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka.

Ciidamada oo howlgalka ugu ballaaran ka sameeyay Suuqyada Magaalada Kismaayo ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen raashin u badan Baasto taas oo taariikhdeedu dhacday iyo qaar gudaha badda kusoo qoyay, waxyaalo mac macaan ah oo ay inta badan isticmaalaan Caruurta yar yar kuwaas oo dhamaantood caafimaadka halis ku ah.

Waxaa kale oo ay Ciidamadu soo qabteen waxyaalo ay dadku isku naash-naashaan sida Shaambooyinka iyo Kareemyada, kuwaas oo intooda badan ay dhaceen mudo 2 sano iyo ka badan laga joogo. Markii howsha baarista ah ay soo gabagaboowday ayaa waxyaalihii lasoo qabtay waxaa lagu soo raray gawaari waaweyn kadibna dab lagu qabadsiiyay Xeebta Badda Magaalada Kismaayo.

 

Waaxda Fayadhowrka ee Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dadaal fara badan oo ay bixiyeen kadib waxay Allaah Fadligiis ku guuleysteen inay Suuqyada lagu ganacsado ka suuliyaan inta badan alaabtii dhacday ee dadka laga iibin jiray sida Raashinka, Daawada, Macmacaanka iyo walxaha la isku naash-naasho, kuwaas oo si khiyaano ah inta loo farsameeyo kadibna bulshada laga iibin jiray halkaasna ay ka dhalan jirtay xaalad caafimaad xumo oo daran.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: