Ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah oo ku le’day qaraxyo Xalay ka dhacay degmada waabari.

Inkabadan Todobo Askari oo ka tirsan xukuumada ridada  ah ayaa ku la’day qaraxyo xalay ka dhacay  degmada waabari ee gobolka banaadir oo kamid ah degmooyinka fara ku tiriska ah ee gacanta ay ku hayso dowlada ridada ah.

Qaraxyo is xig xiga ayaa fiidnimadii xalay lagu weeraray  goob ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan dowladda ridada ah oo ku taala Xaafadda 21 October  ee degmada waabari,iyadoona qaraxyadaas loo adeegsaday bam baanooyin gacanta lagu tuuray sida ay ku waramayaan qaar ka tirsan dadka deegaanka.
Ciidamo ka tirsan dowladda ridada ah ayaa saaka waabarigii waxay xaafadaha degmada waabari ka bilaabeen dhibaato ay shacabka aan waxba galabsan u gaysanayaan waxa ay ku qab qabanayaan dadka dhalinyarada,waxaana wararka laga helayo degmada waabari ay sheegayaan  in gawaari shabaqyo leh lagu daabulayo dadka ay qabtaan maleeshiyada dowladda ridada ah.

mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka warbixiye dhibaatada ay kawadaan maleeshiyada: walaalow Ciidamo ka tirsan dowladda ridada oo wata baabuuro shabaqyo leh ayaa saaka waxay dhex lugaynayaan xaafadaheena,dhalinyaro badan ayay qabteen,waxaana u badan dadka la qabtay Arday iskuulay ah”. Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Degmada waabari ee gobolka banaadir  waxay ka mid tahay degmooyinka ay maamusho dowladda ridada ah,waxaana inta badan degmadaas ka dhaca weerarada bam baanooyinka loo adeegsado ee lala beegsado maleeshiyada dowladda ridada ah ee degmadaas ku sugan.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: