Walaalkeen Sheikh Mohamed Umal weydiiya wadaad diintii laga bililiqaystay ??

Wadaad diintii laga bililiqaystay 2010-07-22-2010 Wuxu allaah ku yidhi Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa:

وَقَالُوا لَوْلا نُزِّلَ هَذَا الْقُرْآنُ عَلَى رَجُلٍ مِّنَ الْقَرْيَتَيْنِ عَظِيمٍ (32)

أَهُمْ يَقْسِمُونَ رَحْمَتَ رَبِّكَ نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ (33)الزخرف

Hal ku dhigga qoraaga: Haddii Aad Laba Nin Oo Legdamaya Mid Ahaan Fallaaro Ku Boobto, Dabcan Ka Kale Ayaad U Hiilisay

 

 

Waxan dhegaystay muxaadaro uu jeediyey wadaad Soomaaliyeed oo caan ah.  Wadaadka ama Sheikha muddo dheer ayaan si guud u aqaannay.  Waxan ku bartay inuu yahay ehlu-cilmi daaci ah oo aftahan ah isla markaana aan warwareegin ee warka halkiisa ugu taga.  Waxan ku bartay inuu ka mid yahay wadaadada salafiga ah ee u halgama hirgelinta shareecada islaamka ilaa heer dawladeed isla markaana u janjeedha dhinaca jihaadka “hub qaadka ah” si loo difaaco diinta, dadka iyo dalka islaamka, loona hirgeliyo isku xukunka shareecada islaamka oo dhammaystiran. Waxan ku bartay in uu ka mid yahay culimada asal-raaca ah ee wax walba ula noqda kitaabka quraanka ah iyo sunnaha nebiga( scw) ee saxeexa ah, sidii ay u fahmeen salafkii hore ee umadda islaamku.

Sheekhaas isaga ahi, muxaadaradan cusub ee uu galay bisha juulay 2010 waxa ay aad u shabbahaysay kuwii lagu yaqaannay ee hore, waxayse huwanayd dareen cusub oo siyaasadaysan kugu dhalinaya su´aalo  xanuun badan.

Haa, aan isa saxo eh, wixii aan sheekha ka dhegaystay waxay ahaayeen laba muxaadaro.  Mid ahaani waxay ahayd: Fiqiga garsoorka ama  فقه القضاء. Muxaadarada kalena waxa ay ahayd: Manhajka ehlu-sunnaha ee gaalaysiinta ama  منهج اهل السنة في النكفير. Labada muxaadaro ee uu sheekhu jeediyey waxa ku ladhnaa tusaalooyin uu badiyaaba ka soo qaadanayey waaqica ka jira koonfurta Soomaaliya. Weliba waxay gaar ku ahaayeen tusaaleyaashu, islaamiyiinta ka hawl-gala dhulkaas, ha ahaadeen maamullada ay hirgeliyeen ama dagaalka ay ku mushquulsanyihiine.  Tusaalayaasha waxa uu sheekhu u bandhigayey cilmigii diiniga ahaa ee uu jeedinayey isaga oo muujinayey in aanay sinaba  isu waafaqsanayn.

Tusaalayaasha sheekha iyo guud ahaan muxaadarooyinkiisa waxa laga qaadanayey, si toos ah ama si dadban: cambaarayn ku socota islaamiyiinta maamula gobollada koonfureed ee soomaaliya, cambaarayn shakhsiyaad ka tirsan ururadaas iyo duur-xul dahsoon oo doqoni ma garatay ah.

  1. Cambaarayntu waa: in ururadaas gobollada badan maamulaa ay yihiin ururo daalimiin ah oo jaahiliin ah oo islaamka sumcadda ka hallaynaya oo ay hor boodayaan dad jaahilnimo ku sugani.
  2. Duur-xulkuna waa: In ururadaasi yihiin firqad baadiyeysan oo khawaarij iyo takfiir wax la wadaaga.

 

Haddaba qofkii akhriya maqaalkan isla markaana fursad u yeesha in uu sheekha la kulmo, ha waydiiyo su´aalo arrinkan ku saabsan. Sheekha aan ka hadlayaa waa sheikh Maxamed Cabdi Umal.  WAXAN SOO BANDHIGI DOONAA QAAR KA MID AH QODOBADII IGA YAABIYEY EE UU SHEEKHU LIISHAAMAY. Marka aan u soo daadego muxaadarooyinkii sheekha iyo waaqica uu tusaalooyinka ku soo qaadanayey iyo xaqiiqooyinka fagaaraha yaalla, waxan leeyahay:

  1. SHEEKHU WUXU JECLAAN LAHAA IN UU ARKO ISLAAMIYIINTA MAAMULA GOBOLLADA UGU TIRADA BADAN SOOMAALIYA OO MEESHA KA BAXAY. Sababtoo ah wuxu u arkaa dad jaahiliin ah oo islaamkii, sumcadda ka dilaya oo dadkii iyo islaamka is nacsiinaya. Haddaba sheekhu ma hayaa wax badiil ah oo uu jeclaan lahaa in ay booskooda buuxiyaan? Mise cid kastaa ha timaaddee waa in iyagu ina dhaafaan?

XAQIIQADA 1aad

Saaxada Soomaaliya ee ay ka hawlgalaan islaamiyiintan uu sheekhu dhaliilsanyahay, waxa ku loolamaya awoodo kala duwan oo tartan ku jira. Safka hore ee ka soo horjeeda islaamiyiinta waxa soo taagan A) Amisom b) Dfkm  iyo C) Ahlu-sunna wal-jameeca oo isku dhinac ah. Gadaalna waxa ka taagan beesha caalamka oo ah  ( الملأُ الذين كفروا) . Saddexdaas qolo ujeedada ay u dagaallamayaan way caddaysteen, sheekhuna wuu ka dheregsanyahay. Safka labaad ee ka soo horjeeda islaamiyiinta waxa soo taagan; ciidamo-beeleed  ay dawladda Kenya ku abaabulayso NFD oo loogu talogalay in ay Jubbooyinka ka saaraan qolyaha islaam-doonka ah isla markaana ay gobolka ku soo celiyaan mooryaanimadii iyo qabyaaladdii. Sidoo kale dhinaca soomaaligalbeedna waxay itoobiya ku abaabulaysaa qaar la ujeedo ah kuwaas Kenya adeegsanayso.  Safka saddexaad waxa soo taagan qolyo abaabulaya dawlad-goboleedyo ama dawlad-beeleedyo oo qurbaha wareegaya. Kuwan qudhooda waxa dabada ka riixaya hay´ado iyo waddamo dano gurracan oo fog ka leh umadda Soomaaliyeed. Haddii islaamiyiintu furinta banneeyaanna waxa dalka la wareegaya saddexdaas kooxood ee safka koowaad, safka labaad iyo safka saddexaad ah. Kumana heshiin doonaane, waxa ka dhalanaya fawdo, dagaal sokeeye iyo diin la´aan iyo dawlad la´aan. Markaa sheekha ma sidaas ayaa la fududaatay?? Haddii uu sheekhu HAA ku jawaabo, hadal danbe iima laabna. Hadduuse ku jawaabo XAASHA, marna nimankaas iyo nimankaas iskuma bedesheen, waxaad u caddaysaan in muxaadarooyinkiisu ay u adeegayeen in qolyahaasi dalka la wareegaan. Sababtoo ah; Haddii Aad Laba Nin Oo Legdamaya  aad mid Ahaan Fallaaro Ku Boobto, Dabcan Ka Kale Ayaad U Hiilisay.

XAQIIQADA 2AAD

Inkasta oo aan la inkiri karin in qaladaad yaryar iyo qaar waaweyniba ka dhici karaan islaamiyiinta, haddana, waxay keeneen wanaagyo u shafeeco qaadi kara aakhiro iyo adduunba. Bal u fiirso:

A)     Nabadgelyo aan hore loo arag ayey ka hirgeliyeen dhulka ay maamulaan. Haddii ay meesha ka baxaanna waxa la filan karo ee ugu yari waa nabadda oo cirka ku laalanta.

B)      Shareecada islaamka ayey kor u qaadeen. Ninkii aqoon iyo cilmi ku dhaama waxa looga baahnaa in uu aqoontiisa ku caawiyo laakiin intii itaalkood ah, waxay kor yeeleen kitaabkii Alle. Haddii meesha ay ka baxaanna, waxa ugu yar ee la filan karaa waa distoor cilmaani ah ama xeer jaahili ah.

C)      Salaadihii ayey ogeen

D)     Sekadii ayey ururiyeen oo qaybiyeen

E)      Xuduudii Alle  ayey ogeen intii karaankood ah. Hadday meesha ka baxaanna waxa ugu yar ee la fishaa waa madax tuugo ah oo tumasho iyo fasaad keena. Markaa ninkii cilmi ku dhaamaa in uu la toostoosiyo ayey ahayd

F)      Jaadkii ayey cunaqabateeyeen. Hadday meesha ka baxaanna, waxa ugu yar ee la fishaa waa daroogada oo faafta.

G)     Isku fillaansho iyo ka faa´iidaysiga khayraadka dhulka ayey dhiirrigeliyeen.  Hadday meesha ka baxaanna waxa ugu yar ee la fishaa waa curyaaminta dalagga iyo qabatimidda dawarsiga raashin dhacay oo la dhiirrigeliyo

H)     Qabyaaladdii ayey shiikhiyeen. Hadday meesha ka baxaanna, waxa ugu yar ee la filan karaa waa siyaasad beelaysan iyo dagaal-oogayaal qabiil.

Waxay si buuxda ama si badh ah ugu sifoobeen qawlkii Allaah yidhi subxaanahu wa tacaalaa:

{الذين إن مكناهم في الأرض أقاموا الصلاة وآتوا الزكاة وأمروا بالمعروف ونهوا عن المنكر ولله عاقبة الأمور}

 

XAQIIQADA 3AAD

Muxaadarooyinka sheekhu waxay ku soo beegmayaan xilli kala guur ah oo isbedello badani ka taaganyihiin mawaaqifta siyaasadda umadda Soomaaliyeed. Intii ka hadhay mujaahidiintii al-itixaadkii Soomaaligalbeed waxay la heshiiyeen oo aqbaleen nadaamka Itoobiya. Waxa la ogsoonyahay in sheekhu ka mid ahaa dadka  uu ururkaas Itoobiya la heshiiyey uu sida gaarka ah u dhegaysto.  Waxnaa igu maqaalo ah in arrinkaas sheekha lagala tashaday oo uu barakeeyey. Alle ayey xog- ogaalnimadu u sugnaataye.  Dhinaca kale ururkii weynaa ee Al-ictisaam waxay dhawaan bedeleen manhajkoodii isla markaana waxay caddaysteen sida ay u kala duwanyihiin ee ay u diidanyihiin qolyaha islaam-doonka ah ee maamula gobollada ugu tirada iyo dadka badan Soomaaliya.  Isbedelka ay jamaacadu ku samaysay manhajkeeda siyaabo kala duwan ayaa loo macneeyey. Waxayse u badantahay in lagu dirqiyey oo ay ku dirqiyeen cid iyagaba lagu dirqiyey in ay dooriyaan manaahijtoodii waxbarashada.

 

  1. Sheekhu wuxu ku nuux-nuuxsaday in qolyahaas islaamiyiinta ahi ay yihiin jaahiliin oo aanay waxba ka aqoon diinta, una qalmin in ay diin wax ku xukumaan. Wuxu gaadhsiiyey heer uu ugu duur-xulay in aanay xiitaa garan karin baababka ay ka raadsan karaan masaa´isha ay u baahanyihiin. SUBXAANALLAAH! YAA SOO HUBSADAY IN DADKAAS OO DHAMI WADA JAAHILIIN YIHIIN? Ma waxa jirta meel ijaazo laga qaato oo qof walba heerka cilmigiisa lagu ogaan karo? Mise waxa cilmiga loo qirayaa uun qofkii telefeeshin laga daawaday ama cajalad laga dhegaystay?

XAQIIQADA 4aad

Xaqiiqda meesha taal waxay tahay in cilmiga cid waliba baran karto.  Waagii 80-naadkii waxa dalka Soomaaliya ku xoogganaa  culimadii dariiqooyinka. Dawladda ayagaa u culimo ahaa. Maxkamadaha ayagaa qaadiyaal ka ahaa. Masaajidada ayagaa khadiibyo iyo imaamyo ka ahaa.  Xaafadaha ayagaa ka wadaadayn jiray. Malcaamadaha ayagaa dhigi jiray. Dadka ayagaa kala xaqi jiray. Iyagaa wax isu meherin jiray, kalana furi jiray. Ayagaa wax dabiibi jiray. Dabadeed  waxa isla waayadaas soo xoogaystay baraaruggan islaamiga ah ee hadda taabo-galay. Culimadii hore waxay is arkeen ayaga oo  cidlo taagan oo dhalinyaradii ka wareegtay. Markaas waxay bilaabeen in culimadii yaryarayd ee aanay cidina aqoon ku eedeeyaan arrimo badan si ay sumcaddooda u wiiqaan. Waxa ugu weynaa eedihii berigaas:

A)     Waa jaahiliin kutub xaashi cadde ah akhrista iyo

B)      Waa khawaarijtii nebigu (scw) sheegay

Laakiin warkaas dheg jalaq looma siin. Cilmigiina inta lala bartay ayaa laga badshay. Khawaarijna sidaas laguma noqon. Haddaba walaal, shalay iyo maanta sow isuma sansaan eeka?

Xaqiiqada meesha taal waxay tahay: walaalaha islaamiyiinta ah ee la dhaliilayo culimo badan ayaa lagu dhex sheegay.  Cilmiguna waa barasho, waana kii Alle lagaga cabsado. Cilmigu cid gaar ah uma xidhna ee ciddii dadaashaaba way ku baran kartaa wakhti kooban, xaaji Cabbaasna way dhaafi kartaa:   ونبأهم أن الماء قسمة بينهم كل شرب محتضر))

  1. Sheekhu wuxu tusaale ka bixiyey jaahilnimada uu ku tilmaamayo islaamiyiinta Soomaaliya. Wuxu ka sheekeeyey  nin uu kula kumay magaalada Xamar oo loogu sheegay madaxa ugu sarreeya ee garsoorka Al-shabaab. “Ninkaas ficlan hore isumaanu aqoon” ayuu sheekhu yidhi. “Laakiin waan sii raadiyey si aan wax uuga ogaado. Waxa lay sheegay nin sheekhiisa ahaan jiray. Waan la xidhiidhay oo ku idhi; bal ninka hebel ah iiga warran? Wuxu ii sheegay in uu ardaydiisa ka mid ahaan jiray. Heerka cilmigiisa ayaan waydiiyey. Kutubta bilowga ah ayaan u dhigi jiray ayuu sheekhiisi igu yidhi. Markaa waxan ku idhi; bal ka warran haddii uu ninkaasi yahay madaxa garsoorka oo dhan?  Sheekhii wuxu yidhi “Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,  madaxa ayuu is qabtay, ma ninkaas ayaa madaxa garsoorka ah?”. Marka uu halkaas marayo  ayuu sheekh Umal si cadho leh u weeraray ninkaas iyo nimanka uu ka tirsanyahay.  Isaga oo ugu duur-xulay jaahilnimada ninka ugu sarreeya garsoorkooda. Taasi oo ka dhigaysa wixii isaga ka hooseeyaana in ay ka sii jaahilsanyihiin.

XAQIIQADa 5AAD

Ninkaas uu sheekhu ka sheekeeyey ee madaxa garsoorka ahaa, anigu ma aqaanno. Laakiin warka sheekhu sheegay waxbaa ka dhinnaa. Dadka caamada ahi sidaas ayey ku liqayaan laakiin qofkii aqoon lihi wuxu is waydiin karaa su´aalahan:

A)     Waagii ninkan hadda noqday madaxa garsoorka uu ardayga u ahaa ninka sheekha ah ee macalinkiisa ahaa, meeqo sano ayaa laga joogaa? Haddii uu isla sanadkaas gudihiisa arbiciinka u dhigayey waanu fahmi karnaa dhaliisha sheekha. Laakiin haddii ay ahayd 5 sano ka hor ama 10 sano ama 15 sano ka hor, markaa arrinku ka fiirsi ayuu u baahanyahay.

Qiso aydun arinkaas ku fahmi kartaan ayaan idiinka sheekaynayaa. Anigaygan maqaalka qorayaa, ma lihi aqoon diimeed oo la sheegsheegi karo. Hase ahaatee waagii aan intan ka da`da yaraa ee aan waddankii joogay, intii yarayd ee aan akhristay waxa aan u sii akhriyi jiray dhalinyaro aan ka hor akhristay. Waa kutubta bilawga ah ee xadiisyo ama caqiido ama fiqi ah. Ardaydii aan wax u raaci jiray qaarkoodna, waxay wax u sii akhrin jireen kuwa ka sii yaryar.  Waddankii waan ka tegay dhawr iyo toban sano ayaan ka maqanaa. Beri dhaweyd aniga oo warwaraysanaya raggii iyo xaggay ku kala dambeeyeen, ayaa layga sheekeeyey wiil yar oo ardaydaas qaarkood u ahaayeen macalin. Waxa lay sheegay in uu noqday sheikh weyn oo kutubta sunanta ah dadka u akhriya.  Bal haddaba ka warran haddii aan madaxa isqabto oo aan xaqiro walaalkaas manta iga cilmiga badan­­?????

B)      Su´aasha kale waxay tahay; Sheekhaas hore mooyaane, sheekhyo kale oo wax soo baray ma yeeshay inanku?

C)      Ta saddexaad: Ma la waydiiyey inta kitaab ee axkaam ah ee uu soo akhristay?

D)     Su`aasha kale ee mudan in la isweydiiyo waxay tahay; ninka madaxa garsoorka ku magacaabani, ma adminstration  iyo agaasimid farsamo ayey madaxnimadiisu ahayd mise marjic fiqi ahaaneed ayey ahayd?

 

  1. Sheekhu wuxu sheegay in  islaamiyiinta sheeganaya in ay shareeco wax ku xukumayaan ay yihiin daalimiin, dadka caadiga ah madaxa jara oo gacmaha jara oo wixii la qummanaada ku fuliya , laakiin marka qaar askartooda ka mid ahi ay dembiyo dadka ka galaan aanay waxba ka qaban.

Warkaasi waa eedayn aad u culus oo qofkii taageersanaa nimankaa islaam-doonka ah, khalkhal weyn ka gelinaya. Eedaymo noocaas ah hore waa looga maqli jiray nimanka ka soo horjeeda ee diin la dirirka ah ama siyaasad ahaan u diidan. Laakiin sheikh weyn warkiisu wuu weynyahay.  Markaa sheekha waxa looga baahanyahay faahfaahin intaas ka badan iyo caddayn. Faahfaahintuna waa in ay sidan u eekaato:

–          Sheeg qofka shacabka ah ee dembiga laga galay

–          Sheeg qofkii islaamiyiinta ka tirsanaa ee dembiga ka galay ama ciidankii dembiga laga tirsaday iyo amiirkii markaa hoggaaminayey

–          Sheeg amiirkii ama maxkamaddii ama maamulkii islaamiga ahaa ee looga dacwooday. Magacyadoodii dabcan?

–          Sheeg jawaabtii ay dhibbanaha siiyeen iyo sidii uu dhibbanuhu ku qaabilay, diidmo iyo aqbalaad?

Haddii arrimahaas sheekhu keeno waxa dadka u caddaanaysa labada daraf koodii daalimka ahaa iyo kii madluumka ahaa.  Ma aha in aan leeyahay sheekhu war aan jirin ayuu faafintiisa u badheedhay. Laakiin waxa aan ka cabsi qabaa in loo qariyey war ka yimid dad is colaadsaday.

 

  1. Wuxu sheekhu yidhi: “DIINTII XATAA WAA LA BILILIQAYSTAY. DIINTII XATAA WAA LA BILILIQAYSTAY. DAD AAN EHEL U AHAYN AYAA U SOO BAXAY. GARSOORKIIBAA LA BILILIQAYSTAY…. WAA LA BOOBOO WAA LA BILILIQAYSTAY. RAGBAA QAATAY OO CAR AKTANNADA SOO MARA AYAA LA YIDHI “ isaga oo ula jeeday in dadkan sheeganaya in ay xukunka shareecada oogayaan oo u dagaallamayaan, aanay xaq u lahayn arrinkaas. Yacnii in ay ka bililiqaysteen dadkii diinta wax ku xukunkeeda xaqa u lahaa oo ay qaateen wax aanay xaq u lahayn.

XAQIIQADA 6AAD

Diinta islaamka wuxu ilaahay u soo dejiyey dadka oo dhan.  Cid manabool ku haysan kartaana ma jirto. Qofkii Alle waafajiyo ee ku camal fala ayaa liibaanay aakhiro iyo adduunkaba. Waa raxmad Alle oo Alle siiyo cidda uu doono.  Ma aha alaabo la kala bililiqaysan karo.  Markaa ciddii lagu arko ayagoo diintii ku sita afka iyo gacmaha iyo oogada, waa in loogu hambalyeeyo nimcadaas weyn ee Alle ku mannaystay.  Haddii kale waxa aynu la mid noqonaynaa kuwii Alle ka yidhi:

أم يحسدون الناس على ما آتاهم الله من فضله ) )

“Haa, KOLLAYBA HADDII DIINTU QALBIGA KUUGU JIRTAY OO AANAY QANDI KUUGU JIRIN LAGAAMA BILILIQAYSAN KARO”.

 

  1. Sheekhu wuxu ku dheeraaday “xukunka gaalaysiinta” iyo firqadda khawaarijta.  Labadaas mawduuc wuxu sheekhu ugu duur-xulayey islaamiyiinta Soomaaliya iyo mujaahidiinta caalamka.  Sababtoo ah, hore ayaa muxaadarooyin isla mawaadiicdaas ku saabsan ay  u galeen  rag uu ka mid ahaa  Aw Janaqow.  Sheekhu muu odhan nimanka islaam-doonka ahi waa khawaarij, wuxuse ku dheeraaday in ay si qaldan u xukumaan gaalaysiinta. Laakiin dadkii caamada ahaa waxa galay ereyadii sheekhu aadka ugu celceliyey ee “khawaarij” iyo “takfiir”  ayadoo loo fahmay in uu shaambad saxeexid ah saaray fatwooyinkii Aw Janaqow iyo raggiisa. Arrintaasi waxay tahay sida xaqiiqda ah mid khatar badan oo ay dhiigga muslimiinta ku bannaysan karaan dad ujeedooyin lihi.

XAQIIQADA 7AAD

Qadiyadda takfiirka ama gaalaysiinta, isku si ayey u arkaan sheekha iyo qolyaha islaam-doonka ahi. Laakiin sheekha warkiisa ayaa kala dhinnaa oo si badheedh ah uga leexleexday meelo badan. Tusaale ahaan sheekhu kama hadlin xukunka:

1-      Qofkii dadka si joogto ah ugu baaqa, wax ka mid ah waxyaalaha diinta lagaga baxo

2-      Kooxdii difaacda oo u dagaallanta wax ka mid ah waxyaalaha diinta lagaga baxo

3-      Kooxda u kaalmaynaysa ayaguna kaashanaya gaalo duulaan ah. Gaaladaas oo caddaystay in ay ka hortagayaan isku xukunka shareecada islaamka iyo xukunka islaamka oo ku faafa dalalka deriska ah iyo caalamka.

Sheekhu wuxu ku dheeraaday waxyaalo isaga iyo qolyaha islaam-doonka ahi aanay isku diidanayn oo ah in laga fiirsado gaalaysiinta qofka shakhsiga ah xiitaa marka uu ku dhaco wax islaamka lagaga bixi karo. Sababtoo ah waxa jiri kara aqoon darro ama asbaabo kale  oo aan ahayn diin la dirirnimo. Taas sheekha iyo mujaahidiintu kuma kala duwana. Laakiin sheekhu waxa uu dadka moodsiiyey in ay nimanku gaalaysiinayaan cid kasta oo ku dhacda wax lagu gaaloobi karo, ayaga oo aan fiirinin bal in cudur-daarro jiraan iyo in kale.

 

  1. Sheekhu wuxu ku eedeeyey islaamiyiinta maamula gobollada ugu badan Soomaaliya, in aan la aqoon qaaddiyadooda oo aanay lahayn meel loogu soo hagaago. Taas oo uu ku sheegay arrin aan la ogolayn xagga diinta.

XAQIIQADA 8AAD

Sida aanu warbaahinta kala soconno, marka ay mujaahidiintu maamul u dhisaan gobol ama degmo waxay magacaabaan xubinta ugu sarraysa garsoorka degmadaas ama gobolkaas.  Sidoo kale intii aan arkay xukumo ay fuliyeen, waxa ku ladhnaa qaaddigii xukunka riday iyo sheekhyadii la socday. Markaa kollayba qofkii maxkamadda dani ka gasho wuu yaqaannaa qaaddiga uu u dacwoonayo iyo meesha uu ugu hagaagayo. Qofkii aan dani ka gelini na ma yaqaanno. Waxay ila tahay in sheekha qudhiisu aanu wada aqoonnin qaaddiyada dadka kala xukuma ee ka hawlgala magaalada Nayroobi iyo meelaha ay kala joogaan. Dabcan wuu aqoon karaa qofkii iyo meeshii ay dani ka gashay. Tanina waa noocaas oo kale.

GUNAANAD

Muxaadarooyinkan aynu faallaynay ee sheekh Umal jeediyey bishii juulay 2010, waxay ku suntanaayeen:

1-      Muxaadarooyin heerkoodu ku habboonyahay dad takhasus ama aqoon durugsan u leh diinta. Balse sheekhu wuxu si ku talogal ah ugu jeediyey dad isku dhexjira.

2-      Muxaadarooyinku intii ay waanu iyo wax sheeg ahaayeen, waxa ka badnaa intii ay ahaayeen dagaal siyaasadeed oo ficilo iyo rag iska celin ah.

 

Markaa sheekha walaalkay ah iyo culimada kale ee Soomaaliyeedba waxa aan Alle uga baryayaa in uu xaqa ku sugo. Waxanan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa arrimahan:

1-      Walaalayaal nimankaas islaam-doonka ah waxa la dagaalansan gaalo oo dhan. Waxay kula dagaallansanyihiinna waa diinta islaamka ee ay ku baaqayaan. Markaa haddii aydaan siinahayn hiilka ay xaqa idiinku leeyihiin, ha u nuglaynina cadowgooda. Ha noqonina idinku daabkii masaarta, kollayba jabkooda khasaare mooyaane faa´iido kama dheefaysaane.

2-      Muxaadaro kasta, maqaal kasta, bayaan kasta iyo fatwo kasta oo aad ku durtaan nimankaas islaam-doonka ah, waxay faraxgelinaysaa cadowga islaamka iyo cadowgooda, ayagana fallaadh dhabarkaga lagaga taagay ayey ku noqonaysaa.

Maxamed Xirsi Guuleed

abdibashir@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Si sawirka guud ee maqaalkani kuugu caddaado, sii akhri maqaalladii aanu sannaddo ka hor ka qornay isla mawduucan oo kale:

1-      Guuxa bulshada

2-      Dardarta guddiga musaalaxada, dareenbaa ka sokeeya 1 & 2

3-      Fatwadii la soo caddeeyey

4-      Masaajidkii lugooyada

5-      Dhardhaaradaha cadaawaha

6-      Qaska Soomaaliya, qarasbax miyaa mise waa qudhbax?

 

 

Wadaad diintii laga bililiqaystay

4 Responses

  1. Umal ilaahay hasoohanuuniyo iyo inta kale oo inxiraaftay

  2. islaan isku sheeg ayaa tihiin ma tihiin mujaahidiin. shabaab iyo sheydaan yaa dhagar badan? shabaabow ilaaheey ka cansada oo dadka aad dileeysaan iska daayo. aaqira iti la kulanka eebe soo kama cabsaneeysaan? teeda kala dhalinyarada aad marin habaabineysaan iska daayo. uga dambeyn, ma shiiq umal kaliix ayaa in kasoo horjeedo? shiiq maxamad idiris aaway, shiiq shibli aaway, shiiq baarud gurxan aaway? idinka ileen shiiq umal kalix miyaad taqaanaan mise waxaad umaleymeysaan in culimada kala idiin raacsantahay? culima aafeeysan kaliix ayaa idin raacsan sheydhaamiin yahoow. muslim la gowracaayo miyaa la dhahaa?

  3. Saciidnm@gmail.com sh umal waa sheeq diinta wax uqabtay oo ahlul khayr ah ilaah uga cabsada culimada hana lagu ixtiraamo diinta hadiikale fowdo ayay noqonaysaa wawassalaamu calaykum

  4. Gabadha xaydhka qabta kitaabka ma qaadi kartaa?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: