Xaalada Degmada Boondheere oo degan iyo Hogaamiyihii badalay Nuur daqle oo dhaawac soo gaaray u dhintay.

Waxaa maanta degan xaalada guud ee qaybo ka mid ah Degmada Boondheere, halkaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jireen Dagaallo u dhexeeya Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dhinac ah iyo Gaalada Yugaandha iyo Maleeshiyada Kooxda Riddada ah oo isku dhinac ah halkaas oo Ciidamada Mujaahidiinta ay Allaah Fadligiis guulo Milatari kasoo hooyeen.

Ma jirin wax dagaal fool ka fool ah oo maanta ka dhacay Degmada Boondheere marka laga reebo rasaas goos goos ah oo mararka qaarkood la isweydaarsanayay iyo Madaafiic haboow ah oo ay Saliibiyiinta Yugaandha iyo Burundi iska soo ridayeen kuwaas oo ku dhacayay goob ka fog fog halka ay Ciidamadu isku hor-fadhiyaan.

Ciidamo ka tirsan “Liwaa Cali Ibn Abii Daalib”  ee ka howl gala Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir ayaa fariisimo ka dhigtay Safaaradii hore ee Talyaaniga ilaa Xaruntii Degmada Boondheere, Halka Ciidamada Saliibiyiinta Yugaandha ay fariisin ka dhigteen Isgoyska Boondheere, Waxaana hakad ku jira dhaq dhaqaaqa Madaxtooyada Kooxda Riddada maadaama ay Ciidamada Mujaahidiintu si toos ah u toogan karaan cid walba oo dhex socota gudaha Madaxtooyada.

Dhanka kale Waxaa gelinkii hore ee maanta ku dhintay Isbitaal Madiino Sarkaalkii hogaaminayay Maleeshiyada Kooxda Riddada ah ninka lagu magacaabi jira “Shiine Raage”, kadib markii uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay qaybo ka mid ah Degmada Boondheere.

Shiine Raage ayaa la wareegay hogaaminta Maleeshiyada Riddada ah ee loo qorsheeyay inay dagaallo ka huriyaan degmooyinka waqooyi ee Muqdisho kadib markii uu dhintay hogaamiyihii hore Maleeshiyadaas “ Nuur Daqle” kaas oo ay Mujaahidiintu ku dileen 11/7/2009  dagaal ka dhacay agagaarka Hotel Global ee Magaalada Muqdisho.

Dhimashada  Horjoogahan ayaa dhabar jab weyn ku ah Kooxda Riddada ah, maadaama uu ahaa Sarkaal ku xeel dheer ururinta Maleeshiyo beeleedka iyo ugaarsashada cid walba oo ay ka muuqato Diinta, howshaas oo uu faraha kula jiray mudadii shanta sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: