Beeraha Tubaakada oo laga mamnuucay Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo.

Ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ayaa bilaabay howl galo ay ku baadi goobayaan Beeraha uu ku yaalo geedka “Tubaakada” kaas oo ay hore amaro lagu mamnuucayo beeristiisa ay u soo saartay Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo isla markaana waqtigii loo qabtay in lagu joojiyo uu soo idlaaday. 

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo “Sh.Bashaar Aadan Xasan” ayaa warbaahinta u sheegay in inta aanan amarka lagu mamnuucayo Tubaakada lasoo saarin ay ka horeysiiyeen wacyi gelin loo sameeyay bulshada ku dhaqan Wilaayada Gedo kuwaas oo loo sharxayay dhibaatada ay leedahay Tubaakada iyo inay tahay wax maanka doorinaya, wax walba oo maanka dooriyana ay yihiin sidii Khamri oo kale.

Ciidamada oo howl galkooda uu ka bilowday dhamaan degmooyinka Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ayaa gacanta kusoo dhigay ilaa 4 beerood oo ay ka baxaysay Tubaakada kuwaas oo ku yaallay degmada Baardheere, waxaana jira dad lagu soo qabtay iyagoo ku hawlan beerida geedka Tubaakada oo la dhigay Xabsiga Degmada Baardheere.

Wilaayada Gedo, gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa lagu yaqaanaa inay tahay goobta ugu weyn ee laga beero geedka Tubaakada oo ah wax maanka dooriya, waxaana jira dadaal ay wado Wilaayada Islaamiga ah kaas oo lagu doonayo in lagu joojiyo beerida geedkaas aan dhibka maahane dheefta lahayn isla markaana booskiisa loogu beeri lahaa waxyaalo anfac u leh ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: