Masuulka ugu sareeya Maktabka Diiwaanka Zakada oo maanta la magacaabay.

Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta magacaabay Masuulka ugu sareeya Xafiisyada Diiwaanka Zakada ee ka howl gala dhamaan Wilaayaadka Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoo masuuliyadaas loo magacaabay “Sh.Suldaan Maxammed Aala-Maxammed.

Madaxa Siyaasada iyo Xiriirka Wilaayaat-ka Islaamiga ah “Sh.Xuseen Cali Fiidoow” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya ay ku guuleysteen inay hirgeliyaan Shareecada Islaamka isla markaana ay soo nooleeyaan “Rukniga Zakada” kaas oo Bulshada inteeda badan ay iska iloowday hirgelintiisa.

Sheekh.Xuseen Cali Fiidoow ayaa sidoo kale sheegay in Xafiisyada Diiwaanka Zakada ee ka howl gala Wilaayaat-ka Islaamiga ah ay wax weyn ka qabteen arimaha Zakada, iyagoo ugu dambayntiina ku guuleystay in Zakada laga qaado dadka Hantida leh ee ay ku waajibtay loona celiyo dadka Fuqarada ah ee mutaystay, Halkaasna ay kasoo baxday isku fillaansho weyn oo ay gaareen inta badan bulshada ku dhaqan Wilaayaat-ka Islaamiga ah.

“ Dadka Muslimiinta ah markii Zakada ay bixiyeen waxaa laga raystay Hay’adihii gaalada ahaa ee dadka ku gumaysan jiray Galleey iyo Qamadi dhacay, Dadkii hantida lahaa Allaah ayaa u barakeeyay oo roobab iyo barwaaqo ayay heleen, kuwii Fuqarada ahaana Allaah ayaa asturay oo maanta qaar badan oo sanadkii hore Fuqaro ahaa ayaa xoolo dhaqanaya ama beero falanaya kadib markii ay nasiib ka heleen Zakadii sanadkii hore la qaybinayay” Sidaas waxaa yiri Sh.Xuseen Cali Fiidoow. Sh.Xuseen Cali Fiidoow ayaa ugu dambayntii ka codsaday Xafiisyada Diiwaanka Zakada ee ka jira Wilaayaat-ka Islaamiga ah iyo dadka Muslimiinta ah inay la shaqeeyaan Sh.Suldaan, isagoo dhanka kale Sheekha Allaah uga baryay inuu shaqadiisa kula garab galo.

Sh.Suldaan Maxammed Aala-Maxammed ayaa si weyn loogu xusuustaa sidii uu sanadkii lasoo dhaafay ugu dadaalay uruurinta iyo qaybinta Zakada xilligii uu ahaa madaxa dacwada iyo Tacliimta Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/Hoose, taas oo Allaah Fadligiis wax weyn ka tartay daboolida baahidii ay qabeen dadka Fuqarada ah ee halkaas ku dhaqan.

Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee ka hana-qaaday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa si weyn xooga u saaray soo nooleynta Rukniga “Zakada” kaas oo inta badan dadka Muslimiinta ah ay iska dayaceen, waxaana soo nooleyntiisa kasoo baxday in Malaayiin dad Muslimiin ah oo ku dhaqan Wilaayaat-ka Islaamiga ah ay kasoo kabtaan Faqriga in muda ah daashaday una soo jeestaan inay wax istaraan, Arintaas oo durbadiiba ay saamaynteeda qireen Gaalada isku magacawday Qaramada Midoobay kadib markii ay taqaariir ay ka diyaariyeen Soomaaliya ay ku sheegeen in beerashada Koonfurta Soomaaliya ay sii kordhayso sidaas daraadeedna ay sii yaraanayso baahidii loo qabay waxa loogu yeeyo Macaawinada Caalamiga ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: