Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo oo maanta ka warbixisay waxyaalihii u qabsoomay bishii “Rajab” ee dhamaatay.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo oo maanta shir jaraa’id u qabtay bahda Saxaafadaka ayaa ka warbixiyay waxa ugu muhiimsan howlihii u qabsoomay bishii lasoo dhaafay ee “Rajab” iyo guud ahaan xaalada guud ee ay ku sugantahay Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo. 

Sh.Bashaar Aadan Xasan Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ayaa ugu horeyntii sheegay in bishii Rajab ee dhamaatay ay ku guuleysteen inay dib usoo celiyaan Xoola nool oo lakala dhacay horaantii sagaashameeyadii, arintaas oo dacwadeedu ay socotay in ka badan 3 bilood balse ugu dambayn lagu guuleystay in la xalliyo.

Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ayaa bishii Rajab ee dhamaantay waxay ku guulaysatay inay qabanqaabiso Dowro Diini ah oo soconaysay mudo 15 maalmood taas oo loo qabtay dadka Muruq-maalka ah sida: Xamaaliyaasha iyo Harqaanleyda ka shaqaysta Magaalda Baardheere, Dowradaas oo sare loogu qaadayay aqoonta ay dadkaas u leeyihiin Diinta Islaamka.

Waaliga ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo ay la qaateen Culimada, Nabadoonada iyo Ganacsatada Wilaayada Gedo, iyadoo la is weydaarsaday talooyin iyo tusaalayaal ku saabsan sidii loosii xoojin lahaa ammaanka iyo barwaaqada ka jirta Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo, kulamadaas oo ay xigtay in dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Baardheere, Ceel Waaq, Garbahaareey, Luuq iyo Baled-Xaawo ay maalin qura isku soo baxaan si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xaalada hada lagu jiro.

Ugu dambayntii Sh.Bashaar ayaa sheegay in Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ay ku jirto Xaalad Xasillooni ah midi ugu wanaagsanayd ee soo marta, iyadoo shacabka Muslimiinta ah ee Wilaayada ku nool ay dareemayaan Ammaan iyo kala dambayn aad u fiican, isla markaana ay meesha ka baxday dagaaladii sokeeye ee inta badan dhiiga fara badan uu ku daadan jiray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: