Idaacad Islaami ah oo markii ugu horeysey shalay laga hirgeliyay Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud.

Waxaa shalay si rasmi ah loo hiregliyay Idaacad Islaami ah oo fadhigeedu yahay Magaalada Ceel Buur ee Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud, taas oo loogu tala galay inay adeegyada dhanka Warbaahinta ah ka haqab tirto Bulshada ku dhaqan Wilaayada Galgaduud iyo nawaaxigeeda. 

Idaacadan oo ah nuuca FM-ka, faracna ka ah Idaacadaha islaamiga ah ee “AL-ANDALUS” oo hada ka howl-gala Wilaayooyinka Baay &Bakool iyo Jubooyinka, ayaa waxaa Furitaanka faraca cusub ee magaalada Ceel Buur ka halday masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Hogaanka Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kan Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud, waxayna dhamaantood ku dheeraadeen Muhiimada ay Idaacadan Islaamiga ah u leedahay bulshada gobolada Dhexe gaar ahaan kuwa Galgaduud.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab “Sheekh Cali Maxamuud Raage” oo ka hadlay furitaanka Idaacada ayaa wuxuu ugu horeyn u mahad celiyay Allaah Subxaanahu watacaalaa, kadibna ragii isku howlay inay suurta geliyaan mashruuca Idaacada Islaamiga ee Gobolada dhexe, isagoo kusii dhiira geliyay inay u dhabar adaygaan abuuritaanka Warbaahin Islaami ah oo ka hortagta cudurro-maskaxeedka ay faafinayaan warbaahinta Reer galbeedku.

Waaligii hore ee Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka “Sheekh Abu bakar az-zaylic” oo isaguna kalimad ka jeediyay furitaanka Idaacada ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay maanta xilli baraarug ah ku jiraan, ayna tahay wax lagu farxo in wax walba oo xumaan ahaa maanta lagu badalayo wax wanaagsan, sida “ Shaneemooyinkii iyo qaawanaantii dumarka oo lagu badalay Xijaab iyo asturnaan, Xukunkii xeer jajabka ahaa iyo Dimuqraadiyadii oo lagu badalay Xukun Islaami ah oo ku dhisan shareecada Islaamka, Idaacadihii reer galbeedka ee baahin jiray afkaarta iyo ajandayaasha gaaladu leeyihiin oo iyagana lagu badalayo Idaacado Islaami ah oo ku shaqeeya mabaadii’da Diinta Islaamka.…iwm”.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduu Sheekh Yuusuf Sh.Ciise Axmed “Kaba-kutukade” oo isaguna hadlay ayaa sheegay in howl-gelinta Idaacadan cusub ay hadiyad u tahay shacabka Galgaduud ee geesiyaasha ah kuwaas oo in badan oo ka mid ah wiilashooda u huray sidii ay u difaaci lahaayeen Diinta Islaamka, iyadoo ay dadku baahi weyn u qabeen Idaacad Islaami ah wuxuuna sheegay in Magaalda Ceel Buur ay nasiib u yeelatay in Idaacada ay Xarun u noqoto.

Idaacada Islaamiga ah ee “AL-ANDALUS” Faraceeda Gobolada Dhexe ayaa waxay 24-kii saac oo walba hawada ku jiri doontaa 16 saacadood, iyadoo baahin doonta Qur’aanka Kariimka ah, Duruus Diini ah, Muxaadarooyin, Warar kala duwan, Warbixino, Suugaan Islaami ah iyo barnaamijyo kale oo fara badan oo loogu adeegayo bulshada Muslimka ah ee reer Galgaduud.

Waa markii ugu horeysey oo Idaacad Islaami ah laga hirgeliyo Wilaayada Galgaduud, arintan ayaana qayb ka ah dadaal fara badan oo ay bixinayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab kaas oo looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada Muslimiinta, isla markaana looga difaaci lahaa Duullaan Maskaxeedka ay wadaan Warbaahinta ay leeyihiin reer Galbeedka balse ku hadasha Luqada Soomaaliga ah, sida BBC iyo VOA, kuwaas oo dhaqaale fara badan lagu bixiyo si ay si joogta ah ugu faafiyaan warar iyo warbixino ka dhan ah danaha Diinta iyo dadka Muslimiinta ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: