Sarkaal katirsan xukuumada ridada oo Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ugu Hambalyeeyay Weeraradii ay Kampala ku qaadeen Eedayna u Jeediyay Taliska Saliibiga AMISOM.(Dhagayso Sarkaalka Codkiisa)

Sarkaal katirsan Ciidamada Dowlada ridada ah ayaa markii ugu horaysay sheegay in uu ku faraxsanyahay weeraradii lagu hoobtay ee dhawaan ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

 

 Wax dhif iyo Naadir ah ayay aheyd in xubin katirsan xukuumada murtad shariif uu ku dhiirado in ay  xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ugu hambalyayso weeraradii cuslaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Kampala xilli murtadiinta xukuumada ridada ah ay AMISOM kula taliyaan xasuuqa lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho.

Mid kamida Saraakiisha Ciidanka DKMG ah ee dhawaan Tababarada kusoo qaatay dalka Uganda ayaa sheegay in uu Indhihiisa saaray Taliyaha Ciidanka Yugaandha ee Muqdisho ku sugan oo Oohin Afka la taagaya sababa laxariirta dadkii Kampala lagu laayay.Dhagayso Sarkaalka

 Waxaan arkay Taliyihii Tababarka noogu qaaday Yugaandha oo ku Ooyaya Xerada Warshadda Nac Naca ee Muqdisho waxaan ku iri maxaad u ooyee dadka laydinka laayay miyaa ka fiican kuwa Soomaalida ah ee aad Muqdisho ku laysaan wuxuu iigu jawaabay arrintan waa mid u taal caalamka” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyay.

Isagoo u waramayay Idaacadda Alfurqaan ee Muqdisho ku taal ayuu sarkaalkani sheegay in uu ku faraxsanyahay baroorta kasoo yeertay shacabka Uganda “Inkastoo aan kasoo horjeedno shabaab hadane way naga wadaniyadsanyihiin, meelaha ay maamulaan shacabka laguma dilo laakin anaga ciidanka aan la joogno madaafiic ayay ku laayeen shacabkii soomaaliyeed sidaas darteed Hambalyo ayaan leeyahay cid kasta oo u aari karta shacabka soomaaliyeed”.

 Waxaa la weydiiyay su’aal aheyd hadii aad shacabka u naxayso maxaad ugasoo tegi weysay meesha aad joogto?, “waa run in aan la joogo cadaw waxaana isku arkaa calooshiis u shaqayste laakin wixii jira waa in aan sheegnaa, anaga dhawaan ayaan Tababar soo qaadanay wax walba oo dan u ah umadda ayaan ku dhaqaaqaynaa balse shacabka Soomaaliyeed ha ogaadaan in AMISOM ay tahay cadaw”ayuu warkiisa sii raaciyay sarkaalkan.

Wuxuu intaasi ku daray in AMISOM aysan doonayn in DKMG ah awood ku yeelato dalka balse ay doonayso in ay qandaraaska Mareyka iskasii wadato dadkana duqaymo ku layso “Nimanka AMISOM ah ma doonayaan in ay dowladu awood yeelato anagoo saraakiil ah ayaa codsanay in dagaalada Muqdisho lasoo afjaro oo kooxaha nagasoo horjeeda maalin qura cagta lamariyo, saraakiisha AMISOM waxay noo sheegeen in sida hadda wax u socdaan ay fiicantahay si ay qandaraaskooda joogta u noqdo”.

Waa Markii ugu horaysay oo uu sarkaal katirsan DKMG ah sheego in uu ku faraxsanyahay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Kampala oo ay Shabaabul Mujaahidiin ugu aar guday shacabka Muqdisho ee Xasuuqa shisheeyaha Uganda joogta u noqday.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: