Degmada salagle oo ka tirsan wilaayada islaamiga ee jubada hoose ayaa Xukun Qisaas ah ku filisay nin 45 sano jir kadib markuu gabar muslimad kufsi iyo dil u gaystay

Maxkamada Islaamiga ah ee Degmada Salagle oo ka tirsan Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa shalay gelinkii dambe waxay Xukun qisaas ah ku riday nin lagu magacaabo “Maxamed Aadam Gaabeye” oo ku magac dheer “Faanoow” da’diisuna tahay 45 Sano,kaas oo fal Kufsi iyo Dil isugu jira u geystay Hooyo Muslimad ah.

Ninka la qisaasay ayaa maalmo kahor waxaa gacanta kusoo dhigay Ciidanka Xisbada Degmada Salagle kadib markii laga war helay falka Naxdinta leh oo uu ka geystay Tuulo hoostagta Degmada Salagle, waxaana baaritaano dheer kadib uu qirtay inuu Kufsi iyo Dil isugu daray Haweeneey lagu magacaabi jiray  ” Xaawo Xassan Maxammed” oo ahayd Hooyo ka tagtay 4 Caruur ah oo mid ka mid ah ay Xambaarsanayd xilligii uu u gaysanaayay falkaa foosha xun.

Maxkamada Islaamiga ah ee Degmada Salagle ayaa xaqiijisay in Caafimaadka gacan-kudhiigluhu uu wanaagsanyahay, kadibna eheladii haweeneyda la dilay ay codsadeen in loo qisaaso ninka gabadhooda dilay, sidaas daraadeedna Maxkamada Islaamiga ah ay go’aamisay in xukun qisaas ah lagu rido.

Masuuliyiin sare oo uu ku jiro Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ‘Sheekh Abuukar Cali Aadan’ Qaadiga Maxkamada Islaamiga ah ee Jubooyinka, Waaliga Degmada Salagle, Qaadiga Maxkamada Islaamiga ah ee Degmada Salagle iyo Boqolaal dadweynaha Degmada ayaa iskugu yimid fagaaro weyn oo ku yaalla degmada Salagle halkaas oo uu ka dhacayay Xukunka Qisaasta ah.

Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysteen inay si buuxda u hirgeliyaan Shareecada Islaamka taas oo horseeday in ay meesha ka baxaan falal isugu jiray Kufsi,Dilal bareer ah, Dagaallo sokeeye, Isbaarooyin fara badan iyo boob hantiyeed, falalkaas oo ay si joogto ah ula kulmi jireen dadka shacabka ah ee dhulkaas ku dhaqan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: