War Deg Deg ah: Qaraxyo gilgilay Kampala oo ay ku dhinteen Ilaa Sodomeeyo ruux oo u kala dhashay dalalka Maraykanka,Itoobiya iyo Uganda iyo Khasaaraha dhimashada oo kor u sii kacaya.

Labo qarax oo aad u culus ayaa gilgilay magaalada Kampala xarunta dalka Uganda ayada oo la soo sheegayo in qaraxyadaani ay geysteen khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayada oo tiarada dhimashaduna ay illaa iyo haatan kor u sii kacayso.

Qaraxyadan oo la xaqiijiyey in ay sababeen dhimasho gaaraysa illaa Sodomeeyo ruux ayaa la soo sheegayaa in mid ka mid ahi uu ka dhacay Makhaayad ay Ethiopian-ku ku lahaayeen xaafadda Xabashadi ee ku taala Koonfurta magaalada Kampala halka midka kalena uu ka dhacay Naadiga Ciyaaraha Rugby-ga oo xiligii ay qaraxyadu dhacayeen lagu daawanayey ciyaarihii aduunka ee u dhaxeeyeyn dalalka Holland iyo Spain.

Afhayeen u hadlay Booliiska magaalada Kampala oo lagu magacaabo Kale Kayihura ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyey in qaraxyadaan oo waqti yar kala dambeeyey ay sababeen dhimasho iyo dhaawac aan illaa iyo hadda la xaqiijinkarin tiradooda.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay dhici karto qaraxyadaan in ay ka dambeeyeen Islaamiyiinta Soomaaliya asaga oo sheegay in makhaayadda Itoobiyaanka ee la bar tilmaamaystay ay daliil u tahay in qaraxyadan ay Islaamiyiinta Soomaaliya ka dambeeyeen.

Safaaradda Marakaykana ay ku leedahay magaalada Kampala ayaa sheegtay in Muwaadin Maraykan ahi uu ku bakhtiyey qaraxyadan halka ay sadex kale oo muwaadiniin Maraykan ahina ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaga Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibaatada loo geystay reer Kampala, Afhayeen u hadlay Aqalka Cadna waxa uu sheegay in uu wadankiisu diyaar u yahay wax kasta oo caawimaad ah oo ay xukuumadda Uganda uga baahato.

Qaraxyadan ka dhacay magaalada Kampala caasimadda dalka Uganda ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay in ay mas’uul ka yihiin waxana ay qaraxyadaani ku soo aadayaan maalmo yar ka dib fariin cod ah oo uu soo diray Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Abu-Zubeyr , Fariintaas oo uu Amiirku baaq ugu diray Shacabka reer Uganda in ay ayagu qaadi doonaan cawaaqib xumada ka dhalata duqaynta ay ciidamdoodu u geystaan shacabka Muslimka ah ee Muqdisho ku nool.

Lama xaqiijin karo in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay Qaraxyadaan ka dambayso iyo in kale, hadii ay Xarakadu sheegato Qaraxyadaan waxa ay qaraxyadani noqon doonaan howlgalkii ugu horeeyey ee ay Xarakadu ka fuliso goob ka baxsan dalka Soomaaliya, Dagaalka u dhexeeya Muslimiinta iyo Gaaladuna waxa uu gali doonaa Waji cusub waxaana soo daahiri doonta Quwadda ay Mujaahidiintu u leeyihiin in ay cadowga gurigiisa garaacaan.

Inbadan oo ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala kulmay duqayntii iyo xasuuqii ciidamada AMISOM ayaa ku qalbi fayoownaan doona arinkaan ayada oo ay markaasna Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay kaga dhabeeyeen balan qaad koodii ahaa in ay u aar gudi doonaan Shacabkii ay AMISOM Muqdisho ku xasuuqeeny.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: