Sheikh Cumar Faaruuq Shalay Iyo Maantay Iyo C/laahi Yusuf Iyo Sheikh Sharif (Dhagayso)

Taariikhdu Cajiib waxaana ku wareeray Nin aan war haynin ama wax dhagaysan ama wax akhrin Xafidahulaah Sheikh Cumar Faaruuq wuxuu soo saaray Fatwo Bishii Janaayo 28 sanadkii 2007  xiligaas oo Dowladii C/laahi Yusuf iyo Gumaystayaasha Itoobiya ay cagta Mariyeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa, Sheikh Cumar wuxuu Fatwadiisa ku sheegay in Galaada aan la kaalmaysan karin oo ay xaaran tahay wuxuu intaas raaciyey in qofkii kaalmaysta Gaalada in uu la mid yahay oo Diintii ka baxay. 

Shalay Iyo sheikh Cumar Faaruuq. Janaayo 28/2007:

Sheikh Cumar wuxuu si toosa u weeraray hadalka ka soo yeeray C/laahi Yusuf oo ahaa Maraykanku in ay Koonfurta Soomaliya Dukheeyaan xaq ayey u leeyihiin, si kasta ha ahaato Bahda SomaliMidnimo.com waxaa ka go’an In ay soo bandhigto Xaqiiqada dhabtaa ayada SomaliMidnimo.com aan ku xadgudbayn  Culumada iyo Shakhsi kasta oo Soomaliya laakiin waa warbaahin xor u ah in ay sii dayso Xaqiiqada dhabtaa Arinta aan ka Sheegnay Sheikh Cumar Faaruuq Fatwadiisii Janaayo 28 sanadka 2010 si aad u dhagaysato Halkaan ku dhufo ama Guji.

Maantay iyo Sheikh Cumar Faaruuq  July 10/2010

Sheikh Faaruuq Waraysi ay la yeesheen Radio Muqdishu oo Dowladda Federalka ah leedahay ayuu ka sheegay in Gaalada sida Ciidamada la keenayo ee IGAD ay yihiin Akhyaar  Shiikha oo arintaas ka hadlaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa ” Haddii Caruur Dirirto in Akhyaartu Soo kala Dhexgasho wax dhiba ma lahan” Sheikh Cumar wuxuu tusaalo u Soo qaatay Jamaal C/naasir in uu yiri marla weydiiyey sababta uu u kaalmaysanayo Midowgii Soofiyati Wadamadii la isku oran jiray ee Shuuciga ahaa Sida China naha wuxuu yiri Sheikh Cumar ” Jamal C/naasir ayaa yiri Gaal iskadaaye Waxaan kaalmaysanaynaa Shaydaan marka Ibliis waa la kaalmaysan karaa. Hadalkii Sheikh Cumar Faaruuq si aad u dhagaysato Halkaan ku dhufo ama Guji.

Hadalkaan Sheikh Cumar ka soo yeeray ayaa ka hor imaanaya Bayaankii Culumada Ictisaamka oo ay ku Sheegeen in Aan Ciidamo Shisheeye loo baahnayn dhinaca kale waxay   eed dusha oga tuureen Xarakaatka Islaamigaa, Umadda Soomaliyeed ayaa ku wareertay Culumada Soomaliya oo soo saaraya Fatwooyin iska hor imaanaya Shacabka Soomaliyeed ayaa aad ugu wareeray Culumada waxayna qaarkood tilmaamayaan in aysan arintaan Diin ahayn ee ay Tahay Nin Tooxsi  ama Nin jeclaysi halka qaar kalana tilmaamayaan in ay Qabyaaladdii Culumadu ka digi jirtay ay Salka la gashay Fatwooyinku ama Shaki Qabyaaladeed laga dhan dhansatay Fatwooyiinkii Culumada.

Culumada Aan ka hadlin Iska Hor imaadka Sheikh Cumar Faaruuq

Culumada Soomaliya ugu waa weyn oo ka hadli jiray khaladaadka ka kadhaca Xarakaatka Islaamigaa iyo Shakhsiyaadka ayaan wali ka hadlin hadalka Sheikh Cumar Faaruuq, Waxaa dad badan xasuustaan weeraradii lagu Qaaday iyo Cajaladihii laga duubay Xarakada loo yaqaano “Salafiya jadiid” iyo “Islaaxa” Xarakada Salafiya Jadiid loo Yaqaano oo ayagu magacaas diidan ayaa waxaa weeraray Sh Mohamed Abdi Umal 1996  oo Cajalado badan ka Duubay Culumada Xarakada Salafiya gaar ahaan Sheikh C/qaadir Cukaashe.

Xarakada Islaax ayaa waxaa weeraray Culumadooda Sheikh Mohamud Shibbile wuxuuna si gaara wax oga Duubay 1999  Dr Ibraahim Dasuuqi Iyo Sheikh Ahmed Qudubi, Dr Saciim0 oo uu sheegay in ay tahay gabar Isla markaana uusan wax badan ka soo qaadaynin hadalkeeda, sida la wada ogsoon yahay ma yara isa sixidda Khaladaadka Culumada Soomaliya Waana Taariikh u baahan in wax laga qoro. hase yeeshee ma dhicin Xarakada Ictisaam oo wax sixi jirtay in ay  khaladaadka ay galayaan saxaan ama xaqqa Shacabka Soomaliyeed u cadeeyaan.

Sheikh Mohamed Abdi Umal oo bishii nasoo dhaaftay ee June la hadlayey Soomalida dagan Dalka Maraykanka Gaar ahaan Gobalka Minnesota ayaa waxaa la weydiiyey Bayaankii Ictisaam wuxuuna Shiikhu carabka ku dhuftay Go’aamadii ka soo baxay in aan la oran karin waa wada saxan yihiin hadana wuxuu meesha ka saaray in Sheikh Jaamac C/salaam Warsame uusan Xaq u lahayn in uu Culumada Ictisaam ku tilmaamo in ay Adduunyo ka doorteen Aakhiradoodii, Shiikhu si cad uma  cadayn qodabada uu u arko in ay ku khaldameen Ictisaam.

Sheikh Hassaan Hussein Aadan ayaa ka duubay 24 cajal oo DVD ah Qodoabadii Ictisaam wuxuu kaloo ka hadlay Shiikhu fatwooyinka wadaada Ictisaam soo saarayaan iyo sida ay Niyadda u Jabinayaan Muslimiinta ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Amisom, Sheikh Mohamud Shibille ayaa asna Risaala ka qoray Kitaab uu horay u Qoray Sheikh Hassaan Hussein, Sheikh C/qaadir Cukaashe oo safar ku Minnesotada  ku yimidna wuxuu ku tilmaamay Xarakada Ictisaam in ay yihiin Firqo daalaa oo ka leexatay Manhajkii Salafiga, Sheikh Cukaashe wuxuu intaas ku daray in ay yihiin Murji’o ama Murji,  waxaana magacaas laga wadaa Xarako Aamisanayn in aan qof diinta islaamka soo galay uusan Gaaloobi karin iimaanka qof kasta oo muslim ah iyo Malaa igaha iyo Abuubakarna ay isku mid yihiin macsi iyo dambi kasta oo qofku uu sameeyana Diinta uusan ka  baxaynin ama uusan gaaloobaynin.

Culumada Masaajidda haya iyo Ducaad badan ayaa u fata xaytay in ay la dagaalamaan xarakaatka Islaamigaa sida ay Qortay Warbaahinta Reer Galbeedku sida Associate Press, Luuqaddii xarakaatka Islaamigaa ay isku adeegsan jireen oo Ahayd waa Khawaariij ayaa socon weyday.  kadib markii la soo qufay Xarakaat kale oo ka khatarsan Khawaariij Si Murji’o ama Murji, Luuqadda hadda la isticmaalayo ayaa ah tan Madaxweyne Bush uu soo saaray 2001 oo ah Argagaxiso ama kuwa loogu yeero (extremists) oo laga wado kuwa Asal raaca ah taas oo loola jeedo macno ahaan Suubanaheena Nabi Mohamud SCW kuwa raaca Raadkiisa iyo Asal ahaan Risaaladii uu la yimid.

Ma ahan SomaliMidnimo.com in ay been ka sheegayso laakiin Imaam Sheikh Abdi Mahad ayaa saas ku dhawaaqay Waxaana daabacday Associate Press Qoraalka  SomaliMidnimo.com ka qortay ama ay turjuntay akhri, Sheikh Abdi Mahad waa wadaad Siiro 10 Daqiiqo ka akhrin jiray Masaajidka loo yaqaano 6th Street ee Magaalada Nairobi Xaafadda Islii oo  iimaamka uu ka yahay Sheikh Mohamed Umal bahda SomaliMidnimo.com ayaa xasuusata Sheikh Abdi Mahad In uu Siirada iyo Jihaadka ku boorin jiray Shacabka Soomaliyeed macada in Macnaha Asal raac uusan fahmin  Sheikh Abdi Mahad iyo in kale hase yeeshee hadalka uu adeegsaday ayaa saas ahaa. 

Qoraal ka hadlaya Sheikh Abdi Mahad iyo Sheikh Osman Sheikh iyo Sheikh Mohamed Idiris oo Associate Press ay qortay Bahda SomaliMidnimo.com ay Turjuntay si aad u akhri Halkaan ku Dhufo Ama Guji

Waxaa ka Qayb Qaatay Qoraalka
Maxamed  Xaamud
MUQDISHU
SOMALIMIDNIMO.COM

Isha Warka SOMALIMIDNIMO.COM

2 Responses

  1. walalaha shabakada somalimidnimo ad ayaan oogu faraxsanahay wax yaabaha ay noosoo gudbiyaan horey u socda masha allah.

  2. hi all of u mashallh u done evrey thing the somali needs so i have to make som right thnik and allah with u slaam.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: