Saliibiyinta Ethopian ah oo Toboneeyo odayaal muslimiin Soomaali ah ku Xasuuqay tuulo udhow degmada Caabud waaq ee gobolka galguduud.

Kufaarta Ethopian ah  ayaa maalintii shalay Toboneeyo odayaal ah waxay ku Xasuuqeen tuulo lagu magacaabo Ceel dibir oo ku taala meel udhow Xuduud beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Ethopia.

Wararka halkaas naga soo gaaraya ayaa sheegaya in dadka la Xasuuqay oo gaarayeen 12 ruux  oo dhamaantood ahaa Odayaal dhaqameed kasoo jeeday degmada Caabdudwaaq,waxayna halkaasi u tageen sidii Ciidamada Ethopia ay kala xaajoon lahaayeen gawaari Xamuul oo ay lahaayeen dad soomaali ah,kuwaasi oo ay qabsadeen dhoor maalmood ka hor.
Degmada Caabud waaq ee gobolka galguduud ayaa waxaa ka taagan Xiisad xoog leh,waxaana degmadaas laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan dadka deegaanka.
Mid kamid ah dadka deegaanka Ceel dibir oo khadka teleefonka kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay  in Xasuuqaas uu qeyb ka yahay olole dhawaan Saliibiyiinta Ethopia ay kusoo qaadeen deegaanada ku yaala Xuduud beeneedka wuxuuna sheegay  in Ciidamada Ethopianku ay wadaan tacadiyo iyo gabood falo baahsan.
“  Nimankaas baryaan oo dhan ayay halkaan olole kusoo qaadeen waa bakhi weeyaan,waxa alaala iyo wixii khamri cabi jiray ee Addis Ababa joogay ayaa halkaa la keenay,dadkana way gumaadayaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deeganka.

xasuuqaan ayaa ku soo aadey iyadoo bishii aynu soo dhaafnay shacab badan oo muslimiin ah ku xasuuqeen deegaanka buuhoodle markii ay gawaari sidaan oo kale iyo hanti badan ay ka dhaceen . 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: