Hooyo Soomaaliyeed oo Ka damqatay Bayaankii Ictisaamka markay soo dhaweeyeen ciidan shisheeye in wadanka la keeno waxayna ka tirisay GABAY UMU SAFFA

Umu Saffaa, Khadiijo markay maqashay sheekh Ictisaam ah oo leh hala soo dhoweeyo ciidamada gaalada ah ee Shisheeye bay tirisay labo tuduc oo gabay ah.

Kan koowaad

Ictisaamka waa laga cowdoo, ceeb horlaa timiye
Cadowgii Shisheeyey rabaan, inaan Ciseynaaye
Caalamkay wareegaan sidii, ciidan noo maqane
Habda kii cimaamado watay, calan u qaadaane
Cuur baa Bahuukiyo la shira, Buushka caaqa ahe
Cudud siiya bay leeyihiin, Cuud nimaan geyine
Cadowgii haddaad caawiseen, waa cawaannimo’e
Cilmigaad lahayd abid haddaad, caaysha ku gadaneyso
ee aad u caasiyi raggaas, calanka noo qaaday
Idinkaa cabsoodee carriga, meel usii carara

Waxay ku sii dartay qayb kale oo horay u tirisay markii Garoowe ay ka soo saareen bayaan ay kaga hadlayaan qaraxii masaajidkii Xamar. Waxay tiri:

Bayaankaad akhrineysaba waa been la soo qoraye
Buhuukaa Ilsaamaad waddaan beelo soo dhaaftay
Baroordiiqda shacabkeenna waad kuba badhaadhaane
Bulqankiinnu wuxuu soo baxaa balo markay yaacdo
Gobollada Badhaadhuhu ka jiro waad ka baydhaane
Maxaad uga baqoosheen runtii baadi baa maqane
Bildhaan quruxsan baa muuqatee bohol ha noo qodina
Cadowgii baqoolyoo mar hore waa la baacsadaye
Idinkaa balaayada wadee bohol ha noo qodina
Babartaa jihaadeysa baan baal ka joognaaye
Bayaankiinna idinkaa qortee buuraha la aada

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: