Nin Jasaasuus u ahaa Dowladda Itoobiya oo lagu qisaasay magaalada Baydhabo Gobalka Bay

Wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa xukun Xad ah ku fulisay Nin ku sugnaa magaalada Baydhabo lagu helay fal basaasnimo ah oo ka dhan ah shacabka Muslimiinta ah iyo wilaayada Islaamiga ah.

Munaasabad balaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacday fagaare ku yaal magaalada Baydhabo ayaa lagu qisaasay Ibraahim C/qaadir Xasan oo lagu helay in uu basaasayay Dowladda Itoobiya oo cadawtooyo u haysa shacabka Soomaaliyeed.

Boqolaal Shacab ah ayaa usoo daawasha tegay munaasabadii lagu qisaasayay dembiilaha u adeegayay cadawga Umadda Soomaaliyeed, qaali ku K/xigeenka wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool Sheekh Aadan dheere oo shacabka lahadlay ayaa sheegay in Ninka laqabtay muddo 3 bilood ah xaqiijin lagu weday markii dambana ay cadaatay in uu Saraakiil itoobiyaan ah u basaasayay.

Ibraahim C/qaadir Xasan oo ah Ninka Basaasnimada lagu helay ayaa in mudda ah deganaa magaalada Baydhabo balse markii ay Shabaabul Mujaahidiin la wareegtay Bay iyo Bakool ayuu kamid noqday shaqaalaha sirdoonka Itoobiya.

Ciidanka Amniga qaabilsan ee wilaayaadka Islaamiga Koonfurta Somaliya ayaa ku guulaystay in ay ogaadaan dadka sida qarsoodida ah ula shaqeeya CIA-da,Itoobiya,Yahuuda,Kenya iyo dhamaanba Dowladaha la dagaashan Islaamka.

Wilaayaadka islaamiga Shabeelaha Hoose iyo Banaadir ayaa dhowr mar xukuno ku fuliyay Jawaasiis si qarsoodi ah ula shaqaynayay shisheeyaha qaska ka wada dalka Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: