Nin Fal Naxdin leh ka geystay Tuulo hoostagta Degmada Salagle oo Gacanta lagu soo dhigay.

Ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa gacanta kusoo dhigay nin Gacan ku dhiigle ah kaas oo fal iskugu jira Kufsi iyo Dil u geystay Haweeneey Muslimad ah oo ku nooleeyd Tuulo hoostagta Degmada Salagle ee Jubada Hoose. 

Ninka Falka geystay ayaa lagu magacaabaa ‘ Maxamed Aadam Gaabey’ oo ku magac dheer “Faanoow” da’diisuna tahay 45 Sano, Halka haweeneyda uu dhibaateeyay lagu magacaabi jiray ‘ Xaawo Xassan Maxammed’ oo ah Hooyo ka tagtay 4 Caruur ah oo mid ka mid ah ay Xambaarsanayd xilligii la uu u gaysanaayay falkaa foosha xun.

Ninka gacan ku dhiiglaha ah ayaa Haweeneyda Muslimada ah wuxuu ugusoo galay Beer ay ku lahayd Tuulada hoos tagta Degmada Salagle mudo hada laga joogo 11 maalmood, isagoo markii uu si qasab ah u fara xumeeyay kadib isla goobtii ugu geystay Fal Dil ah, arintaas oo uu qirtay kadib markii ay Ciidamada Xisbada gacanta kusoo dhigeen.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ‘ Sheekh Abuukar Cali Aadan’ oo la hadlay Saxaafada ayaa u sheegay in ninka Falka geystay hada lagu hayo Xabsi ku yaala Degmada Salagle, dhowaana lasoo taagi doono Maxkamad Islaami ah si loogu qaado wixii ay Shareecada Islaamku ka qabto.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Salagle iyo Guud ahaan Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayay la yaab ku noqotay dhacdada noocan oo kale, maadaama mudo ku dhow laba Sano oo ay Mujaahidiintu ka ariminayeen Goboladaas aysan dhegahoodu maqal dhacdooyin tan la mid ah, Dhulkuna uu yahay Mid ay cid walba isku aamini karto.  

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: