Jamaacada Ictisaam iyo Jalaafaynta Jihaadka.(Tariikhda Madaw ee Ictisaam).

Bacda Salaan walaalayaal waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa qoraal kooban oo aan kaga hadlayo kooxda Ictisaam oo beryahaan danbe dhibaato ku haysa Jihaadka iyo Mujaahidiinta iyaga oo cadawga kufriga qiil u samaynaya Mujaahidiintana aflagaadeeya dadkana ka reeba jihaadka waxaa qoraalkan igu dhaliyey kadib markaan arkay in kooxdaan xawaaraha ay ku socodaan uusan caadi ahayn iyo ka dib markaan arkay wixii ku qornaa Bayankii ugu danbeeyey.

Kooxda Ictisaam ee fadhigeedu yahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ayaa soo saaray Bayaan ay ku cadaynayaan in wadanka haddii gaalo qabsato aysan shaqo ku lahayn iyaga oo eedeyn dusha uga tuurey wiilashii Mujaahidiinta ahaa ee wadanka ka difaacayey cadaw kasta oo ku soo duula iyo shacabka,kooxdaan ictisaam ayaa taariikhdooda madaw lagu xasuustaa

1.duullaankii uu Mareykanku ku soo qaaday Soomaaliya iyaga oo dhalinyarada u diidey in ay ka qayb qaataan Jihaadkii lala galay Mareykanka iyo xulufadiisi laakiin waxa arinkaas diiday dhalinyaradii Jihaad doonka ahayd iyagoo ka bar bardagaalamayey hogaamiyihii SNA General caydiid oo isaguna dagaal kula jirey isbahaysigaas.

2.Waxaa lagu xasuustaa markii ay Itoobiya qabsatay gobolka Gedo in kooxdaan Ictisaam ay hubkii iska dhigtay kalana dirtay Mujaahidiintii difaacaysay dhulka Muslimiinta wixii ay Itoobiya ka samaysay Goboladaasna waa la ogsoonyahay in ay Masaajiddi ay u bedeshey Shaneemooyin Aflaamta xun xun lagu daawado Kutubtiina saxarada laysaga tiro musqulona lagu gurey, Gabdhihii cafiifaatka ahaana la kufsado ka dhagayso arinkaas Sh shariif Cabdinuur kitaabka Buluuqmaraamka cajilka 24 ama cajilka 35aad,kana aqri kitaabka uu qorey sheikh Cumar Iimaan Tajrubatul Maxaakim..

3.Waxaa lagu xasuustaa kooxda Ictisaam markii Ashahaada ladirirkii culimada gadanayey lagula dagaalamay Muqdisho in ay nadawaad qabteen kuna tilmaameen dagaal fitno ah aysanna banaanayn in laga qayb qaato alqaatilu wal maquulu na ay finnaar yihiin,laakiin macal asaf markii ilaahay guuleeyey Maxaakimtii Islaamiga ahayd oo ay muqdisho la wareegeen waxay tageen Muqdisho iyagoo boorsooyin la ordaya waxayna raadsadeen jagooyin  halka dhanka kalena ay kuraastoodii ka ka sodsanayeen Cabdullaahi Yusuf oo Baydhabo ku xayiran iyaga oo dalbaday in lala heshiiyo Cabdullaahi Yusuf waxna lagu darsado iyagoo og in Itoobiyaan ay Cabdullaahi Yusuf Baydhabo ku waardiyeynayaan.

4.Markii Maxaakimtii islaamiga ahayd ey soo faaftey fikirkoodii inhizaamiga ahaana la qaadan waayey oo Cabdullaahi Yusuf wax lagu darsan waayey waxa ay bilaabeen in ay soo dirsadaan wafdi laba qaybood ah qayb kasocotey Waqooyi Galbeed (Somaliland) iyo qayb ka socotey waqooyi Bari (Puntland) hadafkooduna uu ahaa sidii loo kala jebin lahaa Mujaahidiinta oo dhaliyaradii ka soo jihaad tagtey goboladaas loo celin lahaa ama tashuush loogu furi lahaa arinkaas Allaah wa dhantaaley guulna kama gaarin Allaahna sharkoodi wa ka kaafiyey Mujaahidiinta, arintaas waxaa idaacadaha u cadeeyey oo dadka dhan ay dhegeysanayeen sheekh weyn oo mar la yiri maamulkii uu ka soo tagay wuu ku xirayaa maadaama aad Muqdisho aadey ayuu ku jawaabey maamulku in uu abaal marin isiiyo weeye hadduu ogaado hawshii aan meesha kasoo qabanaayey dhalinyaarada ayaan furfuraayey.

Markii isku daygaasi fashilmey Maxaakimtina sidii daad ugu soo fidayaan deganadaas waxay bilowdey jamacadaan in ay shirar qabato iyada oo ku fekertey in ay samayso ciidan wadaado ku sheeg ah oo la dagaalama Maxaakimta iyagoo shirar telefoonada ugu qabtey taageerayaashooda dibadda si ay qarashka usoo bixiyaan waxaan xasuustaa mid hogaamiyaashooda ka mid ah oo xamar aksoo hadlaayey aya la weydiiyey wax hub ah mahaysataan?markaas ayuu yiri hubkii waataan iska aasney laakiin god libaax lafo lagama waayo isagoo markaas ka atcziyeynaya weerarkii odey Cabdullaahi lagula beegsaday Baydhabo aadna uga xun eedeyna u jeedinaya Shahiid Adam Cayraw taqabalahullaah iyagoo abaabulkaas ku jita ayaa isla markiiba waxaa yimi Itoobiyaanki oo kasoo degey Gaalkacayo maalinkaas ayaa neef kasoo baxdey ilaa hadda hal sheekh oo ciidankaas ka hadlay ma jiro iyadoo weliba isla maalinkii uu yimi uu magaalada gaalkacayo ku diley laba nin, dad goob joogayaal ah ayaa sheegey in quraan saar loo sameeyey ciidankii tigreega laakiin hawshaas waxaa dusha laga saarey suufiyada in ay ku koobneyd laakiin ma filayo in kuwaana haddii loo yeero ay  diidi lahaayeen.

5.waxa lagu xasuustaa taariikhdooda madaw iyo garab kabaxa muslimiinta markii maxaakimta laga saarey magaalooyinka oo dadka islaamnimadu ku jirto murugo awgeed ay wareersanaayeen iyagu wa qoslayeen iyaga oo odhanaya meeqaan lahayn jooga warkayagi ayaa la diidey haddii nalala tashan lahaa waxaan ma dhaceen iyo hadallo la mid ah waaba iyagoo waafqay qolooyinkii Allaah noogu sheegey quraanka.

{إن تصبك حسنة تسؤهم وان تصبك مصيبة يقولوا قد أخذنا أمرنا من قبل ويتولوا وهم فرحون }

لَّذِينَ قَالُوا لِإِخْوَانِهِمْ وَقَعَدُوا لَوْ أَطَاعُونَا مَا قُتِلُوا قُلْ فَادْرَءُوا عَنْ أَنْفُسِكُمُ الْمَوْتَ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ }

waxayna bilaabeen in ay wufuud u dirsadaan Amerikaa ,Europe,Carabaha iyagoo dadka u sheegaya in Mujaahidiinta laga jaro taakuleynta si ay ugu hogaansamaan awaamirta iyagoo dadka ku odhanaya waxay diideen culimadi cilmiga lahayd haddii culimada la diidona masiibaa dhacaysa laakiin dadka uma sheegin waxa lagu diidey raggaan qofkii xog ogaal u ahaa nimankaan xaalkooda iyo dibindaabyada ay muslimiinta ku hayaan dheg uma dhigin bal waxay xasuusteen ficilkii Cabdullaahi ibn salool ee ahaa biilka halaga jaro Nabi muxamad scw iyo Asxaabtiisa si ay u kala cararaaan oo Madiina uga qaxaan markii ay gaajoodaan Allaah ayaa ku sheegey suuratu munaafiquun

(هم الذين يقولون لا تنفقوا علي من عند رسول الله حتي ينفضوا و لله خزائن السموات و الارض ولكن المنافقين لا يفقهون ).

Rag dhalinyaro ah ayaa weydiiyey nimankii wafdiga ahaa ee Europe loo direy mar ay shir ku qabteen meel ka mid ah wadamada scandnifiyaanka, sheikh hadalka iyo dacaayadda iska dhaaf jihaadka ma ku jirtaan mase kuma jirtaan? kadibna wuxuu sheegey in ay ku jiraan weliba wuxuu ku faanay ciidan tababaran oo tayo leh oo xamar jooga oo kooda ahayn in uusan jirin arinkaasna waxuu aha kidbi iyo iftiraa hal wiil kama joogin, markii ay arkeen warkaan in uu shacabku yeeleyn xaqiiqadana la ogyahay in ay nimankaan dagaalamin mujaahidiintuna guul soo hoyeen ayay waxay sameeyeen kooxdii jiis ama jabiso oo weliba ay magacooda kala carareen laakiin si aan toos ahayn u hoos tagaysay si ay dhiiggooda ugu tuugsi tagaan laakiin jabisona hadda ogaatey maxay ku tuugsi tagi doonaan,qofka mu’minka god laba jeer lagama wada qaniino nimankaan waxay ka baayac mushtaraan dhiigga mujaahidiinta mar ay Mujrimiinta kaga soo qaataan qandaraaska la dagaalanka mujaahidiinta iyo mar ay dadka muxsiniinta ah kaga soo urursadaan jihaad ayaan ku jirnaa waa laba afleeye.

6.Markii dagaalkii qarxay oo macrakadii shidantey oo dagaaladi ugu qaraaraa ay muqdisho ka holcayeen kooxda Ictisaam waxay Nadawaad kuqabnayeen Boosaaso iyagoo mindi dhabarka ka gelinayay Mujaahidiinta oo fataawooyin ka dhan ah soo saarayay kuna gabanaayey magaca Culimada, ilaa haddana nadwadaas waxay ku jirtaa webabka ay isticmaasho kooxdaasi.

 7.Markii cadawgii Itoobiya lagu jebiyey saaxada jihaadka oo uu u adkeysan waayey weerarada mujaahidiinta  Soomaaliya uuna bilaabay qaabkii uu uga carari lahaa, kooxdaan waxay ka mid noqotey haraadigii hagar daamada cadawga waxaana jabuuti loogu sameeyey wax loogu yeerey Alwifaaq(alnifaaq) oo ah majlis culimo ku sheeg oo la mid ah kii Ciraaq loo sameeyey 2006kii markii Mareykanka iyo xulafiisa jabeen majlisu culama al ciraq oo lagu dhisey qadar waxaa xasuusin mudan qadar iyo jabuuti in ay yihiin labada xarumood ee mareykanku uu ka haga dagaalka uu kula jiro caalamka Islaamka labadaas majlisba hawshii loo direy wa bilaabeen laakiin kuwii soomaaliya wa ku fashilmeen,kooxdaan Alwifaaq aya ka koobneyd kooxo isbahaystey laakiin kala hadaf ah waxaana masuul ka ahaa soona agaasimay kooxda ictisaam iyaga ayaana madax looga dhigey laakiin waxaa ku jirey islaax,salafiyatu sufahaa(salafiya jadiida),Suufiyo,Aala sheekh Majmac,kaaba qabiilayaal,wax lagu sheegey mufakiriin.

Kooxdaan hawsheedii ugu horeysey waxay damacdey in ay afgembi ku qabsato ciidamadii maxaakimta ee gudaha ka dagaalamayay iyagoo bayaankoodi ugu horeeyey ku sheegey in ay la wareegeen ciidamada muqaawamada madaama ay  is khilaafeen hogaamiyaashii ay hoostagayeen(shariif iyo sh xassan daahir) laakiin isku deygaas waxaa bacdallaah fashiliyey sheekh Xassan daahir iyo sheekh Cumar iimaan Allaah ha dhawree iyagoo la socdey shirqoolka.

Marlabaad ayay isku dayeen in ay saaxada ka muuqdaan waxayna iclaamiyeen shir in ay Yaman ugu qabnaayaan labada garab ee Asmara iyo Jabuuti isku daygaasna fashil ayuu ku dhamaadey.

Kooxdaan bayaankoodii ugu horeeyey waxay ku sheegeen Xukuumaddi Cabdullaahi yusuf in ay tahay Xukuumad riddowdey  si ay shacabka isaga dhigaan niman diinta ka run sheegaya Culimona ah iyagoo horey iyo gadaalba u diidi jirey in xukuumadda gaalnimo lagu sheego ilaa maantana arinkaas way la taagantahay kooxda ictisaam  laakiin laajiifshaana banaan markii ay arkaan in la jabiyey raggii ay difaacayeen gaaladina nacdey ayay sheegayaan xukunka islaamku ka qabo bal shariifna waxaan sugeyna inta gaaladu kasoo tuureyso oo qashinka ku dareyso sheki igagama jiro in ay kasoo saarayaan fatwo tii Cabdullaahi yusuf la mid ah.

8.Markii Ciidankii Isbahaysiga kufriga ee Itoobiya hogaaminaysay ay ka carareen wadanka Shariifna uu soo korey Taangigii laga dejiyey Abdullaahi Yusuf kooxdaan waxay iska xaadiriyeen Hotelada Muqdisho iyagoo Boorsooyinkoodi wata 2 sano ee jihaadku socdeyna aan cag soo dhigin Muqdisho waxayna ka bilaabeen in ay eedeeyaan Mujaahidiinta nadawaad ay ku canbareynayaan mujaahidiintana ay qabtaan mujaahidiinta Allaah khayr hasiiyo arinkaas dulqaad ayay ka muujiyeen dantooda ayayna ka raacdeen loomana jawaabin markii ay arkeen in hawshaasi soconweydey waxay qabteen mudaharaat oo dadka ayay isugu keeneen stadium Muqdisho waxayna dadkii ka qaadeen bayco ah in aan la jihaadin qofkii jihaad sheegana ay dilaan oo iyagu iska qabtaan.

 9.Markii sheekadaas raqiiskaa ay socon weydey shacabkii soomaaliyeedna uu tawxiidku lafahooda galay macaanka jihaadkana dhadhamyey warkaas ay dheg u dhigi waayeen waxay bilaabeen in ay dhahaan wa xaraan in la weeraro Amisom waxaa idaacadaha ka dhawaaqey oo dadkoo dhan maqleen raiiska shirqoolka oo dhaaranaya oo dhahaya wallaahi in aan janno lagu tageyn jihaad lagu qaado gaal soo duuley oo qabsaday dhul muslimiin.

 

10.Markii kooxdaasi wax qaban weydey waxay u habar wacdeen intii ka maqneyd iyo dad wanaagsan laakiin ghaflatu saalixiin ay qaaddey badankoodna markii ay cayaarta fahmeen ka tawbad keeneen kana harey shirqoolkaas sida sheekh jaamac Cabdisalaam oo si geesinimo leh oo cadeeyey qaladkii ay galeen  laakiin rag badan aya markii ay fahmeen in ay ku qaldameen meesha is adkeeyey qaladkooda isku dayey in tabriir u sameeyaan shirkaas waxaa magacii looga bedeley kooxdii wifaaq(nifaaq) ee fashilantey waxaana loo geliyey shaati weyn oo ka culus kii hore iyagoo isku magacaabey hay’adda culimada Soomaaliyeed,shirqoolkaasna fashil ayuu ku dhamaadey markii arinkaas Allaah uu fashiley nimankii way kala dhuunteen mid Europe iyo Galbeed ka dhaca mid Jabuuti u carara mid suudaan iska dhiiba mid bosaso iyo hargeysa ka dhaxeeya  haad geed waayey ayaa Allaah ka dhigey intaas wixii ka danbeeyey raggii kale waa amuseen laakiin kooxdii filimka atooraha ka ahayd ayaa saaxada kusoo hartey hadda ayay sifiican warkoodii u cadaysteen iyagoo magacoodi saxa ahaa ku xamaalanaya magacyadii been guurkana meel iska soo dhigey.

Waxaan filayaa shacabka soomaaliyeed in ay hadda fahmeen dheesha shaxda waxa warkooda la diiday in ay Culimo ahayn ee ey yihiin koox siyaasi ah oo manaasib ka raadsanaysa maamulada daba dhilifka ah ee Itoobiya u adeega rabana in ay diinta been ka sheegaan oo magic diimeed baadilkooda ku banaystaan.

 

Kooxda Ictisaam maxay u qabteen bulshada Soomaaliyeed?

Kooxdaas taariikhda ka gashey baalka madaw markii wax qabdkooda la fiirsho waxaa la sheegaa in ay dadka tawxiidka bareen oo jahligi ka saareen iyagoo in badan arinkaas lagu amaano, laakiin waa amaan aan waxba ka jirin waxayna ka faaiideysteen bulshada oo aan taariikhda aqrin,tawxiidku wuxuu soo gaarey dalka soomaaliya inta uusan gaarin Madiina waana markii Asxaabtu usoo hijrootey dhulka xabashida sanadii 5aad ee nabinimada laakiin markii jahli yimi dadkuna ay shirkiyaat iyo khuraafaat la yimaadeen diinta khilaaafsan waxaa Allaah fadligiis jaziiratul carab ka istaagey jamaaco muwaxidiin ah oo dadka tawxiidka iyo asalka diinta bareysa kulana dagaalamaysa waxaana jamaacadaas hogaaminayay sheikh muxamad Cabdilwahaab raxmatullaahi calayhi Allaahna uu sabab uga dhigey in uu ku badbaadsho dad badan kadib markii ay dhiigooda u daadsheen in Allaah la waxido,waqtigaas aya dacwada saxiixa ah boorka laga jafay soomaaliyana ay soo gaartey waxaa arintaas cadaynaya sheikh Cabdiraxmaan Xassan sheikh muxamad cabdilwahaab(saaxibu fatxulmajiid) isagoo sheegey in dacwatu tawxiid ay soomaaliya ay gaartey weliba ay xoog ku leeyihiin Ahlu tawxiidku …………ka fiiri kitaabka durarka juzka 9aad safxada 254,,,,,,,,,,,sida muuqata waa qarni iyo bar ugu yaraan .

Sidoo kale sheikh nuuraddiin cali colow wuxuu kitaabu tawxiid alifey 1960 kii raggaan hadda doonaya wax aysan usoo rafaadin dhaqaalena uga bixin in lagu amaano waqtigaas waxay ahaayeen badankood suufiyaal qabuuriyiin ah oo meelahaas waliimaysta iyo kuwo u shaqeeya dawladdii shuuciga ahayd ee wadanka ka jirtey markii dawladdii dhacdey ayaa waxaa la heley jaanis xukuumadda sacuudigu ay fangareyneysay rag badan oo jamaacada ictisaam ka mid ah ayaa waqtigaas ku biirey iyagoo adduunyo doon ah waana kuwa maanta marin habaabiyey kooxdan waxaad aragteen muxaadaraatka ay qabtaan waa adduunyo isku boorin iyo in la ilaawo aakhiro sida iyagoo had iyo jeer dhaha dhalinti aan tarbiyeyney wadanka ganacsi ayay u qabteen oo shirkad walba waa kaas nin wadaad ah uu leeyahay iyagoo shabaabka ku tartan siinaya in adduunyo uun loo xoogsado dhanka kalena jihaadka ku tilmaamaya dib u dhac iyo is halaagid inta yar oo jihaadka waddana had iyo goor ugu yeeraya in ay masaajida fariistaan oo maamulada dawaaqiida ah ay waraaqaha u qoraan kii ka diidana uu ayhay majnuun aan caqli lahayn.

Waxay aad u dhaleeceeyaan manhajka ay sheegtaan ee dacwatu tawxiidka ah iyo ehelkiisa bal mujadadkii waqtigan sheikh Muxamad Cabdilwahaab iyo manhajkiisi dacwadeed dib haloo daraaseeyo iyo culimadii manhajkaan usoo halgantey aqriya rasaail najdiyyah,Durar saniyyah, mualafaat sheikh Muxamad Cabdilwahaab iyo Cabdiraxmaan ibn Xassan waxaad ogaanaysaa in nimankaan ay ka daranyihiin raggii sheekhaas kazoo horjeedey ee dacwadaan tawxiidka ku haystey sida Dauud ibn jarjiis al mushrik.

Kutubta sheekha usuulu thalaatha iyo kitaabu tawxiid oo aan si fiican loo sharaxin ayay dadka ku jaah wareeriyaan inta kalena way ka qariyaan maxaa yeeley waxa iyaga liddi ku ah ayaa ku qoran.

 

 

Kooxda Ictisaam iyo Siyasadda Maanta

Ictisaam sidaan horey usoo sheegey weligood waxay kasoo horjeeden in jihad la galo ama dawlad islaami ah la raadiyo iyagoo geeri ka cabsanaya waxayna xoogga saareen sidii ay ay uga muuqan lahaayeen siyaasadda sidaas daraadeed waxay hoos galeen maamulada daba dhilifka ah ee Itoobiya u adeega waxa ay ku jiraan DKMG ah oo waziiro iyo sharci dejinba ka yihiin,waxay dhexfadhiyaan soomaaliland iyo Puntland oo xero Itoobiya noqotey maalinkastana shacab ku gumaada dhulkaas qofkii ay rabaana waqti yar ay ugu gudbiyaan kamana hadlaan tacadi kasta oo 3 daas maamul ay geystaan waxaa ugu danbeeyey xasuuqa Muqdisho iyo kii Buuhoodle welina mahayno kooxda Ictisam oo kalimad ka sheegtey bal taas bedelkeeda waa u mashxaradeen waxaana umadda oo dhan dawaatey oo Tv yada laga soo daayey markii xasuuqa Buuhoodle socdey in ay Itoobiya Xabsi ay Shacabka muslimkaa ku xirxirto uga furayeen Garoowe ninkii wasiirka isku shegaayey ee meesha ka hadlaayey waa ictisaam weliba hogaamiyaashooda sare.

 

Waxqabadkii ugu danbeeyey ee Ictisaam.

Kooxda Ictisaam wax qabadkii ugu danbeeyey ee taariikhdooda mugdiga ah waxaa ka mid ah:

1.Shirkii Garoowe ee uu isugu yeerey Faroole looguna tala galay in lagu canbaareeyo Mujaahidiinta, Amisom na la sharciyeeyo Itoobiyana Xabsi(safaarad) looga furo Garoowe waxad ogeydeen in shirkaas loo sameeyey ciidan waardiyeeya oo Puntland ay ciidan ku wareejisay,sida aynu ognahay dadka la waardiyeeyo waa dad tuug ah umaddana denbi ka galay arintaas waxay muujinaysaa in Ictisaam uu ku biirey danbiilayaasha dalka gubaya isweydii yaa laga waardiyeynayaa haddii ay dariiqoodii ku socdaan saan looma waardiyeeyeen.

Shirkasta oo ay qabtan waxay u geliyeen dharqurxoon waxay dhahaan manhajkii nabiga scw ayaan dadka ugu yeeraynaa waa sunadii ibliis markii uu qaldaayey Nabi adam cs iyo xaawo wuxuu ugu magac darey macsiyadii geedka waaridda iyo boqortooyada(shajaratul khuldi wamulkil laa yablaa), laakiin soomaali wax fahamtey geed maro loo saaro yeelimayso dadku wa ogyihiin in manhajkii nabiga scw uu ahaa jihaad iyo dacwo isla socda ee uusan ahayn daawaaqiida oo la hoos joogo, jihaadka oo laga haro lana dhaleeceeyo,adduunyo iyo nolol jaceyl oo lagu tartamo laguna faano.

2.Wax qabadka madaw ee Ictisaam waxa ka mid ah In ay safaarad ku sheeg cadawga Itoobiya uga fureen Garoowe maalmo kadib shirkaas markii uu dhamaadey arintaas waxa yara iftiimiyey sheikh Abraxman Abyad maqaal gaaban oo uu ka qorey.

3.Wax qabadka Ictisaam waxa ka mid ah in ay cadawgi Itoobiya u gacan geliyeen mujaahidiinti Soomaaligalbeed oo manta aan arkeyno hogaamiyaashii jihaadka oo cadawgoodi hoos jooga lana dhaanteynaya iyo wiilashii mujaahidiinta aha oo darees cadawga loo xirey dhaqan celisna loo furey berrina shacabka muslimkaa lagu gumaadayo iyagoo arintanna magaca u qurxiyey oo ugu yeerey Hudnah ama xabad joojin daliilna uga dhigtey heshiiskii barakaysnaa ee xudeybiya laakiin wa kala fogyihiin isdhiibkan qaawan iyo huddanadii barakasyneyd ee Nabigu scw galay qofkii siirada dib u aqriya qodobadii heshiiskii xudeybiyana dul istaaga wuu arkayaa qodobada badankood in ay muslimiinta u fiicneyd halkii qodob ee muhaajirka in laso celiyona Allaah aya waxyi ugu sheegey nabiga scw in ay dhib gaarsiinayn ee Allaah faraj u bixinaayo waana u baxshey oo qisadii abubasiira iyoAbu jandal way ka muuqataa.

4.Waxa wax qabadkooda ka mid ah in ay barakeeyeen TV ga cadawga ah ee Universal markii uu ka qayb qaatey afla gaadeynta suubanaheena TV gaas oo la ogyahay anshax xumada iyo dhibaatada uu shacabka ku hayo iyagoo danaynaya shilimaadka ay ka urursadaan TV gaas .

5.Waxaa ka mid ah waxqabadka Ictisaam in ay difaacaan ciidaha jaahiliga ah sida maalinta xornimada,maalinta haweenka,maalinta jacaylka,maalinta hooyada,maalinta dhallaanka mardhawna qariib ma aha in aan aragno iyaga oo difacaya Ciidaha gaalada sida kirismasska.

6.Bayaankoodii ugu danbeeyey waxay ku sheegeen in cadaw ga soo duulaya ay masuul ka yihiin shacabku iyaga oo tabriir u sameynaya in wadanka Gaalo qabsato fuleynimadoodana sii iclaansanaya laakiin shacabku wa ogyihiin cidda wadanka gaalo ka difaacda iyo cidda barakaysa cadawgii itoobiya ee wadanka qabsaday ayay lahaayeen markii jihaadku socdey “shabaabaw hubka dhiga kadib itoobiya aan weydiinno ma waxad u timaadeen in aad na qabsataan mase in aad nabadda ilaalisaan”,hadalkaas waxa yiri ragga ugu waaweyn jamaacadaas laakiin soomaali isma weydiin, marka dadka garaadkoodu intaas yahay waa la ogyahay in aan shacabku ku tashanayn haddana waxa bayaankaan u direy oo soo saara yiri sayidkooda kadib markii ay arkeen cadawgu sida shacabka muslimkaa ee soomaaliyeed ugu diyaarsanyahay la dagaalanka gaalada iyo in ay qaali iyo raqiisba u bixinayaan diintooda iyo dalkooda arintaas waxay ka arkeen isu soobaxee dhawr beri ka hor ka socdey wilaayaatka Islaamiga ah Allaah ha baaqi yeelaa.

7.In Kooxda Ictisaam lagusoo darey wax loogu yeerey Cilmi baaris waxa ay baaraana aan la aqoon iyagoo magacyadooda ka ilaashada in la arko si hadhaw shacabku u qabsan maxaa yeeley fuley xantiis ma mooga wa is ogyihiin in ay qayb ka noqdeen cadawga dhibka ku haya umadda Soomaaliyeed.

Intaasu waa qodobo kooban oo aan ku eegayay tariikhda mugdiga ah ee Jamaacada Ictisaam.

Markii aan kooxda ictisaam ka hadlayo ma lihi qof kasta oo ka mid ah jamaacada ayaa hawshan ku jira laakiin waa manhajka jamaacada way jiraan dad khilafsan arimahan Waxaana rajaynayaa in ay ka bari noqdaan wadada qaldan ee ay nimaankaani kuwadaan wax macsiyo ahna aysan ku adeecin.

Wabillaahi Tawfiiq.

 

Abu-khadaab As-soomaali

One Response

  1. asalamu alleykum warahmatulahi wabarakatu uku horeentii waxaan umahadcelinaa alle oo naga dhigay dad islaam ah balse waxaan fahmi weynay nimcada oo alle nasiiyay waxan ahay wiil dhalinyaro ah oo kunool wadanka china waxana kabarta jamacada waxana marwalibo kufagaraa sida aan dinteyda iyo wallalaheyga islaamka iyo wadankeyga wax uku qaban lahaa balsw waxa wadanka kasocdo waaa wax aan dhihi garo waa fitno umada dhimaneyso waa shacab aan wax kalabsan qof ashahadanayo in ladhilo janada lakuma galo qofkii tilana waxa uu kafaganeyn malinta qiyaamo shahada sida aan lasocono saxaabi saxaabta kamit ah ayaa waxa uu qabtay mit gaal ah islamarkiba galkii waxa uu uu dhahay shahadada saxaabikina waa uu dilay waxa maqlay nabigena nabadkalyo gorkisa ha ahatee isla markiiba waxa uu ukujawabay malinta qiyaamo shahdada intaat kakaleysaa
    wadankena waxa galada soogaliyay waa anaga wana ognahay taas qof dideyso malahan wadan islaam ah in dadkisa aat xasuuqdaan ama aat kutilmamtaan waxa uu yahay jaajus ama fikirkeyga ayaa uu kasoo horjedaa waa mit aan islamka shaqo kulaheen
    shabaabna waxa aan is dhihi garaa waa dad dano kale wato hada aniga waxan idin dhihi lahaa figir kale la imada tan wax soconaa mahan wadan kena waxa galada ukusari garnaa waxa ay tahay in dhalin yaradena wax baratay aan wadanka u dhibno

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: