Bakhtigii AMISOM oo wadooyinka Muqdisho la soo tubay iyo Haweenka Muqdisho oo ku digtay Jabka Cadowga ka soo gaaray dagaalka (Daawo Sawirada Bakhtigooda).

Xilli uu soo gaba gaboobay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay degmooyinka C/Caziiz iyo Shangaani ee magaalada Muqdisho ayey soo baxayaan khasaara xoogan oo shisheeyaha ka soo gaaray dagaalkii shalay.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho ayaa saaka lagu arkayaa  Bakhtiyada Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda oo si xun ugu jabay dagaalkii ay shalay ku qaadeen fariisimaha ay Mujaahidiintu ka joogeen Shangaani.

Shacab caraysan ayaa saaka ku yaacay Bakhtiyada ciidamada shisheeye ee Uganda oo la soo dhigay wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Baar Ubax.

Haween iyo dhalinyaro aad ugu faraxsan jabka gaaray shisheeyaha ayaa isugu soo baxay wadooyinka waxayna daawaneey Bakhtiga shisheeyaha.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta oo shacabka kula hadlay isgoyska Baar Ubax ayaa ubalan qaaday in ay shisheeyaha uga aargudayaan xasuuqa ay shacabka ku hayaan.

Bakhtiga Askar Ugaandhiis gubtay ah ayaa lagu arkayey wadooyinka Muqdisho sidoo kale waxaa wadooyinka lakeenay qaybo kamid ah taangigii ciidanka AMISOM shalay looga gubay degmada C/Caziiz.

 

 

Mid kamida Haweenkii u soo daawasho tagtay Bakhtiga AMISOM oo lahadashay SomaliMeMo ayaa muujinaysa farxadda ay u qabto guusha Mujaahidiinta iyo caradeeda ku aadan AMISOM.

“Allaahu Akbar Allaahu Akbar hadaan nahay haweenka Muslimaadka ah ee Muqdisho ku nool waan ku faraxsanahay jabka gaaray gaalada iyo gaala raacyada, guusha Mujaahidiinta alle ayaa  siiyey markii ay ka run sheegeen Jihaadkooda waxaan Indhahayna ku wadaawanaynaa gaalkii Gafuurka weynaa oo gubtay waa kuwii madaafiicda nagu garaaci jiray ilaahow Mujaahidiinta guuleey, umadda Muslimka ah ee Muqdisho ku dhaqan waxaan ugu baaqayaa in ay is garab taagaan Mujaahidiinta qofkii kun shilin oo Soomaali ah heli kara haku bixiyo jihaadka” ayay tiri umu Naciima oo SomaliMeMo kula hadashay Baar Ubax.

Dadka ayaad aad u Takbiirsanayey markii ay arkeen Bakhtigii Darawalkii Taangiga lagubay oo isagoo shiilmay yaal Baar Ubax shaki kuma jiro in Darawalkii Taangiga ee Bakhtigiisa la arkay uu dad badan ku laayay madaafiic.

Arrinta la yaabka leh ayaa waxay aheyd markii ay goobta soo buux dhaafiyeen Odayaal Garcadayaal ah kuwaas oo gacanta kor u lulayay iyagoo Takbiirsanaya.

 
Muuqaalka wadooyinka Muqdisho sida Wadnaha,Warshadaha,30-ka ayaa lagadheehan karay farxad waxaana socda qaban qaabada dagaal oo ay wadaan shacabka magaalada Muqdisho iyo xoogaga Mujaahidiintu.

Sumcadda geesiyaasha Islaamka ayaa kor u sii kacaysa waxaana meel walba oo Muqdisho katirsan laga hadal hayaa jabkii soo gaaray shisheeyaha iyo maleeshiyaadka DKMG ah.

Inkastoo Mujaahidiintu ay Fadliga ka helayaan Allaah agtiis hadana shacabka saaxada Xamar jooga aad ayey ula dhacsanyihiin iska caabinta ay wadaan xoogaga Mujaahidiinta ah.

 

 

Waa Markii ugu horaysay taariikhda oo wadooyinka Muqdisho lagu arko Kaarayaal shisheeye oo gubanaya kadib markii ay dagaal lagaleen shacabka iyo Mujaahidiin Islaamiyiin ah.

Maleeshiyaadkii SNA oo kaashanayey shacabka Muqdisho ayaa sagaashameeyadii ka adkaaday quwado duulaan ku soo qaaday magaalada Muqdisho waxaana weli Baar Ubax iyo Black Sea yaal taangiyadii laga gubay Mareykanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2 Responses

  1. I am in accordance completely

  2. Some revealing blog post!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: