Ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga Banaadir oo Toogtay Nin Burcad ah oo dhibaaton ku hayay shacabka xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid.

Ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay Howlgallo balaaran ka sameeyay xaafado katirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho oo ay dhibaato ka wadeen kooxo burcad ah.

Howlgalkan oo ahaa mid balaaran ayay ciidanka Xisbada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyeen xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid oo habeenadii lasoo dhaafay ay dhibaato ka wadeen kooxo hubaysan.

Saraakiil katirsan ciidanka Xisbada ee Howlgalka fuliyay ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyay in ciidanku ay tacshiirad is dhaafsadeen Kooxo burcad ah oo faraha kula jiray falal burcadnimo islamarkaana ay dileen mid kamida burcadii la baacsaday.

Maydka Mid kamida kooxihii Burcadda ahaa oo lasalbiyay ayaa maanta lasoo dhigay hareeraha wadada Hotelka Ramadaan degmada Yaaqshiid halkaas oo ay isugusoo bexeen shacabka deegaanka oo aad ugu farxay qaabka loola dhaqmay Burcadda.

Weriyaha Idaacadda Islaamiga Andalus oo booqday goobta lasoo dhigay Maydka Ninkan Burcadda ah ayaa soo sheegay in Rasaas xoogan ay xabadka iyo wejiga uga tiilay Ninka Burcadda ah.

Dadka deegaanka oo iyana lahadlay Idaacadda islaamiga Andalus ayaa xarakada Shabaabul Mujaahidiin uga mahad celiyay sida ay uga qabatay qowlaysatadii dhici jiray maalka shacabka islamarkaana haweenka kufsan jiray.

Xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid ayaa ah xaafadda ugu amaanka xun deegaanada ay maamulaan xoogaga Mujaahidiinta ah waxaana xaafadaasi dhibaata ka gaysan jiray Ninkii maanta ladilay ee lagu magacaabi jiray Ileey basle ay shacabka xaafadaasi ka raysan doonaan dhibaatadii uu ku hayay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: