Boqolaal katirsan Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Galabta dhoolatusyo kusoo bandhigay bartamaha magaalada Kismaayo iyo Sheekh Cali Dheere oo sheegay in Ciidankaasi ay Xad beenaadka Kenya u dhaqaaqi doonaan.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta Tababaro usoo gaba gabaysay Boqolaal katirsan Ciidamada Mujaahidiinta oo bilihii lasoo dhaafay ay Tababaro uga socdeen deegaanno katirsan Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Boqolaal katirsan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta dhoolatus ka sameeyay Bartamaha magaalada Muqdisho waxaana iskusoo baxay Kumanaan Shacab ah oo aad ugu faraxsanaa Ciidanka Mujaahidiinta ah ee tababarka soo dhamaystay.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere (Xafidahullaah) ayaa meel fagaara ah kula hadlay Ciidanka Mujaahidiinta iyo Shacabka magaalada Kismaayo wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku nool wilaayada islaamiga Jubbooyinka in ay sii wadaan Tabantaabada Jihaadka alle.

Sheekh Cali Dheere wuxuu carrabka ku dhiftay in Ciidamadan mujaahidiinta ah ee tababarka soo qaatay ay u dhaqaaqi doonaan Xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Somaliya halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Mujaahidiinta iyo Ciidanka Saliibiga Dowladda Kenya.

Ciidamada Mujaahidiinta ee galabta Fantasyaha kusoo bandhigay magaalada Kismaayo waxay ku hubaysnaayeen gaadiid dagaal iyo hub iyagaana ku dhawaaqayay Takbiir iyo Taxmiid, ciidankan maanta Tababarada loosoo gaba gabeeyay ee Kismaayo dhoola tuska ku sameeyay ayaa bilihii lasoo dhaafay Tababaro ku qaadanayay Mucaskaraad ku yaal Jubbooyinka.

Mas’uuliyiinta maanta Kismaayo kula hadlay Ciidanka iyo Shacabka ayaa balan qaaday in ay ka hortegi doonaan Maleeshiyaadka Murtadiinta ah ee Kenya Tababarada kusoo qaatay.

Xoogaga Mujaahidiinta ee tababarada soo dhamaystay ayaa lafilayaa in ay dabar gooyaan Maleeshiyaadka Axmed madoobe iyo kooxda Riddada taabacsan ee duulaanka kusoo ah wilaayada Jubbooyinka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: