Sheekh Xasan Daahir Aweys oo soo dhaweeyay Khilaafka Udhexeeya Hogaanka Kooxda Riddada ee Muqdisho ku sugan.

Sheykh Xasan Daahir Aweys wuxuu Dowlada KMG ku sifeeyey cadaw colaad u haya Diinta alle iyo shacabka Soomaaliyeed hadii ay Burburaana ay dani ugu jirto Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho.

Hogaanka Ururka Xisbul Islaam ayaa u rejeeyay madaxda DKMG khilaafka oo sii xoogaysta iyo burbur ku yimaad jiritaankeeda “in ay is khilaafayaan oo ay Burburayaan horay waan ufilayney maxaa yeelay waa cadaw loo soo seexiyay shacabka, markii la soo dhisayey waan sheegi jirnay in cadawgu ku adeeganayo marka ay tabar yareeyaana laysku dirayo tii ayaa dhacday” ayuu yiri Sheykh Xasan Daahir Aweys.
Sh.Aweys oo la weydiiyay waxa uu ugu baaqayo DKMG si khilaafka jira loo xaliyo ayaa ugu baaqay in ay alle u Tewbad keenaan hadii kale sidaan iyo si kadaran noqon doonaan wuxuuna meesha ka saaray in Ururkiisu ay ku biirayaan dowlada KMG ah.

“anaga waxaa naga go’an in aan kuwaas cadawga ah dalka ka xorayno wax lagu biiro meesha mayaalaan waa kuwa Diintoodi iibsaday Islaamkuna kuwaas oo kale xukun ayaa uga yaal”.

Ugu dambayntii Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu eedeeyay dagaal ooge Yuusuf Indha Cadde oo ka tirsan DKMG ah wuxuuna ku tilmaamay doqon aan sariigasho xishood ah lahayn, Sheykh Xasan wuxuu Indha Cadde ku sheegay nin iska hadla isagoona beeniyay in Cumar Cabdi Rashiid hub siin jiray Xisbul Islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin.

Warka ka soo yeeray Sheykh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf xil iska qaadis qaras ka tuur ah uu u dhexeeyo hogaankii DKMG ahaa oo qarka u saaran in fashil buuxa ku yimaado.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: