Murtad Yuusuf Indha Cadde oo qiray in Maleeshiyaadka Kooxda Riddada ay ku halaagsameen dagaalada ay lagaleen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Eedayna u jeediyay Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.

Sarkaal katirsanaa Xukuumadii Riddada ee dhacday ayaa xaqiijiyay in ay ku guul daraysteen dagaalada ay kula jiraan Xoogaga Mujaahidiinta ah ee dagaalada jihaadka ah ka wado Somaliya.

Murtad Yuusuf Max’med Siyaad Indha Cadde oo Kooxda Riddada ugu magacaawnaa Wasiiru Dowlaha G/dhigga ayaa shaaciyay in xoogaga Mujaahidiintu ay hubkii faraha badnaa ee gaalada caamku ugu deeqeen kooxda lawareegeen mujaahidiinta.

Isagoo¬†shaley shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayuu sheegay in Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigtay 4000 oo qori ilaa iyo 5000 oo qori iyo rasaas farabadan oo Mareykanku ugu talagaleen Kooxda Riddada.

“Cumar Cabdi Rashiid Hubkii caalamku noogu deeqay ayuu siiyay Al Shabaab hubkaas wuxuu gaarayaa 5000 oo qori ilaa iyo 4000 qori hubkaas waxaa hadda haysta Al Shabaab”ayu yiri Indha cadde.

Dagaal Ooge Indha cadde oo ay Mujaahidiintu si xun u halaajiyeen Maleeshiyaadkiisa ayaa ku baroortay in Cumar Cabdi Rashiid Cali sharmaake uu Maleeshiyaadka Riddada ku qabsay in ay kasoo baxaan dhul ay kula dagaalamayeen Mujaahidiinta.

Qayla dhaanta Kooxda Riddada kasoo yeertay ayaa kusoo aadaysa xiili Mujaahidiintu ay Murtadiinta kala wareegeen inta badan degmooyinka gobalka banaadir oo hadda shareecada Islaamka looga dhaqmo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: