Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Faah Faahiyay Kulamo uu Odayaasha dhaqanka Jubbooyinka kula qaatay magaalada Kismaayo.

Kulamo muhiim ah oo ay mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin laleeyihiin Odayaasha iyo waxgaradka gobalada Jubbooyinka ayaa weli ka socda magaalada Kismaayo ee gobalka  Jubba hoose  oo ay socdaal ku marayaan wafdi shabaabul Mujaahidiinta ka socda.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheykh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu laqaatay Odayaasha iyo culimaa’udiinka gobalada Jubbooyinka.

Sheykh Cali wuxuu xaqiijiyay in ay Odayaashu ay si buuxda utaageersanyihiin Jihaadka ka socda Somaliya islamarkaana ay taageero dhan walba ah siiyeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin welina ay damacsanyihiin in ay laba laabaan taageerada Jihaadka Alle.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa uga mahad celiyay odayaasha dhaqanka Jubbooyinka sida ay dhan uga naqdeen duulaankii uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Wilaayada islaamiga Jubbooyinka si uu meesha uga saaro ku dhaqanka shareecada Islaamka ee gobaladaasi ka dhaqan galay.

Kulamadan oo ay kuwa muhiimad leh ayaa lafilayaa in maalmaha soo socda ay kasoo baxaan go’aamo muhiim ah oo ay wada gaaraan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Odayaasha dhaqanka oo labaduba kaalin weyn ku leh ku dhaqanka shareecada islaamka ee Jubbooyinka ka hana qaaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: