Afhayeenka Xarakada Alshabaab sheekh Cali dheere iyo wafdi balaaran oo uu hor kacayo oo gaaray magaalada Kismaayo.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada kismaayo ee Xarunta wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka gaaray  wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud raage.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo ayaa soo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayo Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,waxaana makaas kadib ay wafdigu ay bilaabeen inay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta wilaayada.
Ilaa iyo hadda lama oga waxa kasoo baxay  kulamada ay Mas’uuliyiinta wilaayada islaamiga ah ee gobolka Jubada hoose la qaateen wafdigii ka tagay magaalada muqdisho ee uu hogaaminayay Sheekh Cali Maxamuud raage Sheekh Cali dheere.
Laakiin booqashada wafdigaas ee magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka jubada hoose ayaa waxa ay qeyb ka tahay  booqashooyin is xig xiga oo mudooyinkii dambe ay magaalada kismaayo iyo qeybo ka tirsan gobolada Jubooyinka ay ku tagayeen Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta  Alshabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: