Sarkaal katirsanaa Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe oo iskusoo dhiibay Wilaayada Islaamiga degmada Afmadoow.

Firxadka Maleeshiyaadkii Mujrim Axmed Madoobe ayaa kusoo qulqulaya magaalooyinka wilaayada Islamaiga Jubbooyinka oo laga sifeeyay Maleeshiyaadka shareeca diidka ah.

Sarkaal katirsanaa Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa iskusoo dhiibay Wilaayada Islaamiga Gobalada Jubbooyinka oo kal hore dagaal Jubbooyinka kula galay Wilaayada wuxuuna sarkaalkaasi sheegay in dhibaato loogaystay.

Ninkan katirsanaa Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa shalay fagaare ku yaal degmada Afmadoow kula hadlay shacab halkaasi isugusoo baxay wuxuuna sheegay in uu ka Towbad keenay dagaalkii uu kula jiray Wilaayada Jubbooyinka.

Sarkaalka isisoo dhiibay oo lagu magacaabo Sheekh C/qadani ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu Khiyaameeyay maleeshiyaadka deegaanka islamarkaana dhibaato xoogan loo gaystay.

Mujrim Axmed Madoobe oo isku dayay in uu dumiyo wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa cadaystay Mujrimnimadiisa wuxuuna ku biiray Kooxda Riddada iyo Dowlada saliibiga Itoobiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: