Wilaayada Islaamiga Hiiraan oo Xad Zina ah ka fulisay magaalada B/weyne gobalka Hiiraan.

Maxkamadda Islaamiga magaalada B/weyne xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta fulisay xukuno Islaami ah kadib markii Maxkamad lasaaray Wiil dhalinyara ah oo fal Zino ah galay.

Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Hiiraan ayaa maanta meel fagaara ah ku fulisay Xukun Xaddu Zina ah, waaliga magaalada B/weyne Sheykh C/laahi C/raxmaan oo goobtii xukunku ka dhacay kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Maxkamada B/weyne ay dacwad keentay mid kamida Gabdhaha Muslimaadka ah ee ku dhaqan magaalada.

Fardowso Ibraahim Axmed ayaa la sheegay in ay maxkamada u dacwootay iyadoona ka dacwootay Wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Max’med Bariise Xasan oo lagu eedeeyay in uu si xoog ah uga Zinaystay Gabadhaasi.

Markii maxkamadda lasoo taagay Max’med Bariise wuxuu qirtay in uu muddo 2 jeer ah si qasab ah uga Zinaystay Fardowso Ibraahim Max’med oo kamid ah Gabdhaha Muslimaadka ah ee ku dhaqan magaaladaasi B/weyne.

Maxkamadda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin magaalada B/weyne ayaa xukuno waafaqsan shareecada Islaamka ku ridday Eedaysane Max’med Bariis Xasan waxaana lagu xukumay qodobadan Hoose ku xusan.

1-In uu Bixiyo 2-qaalmood oo lo’ Afar Jir ah oo ah Mahar Gabadha uu kufsaday
2-in uu bixiyo lacag dhan 2 Milyan Shilin Soomaali oo ah Bikaarada gabadha uu ku xad gudbay
3-in 100 Jaydal lagu dhufto
4-in laga masaafuriyo gobalka Hiiraan muddo sanad ah.

Wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa balan qaaday in ay sii wedi doonto Fulinta Xukunada Islaamiga ah, Wiilkii Zinada galay ee maanta laxukumay ayaan horay guur usoo marin dhawaan ayay Maxkamadda Shabaabul Mujaahidiin Banaadir xukuno Tacziir ah ka fulisay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: