Saraakiisha Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee shalay gaaray degmada Ceelbarde oo kulamo laqaatay Shacabka Muslimiinta ee degmadaasi ku Nool.

Saraakiisha Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shalay la wareegay gacan ku haynta degmada Ceelbarade ayaa saaka kulamo xasaasi ah laleh Odayaasha iyo culimada degmadaasi oo ay kala hadlayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Ciidamada Al Shabaab ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbarde waxaana jira cabsi ah in dagaallo dib ugasoo cusboonaadaan Ceelbarde oo dhacda Xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maleshiyaadkii shalay laga Eryay Ceelbarde ayaa ku sugan Yeed iyo gudaha dhulka Somaligalbeed halkaasi oo ay ka qalqaashanayaan Ciidamo Tikree ah oo weerar kula qaada degmooyinka Bakool.

Saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin waxay ku goodiyeen in ay weerarayaan Murtadiinta iyo saliibiyiinta ku sugan Yeed, shacabka magaalada ayaa soo dhaweeyay lawareegidda degmada ay Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen waxayna shacabku dhibaata ku qabeen tikreega iyo Murtadiinta la socotay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ee magaalada qabsaday ay xalay bandaw kusoo rogeen magaalada waloow aan warkaasi xaqiiq loo hayn, maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in degmadaasi Maamul Islaami ah loo sameeyo..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: