Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe oo Gaadiid Rakaab ah ku baartay inta udhaxaysa Qooqaani iyo Dhoobleey.

Maleeshiyaadkii Axmed madoobe ee shareeca diidka ahaa ayaa bilaabay in ay baartaan gaadiidka shacabka ah ee isaga kala goosha magaalooyinka Afmadoow iyo dhoobleey wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaad hubaysan ay shalay gaadiid Rakaab ah ku baarteen wadada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey waxayna Jirdil iyo dhac baahsan ugaysteen Dad Shacab ah oo wadadaasi ku safrayay.

Maleeshiyaadka Hubaysan ee dhaca gaystay ayaa ah kuwii Mooryaanta Axmed Madoobe madaama ay ku hubaysanaayeen Hub culus oo aysan Burcadda caadiga ah haysan karin sida qoriga PKM iyo Baasuukayaasha garbaha laga gemo.

Ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa saaka wado Howlgallo lagu baacsanayo kooxahaasi Burcadda ah ee dhibaatada ugaysanaya shacabka Muslimiinta ah.

Maleeshiyaadkan isbaarooyinka dhigtay ayaa ah kuwii Axmed Madoobe oo howdka ku jaagooday oo doonaya in ay baartaan shacabka, Axmed Madoobe ayaa ah Mujrim diidan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: