Ciidamada Milleteriga Shabaabul Mujaahidiin oo Gacanta ku dhigay 10 Gaadiidka dagaalka ah oo ay lahaayeen Maleeshiyaadka Qabuura Galeen G/gaduud ka dagaalama.

Ciidamada Milleteriga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobalka G/gaduud ayaa la wareegay dhamaan wixii ay hub wateen Maleeshiyaadkii taageersanaa Qabuura Galeenka Mushrikiinta ee dhawaan laga sifeeyay bariga G/gaduud. Wararka nagasoo gaaraya Ceeldheer ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay dhulka Howdka ah iyo tuulooyinka kasoo aruuriyeen Firxadka gaadiid dagaal iyo hub ay Maleeshiyaadkii laga adkaaday ka carareen.

Waaliga G/gaduud Sheykh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade ayaa xaqiijiyay in ay hanteen dhamaanba wixii Hub Culus ahaa oo ay kusoo dagaal lagaleen Maleeshiyadii Qabuura Caabudka iyo Mooryaanta isugu jiray ee Bishii April lagula dagaalamay degmooyinka Galcad,Masagawaa iyo Ceeldheer.

Sheykh Yuusuf wuxuu sheegay in ciidanka Milleteriga Xarakada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen 10 Gaari oo Nuuca dagaalka iyo kuwa saadka ah oo ay ka furteen Maleeshiyaadkii laga adkaaday.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Dadka deegaanka ay ka qayb qaateen sidii hubka loogasoo aruurin lahaa tuulooyinka iyo dhulka Howdka ah, Maleeshiyaadka oo dhanka Gaalkacyo ubaxsaday ayaa ku dhiiran waayay in ay qaataan hubka waaweyn.

Beelaha dega Bariga G/gaduud ayaa Milleteriga Shabaabul Mujaahidiin kala shaqeeyay sidii ay gacanta ugusoo dhigi lahaayeen Hubka ay ka firxadeen Maleeshiyaadka kadib markii ay Beelahaasi arkeen wanaaga Xoogaga Mujaahidiinta wadaan.

dagaaladii ka dhacay Masagawaa iyo Burtuqle ayaa larumaysanyahay in ay ku dhinteen 51 Maleeshiyaad Qabuura galeen ah oo ku dadaalayay in Mujaahidiinta ay ka hor istaagaan qabsashada dhulka Xeebta leh ee G/gaduud balse markii dambe laga adkaaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: