Maleeshiyaadka Mushrikiinta iyo kuwa Dowlada KMG ah oo Haweenka Muslimaadka gacmahooda uga fiiqayay Indha shareerka iyo Xijaabka Adag Wadada Dabka ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Mushrikiinta Qabuura galeenka ah iyo kuwa taabacsan Yuusuf Indho Cadde ayaa maanta falal gurucan ka sameeyay Wadada Dabka magaalada Muqdisho oo ay kooxahaasi fariisin ku leeyihiin. Maleeshiyaadkan shareeca diidka ah waxay maanta Indha shareerka ka xayuubiyeen Haweenka Muslimaadka ah ee usoo dukaamaysi tago Suuqa bakaaraha magaalada Muqdisho islamarkaana degan deegaanka AMISOM iyo DKMG ah maamulaan.

Weriye C/karin Xuseen Guutaale oo Indhihiisa kusoo arkay Indha shareer ay gubayaan maleeshiyaadka Mushrikiinta ah ayaa SomaliMemo uga sheekeeyay wuxuu Indhihiisa kusoo arkay iyo qaabkii loola dhaqmay Haweenka Muslimaadka ah.

“Ciidanka halkaasi ku sugan waxaa u shidnaa markii aan soo marayay Dab waxayna ku gubayeen Indha shareerka oo ay ka aruurinayeen Haweenka saaran gaadiidka ee ka baxa suuqa Bakaaraha soona gala,Nimanka sidaasi yeelaya waxay wateen macaawisyo iyo cimaamado sigaarna way cabayeen”ayuu yiri Guutaale.

Maleeshiyaadka Mushrikiinta ah ayaa Haweenka gacmahooda uga fiiqayay Haweenka diida in ay furaan Indha shareerka sidoo kale Maleeshiyaadka Indho Cadde ayaa iyana haweenka gacma gacmaynayay iyagoo uga digayay in ay soo xirtaan shukada iyo Xijaabka adag.

Haweenka Indha shareerka looga dhigay Wadada Dabka ayaa Isgoyska Bakaaraha soo gaarayay iyagoo aad u xishoonaya oo wejiyada gacmaha saaranaya, wararka ayaa intaasi ku daraya in Haweenka qaar ay diideen in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay deganaayeen ee Madiine iyo Waaberi kadib markii lasoo faragashtay Labiskoodii Islaamiga ahaa.

Falkan gurucan oo ay Mushrikiintu ku kacayaan ayaa umuuqaal Eg cadaadiskii ay ku hayeen haweenka Muslimaadka ah ee ku dhaqan Guriceel iyo Dhuusamareeb, Mushrikiinta G/gaduud kasoo Barakacay ayaa doonaya in ay haweenka Muslimaadka ah udiidaan qaadashada Xijaabka alle ku faral yeelay.

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay Howlgallo ka waday deegaanada ku xeeran Suuqa Bakaaraha iyagoona halkaasi ka ciribtiray Mushrikiintii balse waxay weli ku suganyihiin Wadada Dabka oo ay ka joogaan ciidamada AMISOM.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: