Ciidamada Xisbada Wilaayada Jubbooyinka oo Howlgal balaaran sameeyay iyo Sheykh Xasan Yacquub oo digniin u diray kuwa Ahlu Towxiidka ku beegsada Masaajidyada.

Waxaa Gabal dhicii maanta soo gaba gaboobay Howlgallo balaaran oo ay ciidamada Xisbada Wilaayada Islaamka Jubbooyinka ka wadeen magaalada Kismaayo xarunta gobalka Jubbada Hoose oo xalay qarax khasaara dhaliyay ka dhacay.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Xisbada ay caawa ilaala xoogan ka hayaan goobaha lagu cibaadaysto ee magaalada Kismaayo si ay u baacsadaan dhagar qabayaashii xalay qarxiyay Masjidka magaalada Kismaayo.

Ciidamada Xisbada oo maanta oo idil howlgallo weday ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan dad lagu tuhunsanyahay in ay wax ka ogaayeen qaraxii xalay ka dhacay Masjid ku yaala xaafadda Guul wade magaalada Kismaayo.

Sheykh Xasan Yacquub Abul Cabaas Madaxa Dacwada iyo Tacliinta Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo maanta ka istaagay Masjid ku yaal magaalada Kismaayo ayaa lahjad adag kula hadlay qolooyinka cadawga u shaqeeya ee doonaya in ay baqdin geliyaan Ahlu Towxiidka alle ku caabuda masaajidda.

Abul Cabaas wuxuu weeraradaasi ku tilmaamay kuwii lagu yaqiin Cadawga Islaamka islamarkaana alle ku sheegay qur’aankiisa oo kuwa aan Muslimka ahayn ay dhib oo dhan lajecelyihiin Muslimiinta.

Amaanka Kismaayo oo aad u wanaagsan ayaa Caawa lasoo sheegayaa in shacabka iyo Ciidamada Xisbada iska kaashanayaa sidii loo baari lahaa cid walba oo lagu tuhunsanyahay in ay cadawga u shaqayso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: