Xisbul Islaam oo Faah Faahiyay sbabata ay utageen magaalada Xarardheere gobalka Mudug.

Ururka Xisbul islaam ayaa tafaasiild heeri ah ka bixiyay qabsashada ay ciidamo Ururkaasi katirsan katirsan ay qabsadeen magaalada Xarardheere gobalka Mudug oo fariisin u ahayd kooxaha Jidgooya badeedda ah.

Madaxa Howlgalada Ururka Xisbul Islaam maxamed caruus ayaa sheegay in magaalada ay kusoo dhaweeyeen boqolaal katirsan shacabka magaalada oo ku faraxsanayaa imaashiyaha Mujaahidiinta sida uu Caruus hadalka u dhigay.

Caruus wuuxuu beeniyay Warar sheegayay in Xisbul Islaam ay colaad u horseedyaan gobalka Mudug wuxuuna carrabka ku dhiftay in ay kusoo jeedaan deegaano Mudug katirsan oo aysan kooxaha Islaamiyiinta ah joogin.

“Mujaahidiinta Xisbul Islaam Markii ay magaalada soo galeen waxaa soo dhaweeyay shacabka oo aad ugu faraxsanaa soo faaritaanka Mujaahidiinta”ayuu yiri Caruus.

Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in Beelo dega Xarardheere ay banaanka uga bexeen magaalada islamarkaana ay wadaan abaabul ka dhan ah Xisbul Islaam, Socdaalka Xisbul Islaam ayaa kusoo aadaya xilli magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay weli haystaan maleeshiyaad Mushrikiin ah oo aan weli laga xorayn Gaglguduud oo dhan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: